Puntland oo ka hor-timid in xayiraad la saaro heshiisyadii Shidaalka Soomaaliya

0
Monday October 12, 2015 - 10:20:39 in Wararka by
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo ka hor-timid in xayiraad la saaro heshiisyadii Shidaalka Soomaaliya

    Hey'adda Batroolka iyo Macdanta Puntland ayaa qaadacday soo jeedinta Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta Hubka saaran Soomaaliya iyo Eritrea ee ahaa in xayiraad la saaro heshiiyada shidaalka, si aanay qal qal u galin x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hey'adda Batroolka iyo Macdanta Puntland ayaa qaadacday soo jeedinta Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta Hubka saaran Soomaaliya iyo Eritrea ee ahaa in xayiraad la saaro heshiiyada shidaalka, si aanay qal qal u galin xasiloonida dalka.

Agaasimaha Hey’adda Batroolka iyo Macdanta Puntland Ciise Maxamed Faarax ayaa sheegay in aysan aqbali doonin isku day kasta oo la doonayo in lagu curyaamiyo qaranimada Soomaaliya

"Waxay aheyd qalad in Qaramada Midoobey ay xayiraad saarto qaran mar dhow ka soo baxay dagaal sokeeye, diyaarna u ah inuu sameeyo horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale”ayuu yiri Ciise Maxamed Faarax.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey inay ka caawiso nidaam lagu maamuli karo dakhliga Tamarta.

Warbixin cusub oo ku saabsan Soomaaliya oo ay soo saari rabto kooxda loo yaqaano Monitoring Group ee Qaramada Midoobey bartamaha bishan ayaa ku celisay talo soo-jeedin ay sameysay 2013 oo ah in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu mamnuuco heshiisyada ganacsiga shidaalka iyo saliidda Soomaaliya.

Kooxda ayaa ku doodaysa in Soomaaliya aysan lahayn qaab sharci iyo nidaam ay ku kormeeri karto ka miro-dhalinta dakhliga tamarta.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Soma Oil & Gas oo fadhigeedu yahay London, oo la siiyay qandaraaska baarista shidaalka Soomaaliya ayaa iyagana ku gacan seyray soo jeedintan.

Shirkadda Soma Gas oo lacag dhan 40 milyan oo doollar ku kharash garaysay fulinta sahamin shidaal oo ay ka sameysay xeebaha Soomaaliya, ayaa waydiisatay dowladda Britian inay gacan ka gaysato sidii loo xannibi lahaa soo jeedinta kooxda dabagalka hubka ee Soomaaliya.

Xafiiska ka hortaga musuq maasuqa ee Britain ayaa dhowaan furay baaritaanka eedeymo la xiriira arrimo musuq maasuq oo Shirkadda Soma Oil and Gas ku kacday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip