VIDEO: Beesha Habargidir oo qeyla dhaan ka soo saartay dhul xoog looga saaray

0
Monday April 18, 2016 - 20:29:25 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    VIDEO: Beesha Habargidir oo qeyla dhaan ka soo saartay dhul xoog looga saaray

    Dad ka soo jeeda beesha Habargidir ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho, iyagoona sita dokumentiyo muujinaya dhulkii ay ku lahaayeen agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad ka soo jeeda beesha Habargidir ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho, iyagoona sita dokumentiyo muujinaya dhulkii ay ku lahaayeen agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay iskusoo baxaasi ayaa u sheegay warbaahinta in xoog looga barakiciyay dhulkooda oo loo sheegay in dan guud loogu adeegayo, iyagoona sheegay in ballanqaadkii dowladdu uu noqday mid been ah isla markaana dhulkii laga kiciyay lagu wareejiyay shirkado la sheegay inay sugayaan amniga garoonka.

Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Habargidir ayaa sheegay in dhulkaasi dadkii laga barakiciyay dib dowladdu dhulkooda ugu soo celiso, isagoona ku tilmaamay inuu halkaasi u tegay cabasho ay u soo gudbiyeen dadka uu oday dhaqameedka u yahay.

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip