Mid ka mid ah macalimiinta xeryaha qaxootiga dalka Kenya oo la afduubtay

0
Tuesday October 13, 2015 - 11:30:12 in Wararka by
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah macalimiinta xeryaha qaxootiga dalka Kenya oo la afduubtay

    Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegay in dabley hubeysan ay ka afduubteen Xerada qaxooriga ee Xagardheer oo ku taal Dhadhaab, iyadoo lagu tuhunsan yahay in dadka afduubtay ay ahaayeen Alshabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegay in dabley hubeysan ay ka afduubteen Xerada qaxooriga ee Xagardheer oo ku taal Dhadhaab, iyadoo lagu tuhunsan yahay in dadka afduubtay ay ahaayeen Alshabaab.

Macalinka la afduubtay oo ahayd qof dumar ah ayaa u shaqeyneysay hay’ada Windle Trust International hase yeeshee waxa dableydii afduubatay ay ka tageen gaarigii lagu waday haweeneydan.

Ciidamo ayay dowlada Kenya u direen xadka kala qeybiya dalka Soomaaliya iyo Kenya si loogaga hortago in laga gudbiyo xadka macalimadan.

Afduubka macalimadan oo magaceeda lagu sheegay Judy Mutua ayaa sababay in gebi ahaanba la joojiyo howlihii gargaarka cuntada iyo adeegga caafimaadka ee ka socday xerooyinka qaxootiga.

Dowlada Kenya ayaa marar badan ku eedeysay xeryaha qaxootiga inay ku dhuuntaan ururka Alshabaab, waxana dhowaan la bilaabay in qaxootiga ku jira xeryahaas dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya.

Ururka Alshabaab ayaan illaa iyo hadda ka hadal afduubka loo geystey haweeneydaas macalimada ka ahayd xeryaha qaxootiga Dhadhaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip