=Nasashada Jimcaha.Q-276=Madax tuugaa oo Dad iyo Dalba ay beec u yihiin, la shaqeey ayey ku leeyihiin..

0
Friday October 29, 2021 - 09:59:00 in Wararka by
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    =Nasashada Jimcaha.Q-276=Madax tuugaa oo Dad iyo Dalba ay beec u yihiin, la shaqeey ayey ku leeyihiin..

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

1. Aabe ayaa Wiilkiisa oo 6 jir ah ku yiri: wiilkeygiyoow waxaan ku weydiinaa su’aal Culumada Aduunku ka jawaabi weyday. Haddii aad ka jawaabtana waxaan ku siinaa $10.

Aabihii ayaa yiri: Ukunta iyo Doorada yaa soo horeeyay?. Wiilkii ayaa yiri: taasi waa fududahay. Ukuntaa Soo horeysay. Hooyo Quraacda waxa ey n

Wiilkii ayaa yiri: Aabe, Adigana waxaan ku weydiinaa su’aal Caruurtu ku wareertay. Somaliya Musuqmaasuqa iyo Qofka musuqa sameynayo yaa soo horeeyay? Aabihii weli kama jawaabin. ( F.S: 1aad)

(Madax tuugaa oo Dad iyo Dalba ey beec u yihiin, la shaqeey ayey ku leeyihiin, kadibna Tuug ayaa tahay, Tuuganimadaada iyo Xafiiska, Tuugada yaa soo horeeyay?)

2. Nin dhalin yaraa ayaa Shiikh ku yiri: Shiikoow, Nin ayaa ku riyooday wadaad Sanad ka hor dhintay, waxa uuna yiri: Dhibaataa soo socoto Somaliya ee Qur’aan akhriska ha la badiyo.

Sheikhii ayaa yiri: Ma i sagaa wax xun sheegay, hadduu yiri: Qur’aan akhriska hala badiyo. Somaliya Madaxweyne sannad ka hor dhacay ayaa wareegto ku soo saaray in Dhulka danta guud la dhowro. ma iyadaa xun hadduu Dadnta guud ilaalinayo.

(Duul dhintay oo dhawaaqaa Somaliya waa ku badan yihiin, warkoodana la qaadanayo, kii qur’ aan Akhriska badiya yiri, ayaase ugu roon). 

3. Qof Bukaan ah ayaa la keenay "Isbitaalka Maxaa iga galay”. Bukaankii waxa uu Isbitaalka ku jiray 4 Sano, mana Bogsoon. Sababta oo ah Labada Dhakhtar ee Isbitaalka ka shaqeeyso waxa ey kala ahaayen Dr. Muxaafid iyo Dr. Mucaarad.

Labada Dhakhtar, Mid ma yaqaan Xanuunka Bukaanka hayo, midka kalena ma rabo in uu Bukaanku bogsado. Afar Sano kadib Bukaankii ayaa geeriyooday. Labadii Dhakhtar wax ey yiraahdeen: Hadda ayaan helnay Daawadii Bukaanka. ( F.S: 2aad)


( ……………………………………..)

4. Deeqo Daacd iyo Seygeeydii Nuur Cuti, oo Baabuur wato ayaa waxaa joojiyay, Police-ka wadooyinka oo ku yiri: Nalka Bidix waa ka jaban yahay Gaariga. waxa uu yiri: Hadduu Wadadda iga soo soo jabay, Garaash ayaana u socdaa. Deeqo Daacad oo dhinac fadhiday ayaa tiri: Usbuuc ka hor ayaan u sheegay in uu jaban yahay Nalku . Police-kii ayaa yiri: Leesinkaaguna waa dhacsan yahay. Deeqo ayaa tiri: Bil ka hor ayaan u sheegay.
Seygeedii oo Careysan ayaa ku yiri: war Adigu naga aamus Doqonyeheey, wax ma ogide. Police-kii ayaa Deeqo ku yiri: Ninkaagu mar kasta sidaan miyuu kuula hadlaa markuu Baabuurka kugu wado. Deeqo ayaa tiri: Maya, ee waa marka uu Cabsan yahay oo kaliya. police-kii ayaa yiri: Haddan fahmay, oo ma isagoo Cabsan ayuu Gaariga wadaa. ( F.S: 3aad)

(Weli Siyaasi ku dhacay, khalad aad uga digtay mar hore. Dadka hortiisa ma kugu yiri: Naga aamus, Doqon yohoow wax ma ogide)

5. Cali yare iyo Caasho oo Fakhri dartii isku furay iyaga oo 20 jiro ah, ayaa kulamay iyaga oo 60 jiro ah, mid walibana uu Taajir noqday, uuna guursaday 20 jir.

Cali yare ayaa yiri: Caashoy, Hanti Alla waa na siiyay, Sida Aniga oo kale ayaadna 60 jir ku guursatay 20 jir. Bal ka waran Sariirta. waxa ey tiri:Macaantii hore ma jirto, waanse iska guursaday. waxa uu ku yiri: waad iga nasiib badan tahay, waa sidaasoow aan Adiga lagaa rabin in wax kuu kacaan. ( F.S: 4 & 5aad)
( Nin Qurba u doontay in uu Ceyr Qaato, Qajaf kuma dheero, ee waa saasoo aan Isaga Biil laga rabin, Baryo Dadban ayuu Bidixda u taagtaa )

6. Nin Reer Gaalkacyo ahaa oo ka maseyray Nin Xaaskiisa hore u qabi jiray, ayaa Dacwooday, Labadoodii oo Saldhiga joogo, ayuu kii Masersanaa soo qabsaday Kursi Saldhiga yiil, kadibna Ninkii ayuu Madaxa uga jajabiyay ,Halkii ayuuna ku Geeriyooday Ninkii.

Maxkamadda ayaa la geeyay, waxaa lagu yiri: Maxaad Kursiga ugu Jajabisay Ninka Madaxiisa.waxa uu yiri: waan ogahay in Kursi Dowlo oow Muhim yahay. laakin ma rabin in aan Kursiga jabiyo ee waxaan rabay in aan Ninka Madaxiisa Jabiyo. ( F.S: 6aad)
( Reer Gaalkacyo, Hantida Qaranka ma dhowraan, been dheh)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip