Mid ka mid ah culimada ugu weyn Soomaaliya oo dacwo ka ah Jeneral Odawaa + Video

0
Monday November 15, 2021 - 22:34:05 in Wararka by
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah culimada ugu weyn Soomaaliya oo dacwo ka ah Jeneral Odawaa + Video

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Sheekh Maxamed Kulmiye oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ka ah dalka oo cabasho ka gudbiyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, kadib markii sida uu sheegay saraakiil ka amar qaadata Odawaa ay si khasab ah qoysas uga barakiciyeen dhul ay Muqdisho ka deganaayeen oo ku fadhiya ku dhawaad 30 boos.

Sheekha ayaa sheegay in dhulkaan uu ku agyaallo xarunta tababarada ciidamada Soomaaliya ee TurkiSom oo ay gacanta ku heyso dowladda Turkiga, halkaas oo si joogto ah loogu tababaro ciidamada qaranka.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Kulmiye waxa uu sheegay in sarkaalka uu Jeneraal Odawaa u adeegsaday in la barakiciyo qoysaskii deganaa dhulkaas lagu magacaabo Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida.

"Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa culeys nagu haya Jeneraal Odawaa, dhulkeenii waxa uu ku heystaa sifo aan sharci aheyn, xatta waxaan ku dhahnay sharciga noo soo mar oo ugu yaraan wareegto madaxweyne noo keen, waxuu noogu jawaabay meeshaan dhul dowlo waaye shacabna kuma noolaanayo,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Kulmiye.

Sidoo kale Sheekha oo sii hadlaayey ayaa yiri, "Xuquuq ayaan leenahay, nidaamka dowladda kama soo hor jeedno oo wax kasta oo nidaam ah waan ogonahay, waxaa awood naloogu sheeganaa tuutaha ciidanka, ra’iisul wasaaraha, wasiirka gaashaanshigga iyo madaxweyne Farmaajo arrinteena waa ogyihiin, weliba Cumar Filish iyo Korneyl Shuute ayaa si dhow ula socda arrinteena, waxaan codsaneynaa in xoogga nala ka dhaafo oo sharcigu shaqeeyo.”

Hoos ka daawo

 
 
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip