=Nasashada Jimcaha.Q- 277.=Somalidu iyaga oo intaan ka badan heli karo miyey iska Fadhi iyo Maamulo fadhiid ah ku qanacday!!!.

0
Friday November 05, 2021 - 09:53:59 in Wararka by
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    =Nasashada Jimcaha.Q- 277.=Somalidu iyaga oo intaan ka badan heli karo miyey iska Fadhi iyo Maamulo fadhiid ah ku qanacday!!!.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

1. Nin Beeraley ahaa iyo Xaaskiisa ayaa waxa ey lahaayeen Hal wiil iyo Hal Dameer. wiilkii ayeey Qurbaha u direen. Maalin iyaga oo Gurigii ka maqan ayaa Tuug Beeraleey ahi ka xaday Dameerkii. Saddax Maalin ayuu raadinayay soo mana helin.

    Tuugii ayaa Saddax Maalin kadib, Dameerkii Khudaar ku soo Rartay, si uu Suuqa ugu iib geeyo. Ninkii Tuuga ahaa ayaa Makhaayad galay. intii uu Makhaayadda ku maqnaa ayaa Dameerkii iska soo dhaqaaqay oo uu yimid Gurigii laga Xaday.
 
Ninkii lahaa Dameerka ayaa Banaanka u soo Baxay oo arkay Dameerkiisii oo Khudaari ku raran tahay. Xaaskiisii ayuu u yeeray, kuna yiri: Dameerkeenu Saddax Maalin oo kaliya ayuu maqnaa, intaan oo Khudaar ah isagoo sido ayuuna noo yimid. Laakin Wiilkeenu Saddax Sano ayuu maqnaa welina wax nooma keenin.waxaa Fiicneed markaan Wiilkeena Qurbaha u direynay, in aan Dameerkaan Qurbaha u dirno.( F.S:1aad).
 
(Wiilasha iyo Gabdhaha Qurbaha joogoow, Ha hilmaamina Waalidkii Qurbaha idiin soo dirsaday, yaan Dameerku idinka roonaan).
 
2. Dad badan ayaa yiraa: Qof aan khaldamin wax ma saxo, iyo khaldku waa tilaabta ugu horeeyso ee guusha…..Maya, Maya, in Khalad la galo oo kaliya Guul ma ahan ee khaladka oo la saxo ayaa ah talaabta ugu horeyso ee guusha.
 
Madaxdu yeyna ku khaldamin Dadka ey xil u magacaabayaan. Saaxiibkaa, Xoolo waad sii kartaa, Xilna waad u magacaabi kartaa, laakin Xirfad iyo Xikmad uu ku maamulo ma sii kartid.
 
( Somaliyeey, Khalad yaan khald lagu sixin, Saaxibadaana yaan la siin sad ummadeed oo eyna iyagu leheyn, oo eynan Maamuli karin).
 
3. Nin Muddo Xanuunsanaa oo aan fadhiisa karin, ayaa xoogaa Caafimaad ah helay, oo Fadhi bilaabay. waxaa lagu yiri: sii duceyso in Alla kuu sii siyaadiyo Caafimaadka oo aad istaagto ayaa dhici karto. waxa uu yiri: Aniga intaan aan helay ayaa igu filan, in aan jiifkii ka kacay oo aan iska Fadhisan karo. ( F.S: 2aad).
 
(Somalidu iyaga oo intaan ka badan heli karo miyey iska Fadhi iyo Maamulo fadhiid ah ku qanacday).
 
4. Axmed ayaa Macalinkiisii u dhigayay Maadada Joqoraafigu ku yiri: waxaa ii muuqato in aadan Maadada Joqoraafiga baraneeyn, waa maxaay Sababtu


.
 
Axmed ayaa yiri: waxaan maqlay Aabaheey oo leh: Aduunku isbedel joogta ah ayuu ku jiraa Maalin kasta. markaa ayaan Go’aansaday in aan iska sugu Barashada Joqoraafiga inta Aduunyadu ka xasilayo. ( F.S:3aad)
 
(Somalidu Dowladnimada ma waxay sugee inta Aduunku ka xasilayo, waa goormee?)
 
5. Axmed oo aad u walwalsanaa, ayaa Macalinkii oo Natiijada imtixaanka Akhrinayay yiri: waxaan liiska ka soo bilaabaa hoos. waxa uu akhriyay Magacyada Ardayda points-koodu u dhexeeyso 0- 10, kadibna 10- 30, kadibna 30- 50 intaasi waa dhacday.
 
kadibna 50-70, kadibna 70 -97. waxaa la sugayay Sadax Arday ee hartay oo kaliya oo points-koodu ka sareey karto 97 points. Axmed ayaa aad u farxay. Macalinka ayaa ku dhawaaqay magacyada Labadii Arday ee points-koodu ahaa 98 iyo 99 . Axmed oo magaciisu dhinaa, ayaa aad u farxay Ardaydii oo dhan ayaa u hambalyeeysay. Macalinkii ayaa yiri: waa kuma Nacaska Zero keenay ee aan warqadda Magaciisa ku qorin. ( F.S:4aad)
 
(waa kuma Musharaxa helay Halkii cod ee Xumaaday).
 
6. Nin Xamar weyne Degan oo Sac ugu xirnaa Dabaqa hoose ayaa Xaaskiisu Daaqadda ka aragtay Tuug. Ninkeedii ayeey ku tiri : war ka kac, Sicii, Tuug ayaa u sii galaye. waxa uu ku yiri: Sug inta uu ka furanayo Adigaa la yaabi doono sidaan Tuuga u galo. war waa furtay Sicii ayeey ku tiri: waxaa uu ku yiri: Sug inta uu la baxo. waxa ey ku tiri: war waa la baxay. waxa uu ku yiri: iska dhaaf Beeri ayuu Suuqa geeynayaa, waana soo gadaneynaa. ( F.S: 5aad)
 
(Musharax Madaxweyne ayaa taageerayaashiisu ku yiraahdeen: Guddi Doorasho oo aan Dhaxdhaxaad noqo karin ayaa la magacaabay. waxa uu Musharixii yiri: suga, waxba qaadi maayaan, inta Ergada laga magacaabayo, waxaa lagu yiri: war Ergo aan la aqoon ayaa la magacaabay. waxa uu yiri: Suga inta Xildhibaanada laga Dooranayo. waxaa lagu yiri: Waxaa la magacaabay Xildhibaano Liiskoodu hore u diyaarsanaa. waxa uu yiri: Xildhibaano Baahan wax ma Doortaan ee Suga inta Lacagta Qatar ka imaane. waxaa la yiri: Lacagtii waa timid, Xildhibaanadiina waxa ey doorteen, Ninkii Liiskooda markii horeba soo qortay. waxa uu yiri: Iska dhaafa, 4 Sano kadib sidaan u galo ayaad la yaabi Doontiin)
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip