DOWLAD IS NUUGTAY!!!=Hadii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ku faanto…=

0
Friday November 05, 2021 - 11:22:46 in Wararka by
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DOWLAD IS NUUGTAY!!!=Hadii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ku faanto…=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Somalidu waxa ey ku Maahmaahdaa ” Nin is faanshay waa Ri is nuugtay”. ( F.S:1aad)
Haddii Wasaaradii Maaliyadu ku faanto kororka Miisaaniyad aan la xirin tii ka horeysay.
Wasaaradda Xanaanada Xooluhu ey ku faanto, Dhoofinta Xoolo eynan iyadu Xanaaneyn. Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku faanto, Shir ey ka qeyb gashay ,Danta noogu jirtana aan la is weydiin. Wasaaradda Caafimaadkuna ku faanto, Isbitaalo ka Madax banaan. Wasaaradda Beeruhuna ku faanto, ma ogi, Jardiinooyinka Magaalada miyaa. Tan Amniguna ku faanto, in ey Lafaheeda ilaashato. Tan Dastuurkuna, Qabyo ku faanto. Wasaaradda Shidaalkuna ku faanto, Sahan shidaal oo Ceel Shidaal lagu badalo. Tan warfaafintuna ku faanto, wixii Fadhi ku dirirku ka faanay.
 
Haddii Wasaaradda Post-duna Box-yo Maran ku faanto. Tan kaluumeeysiguna ku faanto, Heshiis Badda lagu xaalufinayo. Gaashaandhigu ku faanto, Shaqadii Booliska in ey Degmooyinka ka qabato. Wasaaradda Gaadiidku ku faanto, Tirada Bajaajka Magaalada. Wasaaradda Shaqaduna, Shax maran ku faanto. Tan Arrimaha Guduhu ku faanto Xaafadaha Xamar. Wasaaradda Dalxiiskuna, ku faanto Daabacaadda Duur joog mar hore dhimatay Sawiradood. Wasaaradii Haweenku ku faanto in Ururadii Haweenku ey dhowr garab noqdeen. Wasaaradii Diintu ku faanto in Bishii Ramadaan Laba Magaalo laga arkay.
 
Wasaaradii Cadaaladu ku faanto in Garsoorayaasha hadda Howsha cadaalada bilaabayo ee Aqoontootu hooseyso loo furayo tababar laaluush qaadasho. Wasaaradda Howlaha Guudna ey ku faanto, in Guryo Bacweynayaal ah ey Dadku dhisteen. Haddii Wasaaradii waxbarashadu ey ku faanto, Arday kala manhaj ah iyo Shahaado Mideeysan. Haddii wasaaradda warshadunu ku faanto, Bacaha iyo Tayada Biyaha, Warshadaha Barayfidka ah. Wasaaradda Ganacsiguna ku faanto, Gudigga Ganacsatada ayaan Go’aanka ka qaadanaa.
 
Haddii Dowladda Hoose ku faanto, Bilicda Burburka iyo Biyaha wadooyinka Xiray. Haddii NISA ku faanto, in Shaqaalaheedii Cidda dishay la baafinayo. Haddii Gudiga Doorashadu ku faano, Natiijada Musharax iyo Ergo Wajiga qarsatay. Haddii Hanti dhowku ku faano, Xisaab aan la xirin, Xisaabinteeda. Haddii Banggiga dhexena ku faano, wixii bixi la i yiraa, Sharci uma fiiriyo ee waa shubaa. Haddii Safaaradihiina ku faanaan, Miisaaniyad ma rabee magacaabid ayaan rabnaa.
 
Haddii Madaxtooyadiina ey ku Faanto, intaasi wixii ey ku faaneen in ey iyadu ka masuul tahay, Xaqna u leedahay in ey ku faanto.
 
Su’aasha 1aad: Nin is faanshay waa Ri is nuugtay ee Dowlad is Faanisay, Maxey Noqonee?.
Su’aasha 2aad: Mucaarad iyo Maamul Gobaleed is nuugayna waa jiraan, ee Horta Naaso la nuugo ma leeyihiin?.
 
Allow , waxaan kaa baryeynaa in : Ridii ilmaha loo lisi lahaa in eynan iyadu is nuugin. Dowladii Shacabku Caana ka sugayayna in eynan iyadu Naaska Gurin. Aamiin.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip