Kenya oo ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda Somaliya ay la wadaagto

0
Tuesday October 13, 2015 - 11:55:28 in Wararka by
  • Visits: 878
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda Somaliya ay la wadaagto

    Ciidamo badan oo Kenyatti ah ayaa la soo dhoobay xadka u dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Kenya, waxaana sababta arintaan ka dambeyso la sheegay inay tahay Haweenay ka shaqeysa Hay'ad gar gaar, sidoo kalena ah macalimad oo shalay Xeryaha Dhadhaab l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo badan oo Kenyatti ah ayaa la soo dhoobay xadka u dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Kenya, waxaana sababta arintaan ka dambeyso la sheegay inay tahay Haweenay ka shaqeysa Hay'ad gar gaar, sidoo kalena ah macalimad oo shalay Xeryaha Dhadhaab laga soo afduubtay.

Ciidamadan la soo dhoobay xuduuda ayaa la sheegayaa inay ka hortagayaan in haweenaydaasi aanan loola soo talaabin dhanka Somaliya, iyadoo Kenya aaminsan haweenaydaasi inay afduubteen rag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Judy Mutua oo ah haweenayda la afduubtay ayaa u shaqeysa Hay’ada Windle Trust International, waxaana lala afduubtay wadihii gaarigeeda, iyadoo dableyda hubaysan ay ka tageen gaarigii ay wadatay haweenaydaasi.

Inkastoo weli Ururka Al Shabaab wax war ah uusan ka soo bixin oo xaqiijinaya ama beeninaya arinta ku saabsan inay ka dambeeyeen Shabaabka afduubkaan, ayaa hadana Dowladda Kenya waxa ay sheegaysaa inay Shabaab ka dambeeyaan afduubkaan.

Ciidamada ku sugan xuduuda, ayaa saaka baaritaano adag halkaasi ka bilaabay, iyaga oo ku jira ciidanka feejignaan sare.

Inta badan dadka u shaqeeya Hay’adaha ee laga soo qafaasho Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa lala soo aada dhanka Somaliya, waxaana badi afduubyada noocaasi ah fuliya Ururka Al Shabaab.

Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaanan wanaagsan oo waxaa kuwada hardamaya Shabaab iyo ciidanka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip