Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Ingiriiska oo ku bur burtay dalka Afghanistan & Askar ku geeriyootay

0
Monday October 12, 2015 - 10:22:59 in Wararka by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Ingiriiska oo ku bur burtay dalka Afghanistan & Askar ku geeriyootay

    Diyaarad nooca Helicopter ah oo ay leedahay Dowlada UK oo kamid ah ciidamada NATO ee Afghanistaan ayaa ku soo dhacday Airporka Militariga ee Magaalada Kabul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad nooca Helicopter ah oo ay leedahay Dowlada UK oo kamid ah ciidamada NATO ee Afghanistaan ayaa ku soo dhacday Airporka Militariga ee Magaalada Kabul.

Ugu yaraan 5 kamid ah ciidamada NATO ayaa burburkan ku dhintay oo ay ku jiraan labo u dhashay UK oo ahaa duuliyayaasha waday diyaarada.

Diyaarad ayaa waxaa ku yimid cilad farsamo, xilli diyaarada ay ku degaysay Saldhiga ciidamada NATO ay ku bixiyaan tababarada la xiriira dhanka Militariga.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Brtain, ayaa xaqiijiyay labo ka mid ah Askarta dalkiisa inay ku dhinteen diyaaradaasi ku bur burtay Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Weli faah faahin lagama bixin nooca cilada ee qabsatay diyaaradan.diyaarada nooceed waa Puma Mk 2.

Ciidamada dalka Ingiriiska ka socda ayaa ku sugan dalka Afghanistan, kuwaasi oo bixiya tababaro kala duwan oo ay siiyaan ciidamada dalka Afghanistan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip