Dowladda Oo Shaacisay In Dad Loo Soo Qabtay Dilkii Loo Geystay Sakariye Iyo Sowdo Kalafoge

0
Friday December 03, 2021 - 22:19:56 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Oo Shaacisay In Dad Loo Soo Qabtay Dilkii Loo Geystay Sakariye Iyo Sowdo Kalafoge

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wasiirka Wasaaradxa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabuqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaatay in la qabtay Ciidanka dowladd ee lagu tuhmayo inay dileen Sakariye Maxamud Kalafoge iyo Sowdo Maxamud oo walaalo ah.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Cadaaladda ayuu ku sheegay in Ciidanka amnaanka dowladda Federaalka ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka ka tirsan Milateriga dowladda ee xalay Isgoyska Dabka ee Muqdisho ku dileen Sakariye iyo Sowdo.

Sidoo kale Wasiir Cabduqaadir Maxamed ayaa xaqiijiyay in la qabtay Askari kamid ah Ciidanka dowladda oo isna Caawa Magaalada Muqdisho fal dhaawac ah ugu geystay Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud.

"Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen dadkii lagu tuhunsanaa iney geeysteen dilkii walaalaheena Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen. Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigey qofkii dhibka u geystey walaalkeena

Mahad Abdulrahman Mohamud” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda xilgaarsiinta.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in dhamaan eedeysanaasha lagu tuhmayo inay dileen Sakariye Maxamud Kalafoge iyo Sowdo Maxamud oo ahaa walaalo ahaa iyo midkii dhaawacay Mahad C/raxmaan cadaaladda la hor geynayo.

Ehelada Sakariye Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge oo Maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Meydadka labada Marxuum la aasi doonin ilaa Cadaalad ay ka helaan, lana soo qabto Ciidankii falkaas geystay.

XIGASHO:-RADIODALSAN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip