Mowliidka: "Nabi Muxammad NNKH isaga ayaa billaabay inuu xuso dhalashadiisa".

2
Tuesday October 19, 2021 - 22:16:20 in Wararka by
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mowliidka: "Nabi Muxammad NNKH isaga ayaa billaabay inuu xuso dhalashadiisa".

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sanad walba bisha Rabiicul-Awal waxaa inta badan dalalka muslimiinta ee sunniga ah laga xusaa dhalashada Nabi Muxammad Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa Ha ahaatee, inkastoo ay jiraan dad kale oo kasoo horjeeda fikirkaas.Magaalooyinka Soomaalida, oo ay ka mid tahay caasimadda Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo la xiriira dabaaldagga maalintii uu dhashay Rasuulka.

Sidaba caadada ah waxaa la sameeyaa xaflado lagu qalaa xoolo u badan geel, isu soo bax ballaaran, masaajidyada ay gacanta ku hayaan muslimiinta fikirkan xoojiyana waxaa laga akhrigaa nabi amaan iyo muxaadarooyin la xiriira mowduucan.

Sida siirada ku xusan, Nabiga wuxuu dhashay Sannadkii Maroodiga – oo taariikhda milaadiga ay ku beegnayd intii u dhexeysay 570 iyo 571 AD.

Marka la waafajinayo taariikh xisaabaha Hijriga oo la aasaasay dhalashada nabiga kaddib, inta badan tixraacyadu waxay muujinayaan in Nabiga uu dhashay bisha Rabiicul Awal. Balse dabaaldegyada sunniyiinta waxaa la qabtaa 12-ka bisha. Haddaba, waxaa loo arkaa in bishan ay tahay midda dabaaldegyada.

Xilligii uu noolaa hoggaamiyihii Masar ka talin jiray ee lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Baasha, xuska dhalashada Nabiga waxa uu kusoo koobmay culimada loo yaqaanno Suufiyada.

Marar badan hoggaamiyeyaasha dariiqada Suufiyada waxay aad u xoojiyaan in xuska dhalashada nabiga NNKH uu yahay mid muhiim ah, ayna sax tahay in maalintaas la weyneeyo.

Laakiin culimada Salafiyiinta oo ah dadka doodda ka qaba arrintaas waxay ku tilmaameen ficil "bidco” ah oo aan waafaqsaneyn diinta Islaamka.

Maxay tahay Sababta ugu weyn ee loo xuso dhalashada Nabiga?

Sheekh Xuseen Sheekh Dayib Cabdi oo ka mid ah culimada ku sugan magaalada Nairobi ayaa BBC-da u sharraxay sababta loo xusayo dhalashada Nabiga.

"Dhalashada rasuulka CSW dadka Muslimiinta ah markii bisha Mowliid lasoo gaaro sanad walba, khaasatan maalintii isaga uu dhashay waxay u xusaan shukrin lagu shukrinayo nimcadan oo Rasuulka ah CSW, maxaa yeelay haddaan nahay Muslimiin waxaan aaminsan nahay inuu yahay nicmo loogu talogalay dhammaan basharka, marka nimcadaas ayaa lagu shukrinayaa,” ayuu yiri Sheekh Xuseen.Sheekh Xuseen Sheekh Dhayib

Waxyaabaha loo daliishado ayuu sheegay inay ka mid tahay ficillo uu nabigu laftiisa sameeyay.

"Culimadu waxay usoo daliishanayaan xadiiskii Bukaari iyo Muslim ay warinayeen, kaasoo sheegaya in rasuulku uu yimid magaalada Madiina, wuxuu u yimid yuhuuddii meelaha kala duwan dagganeyd oo soomeysa, soonkooda waxa uu ku beegnaa maalinta Caashuura ee 10-ka bisha Muxarram.

"Rasuulku wuu weydiiyay sababta ay u soomayeen waxayna u sheegeen in ay xusayaan iyagoo Alle ku shukrinaya maalintii uu Nabi Muuse CS Alle ka badbaadiyay fircoon iyo ciidankiisa, kuwii kalena la halaagay. Markaas ayuu nabigeennu yiri ‘annaga ayaa idiinka xaq leh nabi Muuse, sababtoo ah idinku waad i beeniseen laakiin annagu waan rumeysan nahay nabi Muuse iyo kitaabka Tawraat.

"Rasuul wuu soomay, dadka muslimiinta ahna wuu faray inay soomaan. Xadiiskaas waxaa laga faa’iideysnaayaa, sida uu Xaafid Ibnu Xajar ku leeyahay Kitaabkiisa Al Fatxul Baari, in la sameynayo ficil shukriga ku tusinaya oo Alle looga mahad celinayo nimco la isku galladeystay,” ayuu yiri.

Sida Soomaaliya looga xusay

Sheekh Xuseen ayaa intaas ku daray in Rasuul NNKH "dabaaldaggiisa lasii billaabay isagoo dhalanin, oo lagu sheegay kitaabadii ka horreeyay ee Towraad iyo Injiil”.

Daliil kale ayuu sheegay inuu yahay markii nabiga la weydiiyay mid ka mid ah maalmihii uu soomi jiray oo Isniin ah, "taasoo uu ku jawaabay inay tahay maadaama ay tahay maalintii la dhalay oo uu xusayo”.

"Nabiga isaga ayaa billaabay xuska dhalashadiisa”

Sheekh Halliru Maraya, oo ah aqoonyahan diinta Islaamka ku xeel dheer oo saldhiggiisu yahay gobolka Kaduna ee dalka Nigeria ayaa BBC-da laanteeda Hausa u sheegay in Nabi Muxammad NNKH uu isagu billaabay xuska maalinta dhalashadiisa.

"Nabi Mucammad (NNKH) waxaa la weydiiyay sababta uu u soomo maalinta Isniinta ah. Nabiguna wuxuu ku jawaabay taasi waa maalintii aan dhashay,” ayuu yiri Sheekh Halliru.

sHEIKH mARAYA

Waxa uu intaas ku daray in Muslimiinta laga doonayo inay dabaaldagaan bisha Mowliidka, "maadaama ay tahay bil uu Alle Adduunka siiyay hadiyad aan wax la mid ah jirin, oo ah dhalashada Nabiga, nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Aqoonyahankan ayaa ku taliyay in si loo xuso dhashada rasuulka la sameeyo dhowr waxyaabood oo kala ah:

  • In la isu imaado si loo muujiyo mucjisooyinka Nabiga iyo in sunnadiisa la raaco
  • In la soomo
  • In saaxiibbo cusub la yeesho
  • In la booqdo bukaannada ku jira isbitaallada
  • In lacag la sadaqeysto
  • In dadka la quudiyo

Culimada ayaa ka digay in xuska laga ilaaliyo isdhexgalka ragga iyo dumarka iyo xumaatooyinka kale.

Soomaaliya iyo Moowliidka

Ka sokoow xusaska Moowliidka ee ka dhacaya Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa maalin fasax qaran ka dhigtay maalinta moowliidka, iyada oo xitaa dowlad goboleedyada qaar ay sidoo kale fasaxeen shaqaalaha rayidka ah. Waxaa ka mid ah dowlad goboleedka Jubbaland oo soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in maainta Moowliidka awgiis loo fasaxay shaqaalaha.

Xigasho:BBCsomali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip