Wadada Wadnaha ayaa ah wado halbowle u ah isu socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna ka mid tahay wadooyinka ku bur buray dagaaladii dalka ka dhacay.
"Adduunka sida badan canshuuraha guryaha waxaa loo asteeyaa meel ka mid ah magaalada, tusaale caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabo kale, laakiin anaga waxaan u asteenay oo kaliya dhismaha jidka muhiimka ah ee Wadnaha” ayuu yiri Muungaab.
Waxaa uu sheegay in qaababka loo qaadi doono canshuuraha guryaha ay tahay mid casri ah, isagoo tilmaamay in aysan jiri doonin is daba marin iyo wax la mid ah.
Sidoo kale waxaa uu in aan loo dulqaadan doonin wadooyinka xiran ee magaalada, isla markaana maamulkiisa u saarayo Guddi arrintaas ka howl gala.
Intii uu kormeerka waday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu tagay goob ay ka socotay olole nadaafadeed, waxaana uu kula dar daarmay haweenkii ka qeyb qaadanayay nadaafada inay door weyn ka qaataan barnaamijka saddex kacleynta ee bilowday.
Muungaab "Waddada Wadnnaha waxaa lagu dhisi doonaa canshuurta laga qaado guryahagobolka Banaadir ku yaalla"
Guddoomiye Muungaab oo ka hadlayay qorshaha maamulkiisa uga degsan bilicda caasimadda iyo nadaafada ayaa sheegay in canshuurta laga qaado guryaha shacabka Muqdisho lagu dhisi doono wadada Wadnaha.