WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 12KA OKTOOBAR 2015KA

0
Monday October 12, 2015 - 09:54:42 in Wararka by
  • Visits: 1463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 12KA OKTOOBAR 2015KA

    R/WASAARAHA OO DHAGAX DHIGAY DHISM AHA XARUN LAGA HAGI DOONO DIYAARADAHA MARA HAWADA DALKEENNA R/wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid ayaa shalay dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diya aradaha maray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/WASAARAHA OO DHAGAX DHIGAY DHISM AHA XARUN LAGA HAGI DOONO DIYAARADAHA MARA HAWADA DALKEENNA R/wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid ayaa shalay dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diya aradaha maraya hawada Soomaaliya taasoo aan sha qeyneyn muddo labaatan sano ka badan, isagoo dhin aca kale xarigga ka jaray Taawarka cusub ee Air bor ka oo dowladda Turkiga ay dhistay.

Wasiirka Gaadiidka iyo saadaasha hawada Sooma aliya mudane Cali Axmed Jaamac Jangali oo hadal ko oban ka jeediyay goobta dhagax dhigga laga samee yay ayaa waxaa uu sheegay in arintani ay qayb ka tah ay horumarka uu dalkeenu ku tallaabsanayo, waxaa na uu ballan qaaday in xaruntani la dhigi doono qalab casri ah oo loo adeegsan doono maamulka hawada Soomaaliya, halka mid kale oo laga hago diyaarada ha maraya hawadeena laga hirgalin doonto Magaal ada Hargeysa.

R/wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Cumar Cab dirashiid ayaa bogaadiyay howsha horumarka leh ee ka socota garoonka Aadan Cadde, waxaana uu xus ay in guul weyn ay Soomaaliya u tahay in maamulka hawadeeda ay la soo wareegto, waxaa uu intaa raa ciyay in xaruntan oo kale ay dowladu ka hirgalineyso Magaalada Hargeysa si markii loo baahdo loo ade egsado. Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay dowladdii hore sanadkii 1991 dii ayaa hawada dalkeena waxaa maamulayay Q/Midoobay oo adeeg saneysay xarun ku taala magaalada Nairobi, Tanana waxaay qeyb ka tahay dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso adeegyada guud ee dalka.

DR.AXMED CALI: "GORGORTAN KA GELIMEYNO XAQA YAGA ANAGOO U MAREYNA SHARCIGA”

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab caro leh ka bix isay sidii ay uga jawaabtay dhiiga Kenya dacwadda la xariirta xuduuda badda labada wadan, iyadoo iminka Maxkamadda caalamiga Hague looga fadhiyo inay sharciga ku kala saarto dalalka deriska ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dowladda Soom aaliya Axmed Cali Daahir oo u waramayay BBCda laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in labada dowladood in muddo ah ka wadahadleen arrinta xud uuda badda balse ay mira dhal noqon waayeen, taasi oo sababtay inay dacwadooda u gudbiyaan Maxk adda ICJ.

"Gorgortan ka gelimeyno xaqa yaga, anagoo u ma reyna sharciga” ayuu yiri Xe el ilaaliye Axmed Cali Da ahir oo she egay in dowladda Kenya sanadkii 2005ta ku soo xadgudubtay Badda Soo maaliya, halkaasi oo uu sheegay in qeyb ka mid ah biyaheeda calaameys atay. Khilaafka labada dal oo maraya heerkii ugu we ynaa, ayaa iminka looga fadhiyaa in maxkamadda de mbiyada caalamiga ah ay ku kala saarto dhinaca sha rciga, wuxuuna Xeer ilaaliyaha Soomaaliya xusay in 2 da dowladood ay ka dhaxee yaan arrimo kale oo fara badan taasi oo ay ka mid tahay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan dalka gudihiisa, ayna ka wada tirsan yihiin urur goboleedka IGAD.

KU DHAWAAD 100 RUUX OO LAGU QABTAY HOWLGAL CIID AMADA NAB AD SUGGIDA IYO KUWA AMISOM AY KA SAMEEYEEN DEGMADA XAMAR JAJAB

Howlgal ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya ay shalay ka sameeyeen Degmada Xamar jajab ee M/ Muqd isho, ayaa waxaa lagu qabtay ku dhawaad 100 ruux oo dhalinyaro ah. Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliy iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom, ayaa shalay aroortii ku kalahay Xaafadaha Degmada Xam ar jajab, gaar ahaan kuwa u dhaxeeya Buundooyinka ilaa Aaga Afisiyooni.

Ciidamada ayaa galay guryaha oo dhalinyarada ka soo saaray, waxaana la isugu geeyay hal meel oo lawada fariisiyay, xilli ay hareeraha ka ilaalinayeen ciidamada Nabad Suggida iyo kuwa Amisom, Guud ahaan waxaa la xiray wadada xiriirisa Xamar weyne iyo Buundooyinka, iyadoo ciidamada wadajirka ah ho wlgalkaasi ay ka wade en halkaasi.

Saraakiisha ciidamada Nabad Suggida ee howlga lkaan horkaceysa weli Saxaafadda lama aysan hadlin, haye eshe dadkii la qabtay ayaa iminka waxaa lagu kala wadaa kala saaritaan ku aadan inta la tuhmo iyo intii ciidama da ay sii daayaan. Howlgalada noocaan oo kale ah ee dadka lagu aruurin jiray ayaanan waay ahan laga sameyn in Magaalada Muqdisho.

Inta badan dadka ay qabteen ciidamada Nabad Sug gida Soomaaliy iyo kuwa Amisom, ayaa la marsiiyaa baarit aan dheeri ah, dadkii cadeymo lagu helo ayaa loo gudbiyaa xarumaha ciidamada, halka kuwa kalena la sii daayo.

RA’IISULWASAARAHA OO TACSI U DIREY TURKIGA

Qarax argagaxiso ayaa ka dhacay magaalada Ankara kaas oo galaaftay dasaasiin dad ah Ra’iisulw asaaraha dowladda Federaalka ah Mudane Cumar C/rashiid waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u direy mada xweynaha, dowladda iyo guud ahaan dadka dalka Turkiga.

"Anigoo ka wakiil ah dowladda Federaalka Soomal iya waxaan la wadaagayaa dhibaatada ku dhacday dadka Turkiga, dowladda iyo qaranka Turkiga oo ku waayay nafta dad badan oo aan waxba galabsan ka dib labo qarax oo dorraad ka dhacay magaalada Caa simadda u ah Turkiga ee Ankara. Waxaan u rajayna yaa in kuwo ku dhaawacmay caafimaad deg deg ah ay helaan. Iyo in kuwii falkaasi ku dhintay eheladooda lala qeybsado murugada heysata.” Ayuu yiri Ra’iisulw asaare Cumar.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu kalsooni buuxda uu ku qabaa kartida madaxweyne Recep Tayyib Erdogan, Ra’’iisulwasaare Ahmed Davutoglu, dowladda iyo gu ud ahaan qaranka Turkiga in ay u istaagi doonaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan oo kale in aanay markale u soo laabanin isla markaana marna ka weecanin wadada horumarka iyo dimograadiyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ballan qaadaysaa in taageeradooda la garab taagan yihiin dadka iyo dowladda Turkiga gaar ahaan dhibaatadan hadda ku dhacday

TALIYIHII HORE EE CIIDAMADA XDS OO MUQDISHO LAGA SAGOOTIYAY

Munaasabad lagu sagootinayay taliyihii hore ee cii danka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka dhacday magaa lada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin iyo saraakiil uu ka mid ahaa Taliyaha cusub ee xilka wareegay S/G Maxamed Aaden Axmed. Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga dalka So omaaliya Daahir Aadan Cilmi ayaa u ambabaxay dal ka dibadiisa, waxaana sidoo kale munaasabadda sa gootinta ah ka qeyb galay Was iiro ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid tahay Wasiirka caafimaadka Xaawa Xasan Maxamed, Wasiir K/Xigeeno iyo xubno kale.

Khudbado kala duwan oo ay jeediyeen madaxda ka qeyb gashay sagootinta Taliyihii hore ayaa halkaasi ka caddeeyay waxqabadkiisii mudadii uu xilka hayay.Dhinaca kale madaxda iyo xubnaha ka tirsan Dowla dda Federaalka Soomaaliya oo intooda ku noolaa dal ka dibadiisa, iyadoo dadka dalka ku nool la aaminsan yahay inaysan lahayn aqoonta dowladnim ada iyo hab maamulka dowliga ah, ayaa marka xilka laga qaado waxay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka kala yimaa deen.

HAL RUUX OO KU GEERIYOODAY RABSHO KA DHACAY CIYAAR DHEXMARAYSAY AWDAL IYO MAROODIJEEX

Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waxaa ka soo dhaawac, ka dib markii rabshaddo ka dhaceen garoonka Boorama oo uu ka socdo tartankii gobol adda Somaliland. Rabshadahan ayaa yimid markii go boladda Maroodi jeex oo hal gool wadata iyo Awdal oo eber wadata uu garsoorihii ciyaarta u qabtay go bolka Awdal gool ku laag ay ku laagtaan gobolka Mar oodi jeex, haseyeeshee gool ku laagtaasi waxa diiday gobolka Maroodi jeex ka dibna uu sidaas khilaafku labadda kooxood ee ciyaartoygu isku xanaaqeen.

Ciidanka booliska ayaa isku dayey inuu rasaas u adeegsado inuu dadku ku kala dareeriyo taasina wa xay galaafatay inuu ku geeriyoodo hal qof, halka mid kalena ku dhaawacmeen sida ay noo xaqiijiyeen wariy eyaal ku sugnaa garoonka, iyadoo taasina ay keentay in ciyaartii la hakiyo.

Waa dhimashaddii labaad ee ka dhacda mudaddii uu is reeb reebku ka socday magaaladda Boorama, waxaana isla todobaadkii hore rabshado sidan oo kale ah ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah.

 

SARKAAL KA TIRSAN URURKA AL SHABAAB OO LAGU QABTAY GOBOLKA GALGADUUD

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ay aa waxay Gobolka Galgaduud ku qabteen Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab, kaa soo lagu eedeeyay in qayb uu ka ahaa dhi baatada uu Shabaabku ku haayo shacab ka. Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheeg ay Cali Yuusuf (Ganey), ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal gaar ah oo Ciidamada Huwantu ka sameeyen Deegaanka Ceel shiil, oo dhaca duleedka M/ Ceelbuur.

Taliyaha Ciidanka Dowladda Soomaaliya Ee M/C eelbuur, Korneyl Maxamed Kaah iye Caraale oo ka hadlay soo qabashada ninkaasi, ayaa sheegay in lagu soo qabtay hawlgal qorsheysan,Taliyaha oo siyaaboo yin kala duwan ula hadlay Warbaa hinta gudaha, ayaa sheegay Sarkaalkaasi inuu kaalin ku lahaa dhibaata da, ay naba diidku shacabka ugu gaysanayan buu yiri Gobolka Galgaduud.

Taliyaha waxa uu carabka ku adkeeyay in maal maha soo socda ay ninkaasi ku wareejin doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si kiiskiisa ay u qaado, go’ aanna kaga gaarto, sida uu yiri.

Korneyl Caraale oo aan sheegin goorta rasmiga ah ee gacanta lagu soo dhigay Cali Ganey, ayaa dhinaca kale sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku samay nayan ninkaasi, si macluumaad kaga hellaan, ka hor inta aan Maxkamadda la horkeenin.

FU’AAD SHONGOLE OO KU BAAQAY IN LA KORDHIYO DAG AALKA LAGULA JIRO AMISOM IYO CIIDAMADA DOWLADDA

Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka tir san Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay dagaalada ay kula jiraan ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya, xilli Shabaab muddooyinkii dambe ay qabsanayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Fu’aad Shongole, wuxuu sheegay ciidamada Ami som iyo kuwa Dowladda inay ku jabeen dagaalka ka socda Soomaaliy ee sida uu sheegay Jihaadka ah, wuxuuna tusaale u soo qaatay weeraradii Shabaabka ay ka geysteen Leego iyo Janaale oo Sh/hoose ka tirs an, ayna ku weerareen ciidamada Amisom.Shongole, wuxuu sheegay ciidamada Shabaab markii ay ku jab iyeen dagaalka Amisom deeganadaasi inay isaga car areen ciidamada Amisom, taasina ay muujinayso ay uu yiri guusha dagaalka ay ka gaareen Shabaabka.

Sarkaalkaan ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa cii damada Shabaab iyo inta taageerta wuxuu ugu laab qaboojiyay inay soo socoto guulo badan oo ay gaari doonaan ciidamada Shabaab,

MAALINTA ARAGGA ADDUUNKA OO MUQDISHO LAGA XUSAY

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay wasiirka Ca afimaadka,wasiirka kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, wasiir ku Xigeenka Caafimaadka ,xildhibaano, Dhakh aatiir,qaar ka mid ah Ururada u dooda dadka araga la’ iyo marti sharaf kale.

Dr.Cali Baashi Cumar Rooraaye oo ka mid ah dhakhaatiirka indhaha ayaa goobta ka sheegay in loo soo jeestay daryeelka indhaha maadaama hal ku dhi gga sanadkan uu yahay in la ilaaliyo caafimaadka in dhaha, isa goo halkaasina ka ballan qaadan ka sameeyay. Dr.C/samad Maxamed Xasan oo ku had layay magaca isu tagga dhakhaatiirta Indhaha oo munaasabada soo qaban qaabiyay ayaa waxaa si faahfaahsan uga hadlay waxqaba dka dhakhaatiirta indhaha guud ahaan Soomaaliya.

Mid ka mid ah ka soo qeyb galayaasha munaasa bada oo qudhiisa kamid ah dadka araga la’ ayaa si weyn u soo dhaweeyay ololaha looga soo horjeedo arag la’aanta dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale muna asabadda waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr.Ci smaan Maxamu ud Dufle iyo xildhibaan Mustaf Sh.Cali Dhuxulo iyagoo codkooda ku biireyay dadaalada dhakhaatiirta ay ugu jiraan ka hortagga arag la’aanta.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa dhakhaatiirta Soomaal iyeed uga mahad celisay howsha ay u hay aan dadka Soomaaliyeed iyadoo wasaaradda caafima adka ka codsat ay in ay nidaam qaranka loo sameeyo si Arrintaan xooggana loo saaro.

Ugu dambeyntii wasiirka Caafimaadka xukuumad da Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa ballan qaaday in wasaaraddu sameyn doonto guddiga qaran oo Arrintan wax ka qaban doono.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa la xus ay dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee geeriyootay kuwa as oo indhaha daryeelkooda ka shaqeyn jiray, Sana dkasta waxaa Adduunka laga xusaa maalinta araga aduunka.

12 RUUX OO SOMALI AH OO KU GEERIYOOTAY DUQEYN DIYAARADEED OO KA DHACDAY DALKA YEMEN

Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka Saba ee dalka Yemen laga leeyahay Duqeyn ka dhacday dalk aasi Yemen, ayaa waxaa ku geeriyooday dad Soom aaliy ah oo ku noolaa dalka Yemen.Ilaa 12 ruux oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen Duqeyn diyaaradaha Isbaheysiga Carbeed ay ku gar aaceen Buundada M/ Sacda ee dalka Yemen.

Dadka geeriyooday 12 ruux oo ka mid ah waa Soomaali ah , halka ay jiraan dad Yemeniyiin ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareyn duqeynta, halka qaar kalena ay ku dhinteen. Dadkan Soomaalida ee ku ge eriyooday duqeyn ta ka dhacday M/Sacda ee dalka Ye men ayaa noqonayaa tiradii ugu dambeysay ee Soom aali ku geeriyoota duqeynta Isbaheysiga Carb eed ay ka wadaan dalka Yemen.

Inka badan 6bilood diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysiga Sacuudiga ayaa duqeymo kala duwan ka geysan ayay dalka Yemen, waxaana waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay dadka shacabka ah ee ku nool dalkaasi Yemen. Dowlada Yemen ayaanan faahfaahin dheeraad ah ka bixin waxyeelada soo gaartay dadka Soomaalida, marka laga yimaado dadka ku dhi ntay duqeyntii ka dhacday xaafada Sacda ee dalkaasi

WASIIRKA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO KULAN LA QAATAY XUBNO KA TIRSAN GOLAHA NAAFADA QARANKA

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa shalay kulan la qaatay xubno ka tirsan golaha naaf ada Qara nka Soomaaliyeed. Kulankan qadada ah ay aa ka danbeeyey kulamo isdaba joog ahaa oo ay la haayeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Ar rimaha Bulshada iyo golaha Naafada Qaranka, kaas oo loogu kuurgelaayey Xaaladda Naafada Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Naafada ee wasaaradda sha qada iyo arrimaha bulshada Shariif Aadan Maxamed ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid muhiimad u leh N aafadda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bul shada Xildhibaan C/weli Ibraahim Sh. Muuddeey ay aa sheegay in muhiimadda kulankan uu yahay in Na afada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo isku duuban oo aan la kala jiidjiidan. Shirkii ugu danbeeyey ee Gol aha Wasiiradda Soomaaliya ayaa waxaa uu meelma riyey siyaasa dda naafada Qaranka.

TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA OO KULAN LA QAATAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE SWITZERLAND

Soomalida ku nool Zürich ee dalka Switzerland oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Taliyaha cid anka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxa ay u ballan qaadeen inay ka qeyb qaadanayaan dhismaha Xabsiga dhexe ee Xamar. Qaar ka mid ah Jaaliyadda magalada Zu rich oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa taliy aha weydiiyay su’aalo la xiriira xaaladda maxaabiista xabsiga ku xiran, waxyaabaha uu ka badalay xabsiga, waxaana su’aalaha ka dib ay sheegeen inay dhanko oda gacan ka geysan doonaan dib u dhiska Xabsiga dhexe.

Taliyaha cidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda guud ee ciidanka Asluubta iyo maxaabiista xabsiga ku xiran, isagoo xusay in tan iyo markii uu xilka la wareegay uu isbadal badan dhanka xabsiga ku soo kordhiyay, isla markaana ay maxaabi istu uga mahadceliyeen howsha uu qabtay.

Taliye Bashiir Goobe oo si wanaagsna u sharaxaey xaaladda xabsiga ayaa waxaa uu ahdaladiiisa ku da ray ”waxaan wadnaa in dadweynaha Soomaaliyeed oo ganacsatada ah inay ka qeyb qaataan dhismaha u gu yaraan qolalka ay ku xiranyihiin maxaabiista oo halkii qol laga rabo 100 sariir iyo labo musqulood hadana qaar ayaan helay”’. Ugu dambeyntii Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Soomaalida Zur ich ka codsaday in ay hal qol qaataan qolkaas oo ay ku nool yihiin 100 dhallinyaro ah, ayna ku baxeyso 8,000 kun oo dolar,.

BIIXI: WAXAAN AHAY MURASHAX XISBIGA KULMIYE KA DHEXORDAYA GUUL AYAANA ALLE KA RAJEYNAYAA

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Max amed Biixi Yoonis ayaa shalay sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee xisbiga kulmiye, taasoo kor u sii qaadaysa xamaasada loo lanka xisbigaas ka dhex jiray. Xisbiga kulmiye ayaa musharaxiin badani u taagan yihiin inay musharax ma daxweyne u taagan yihiin, isla markaana loolan adag ku dhex mari doona 10ka bisha November, 2015 oo shirweynaha golaha dhexe uu qabsanayo xisbigaasi taas oo laga soo xulan doonno musharaxa rasmiga ah ee doorashooyinka soo socda uga qaybgalli lahaa xisbiga KULMIYE.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo safar dibadda ah ka soo laabta ayaa sheegay inuu doonayo inuu xisbiga dhexdiisa kula tartamo musharaxiinta kale, waxaana shalay madaar ka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u faro badan oo taageersan musharaxnimadiisa. Shacabka soo dhawe ynayey oo isugu jira siyaasiyiin, odayaal, dhalinyaro iyo haween ayaa waxaa ka dhexmuuqday suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Max'ed Suldaan C/qa adir, Suldaan Xasan Suldaan C/llaahi Suldaan C/rax maan, Sheekh Aadan Siiro iyo mas'uuliyiin kale oo badan.

"Sidaad la socotaan waxaan ahay Musharax, ka dhex ordaya xisbiga Kulmiye, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu guuleeyo. Waxaan is leeyahay wad anka waxaad kusoo kordhinaysaa Aqoon, cilmi, aragti iyo waayo aragnimo balaadhan, iyo anigoo maanta aqoon weyn u leh wadanka iyo caalamkaba. Waxaan kaloo is leeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray,” ayuu yidhi wasiir Maxamed Biixi.

Waxaanu intaas ku daray "Wadanka aad baan u aqaan. Waxaan isleeyahay wadanka waad dhaqaajin kartaa oo heer aqoon iyo cilmi qalin ku dhisan ayaad gaadhsiin kartaa,”

Sidoo kale, wuxuu qado sharaf ugu sameeey hot eelka Crown dadweyne aad u fara badan, waxaanu u mahadnaqay dadweynihii soo dhaweeyay. Loolanka xisbiga kulmiye ka dhex jira ayaa ah mid dadweynuhu si weyn u hadal hayaan, isla markaana u dhegtaagay aan, maadaama oo siyaasiyiin aad u culculusi ku tar tamayaan musharnimada, isla markaana musharax walba is macaamiisheeyey inuu ku guulaysanayo, isa goo illaa hadda madaxweyne Siilaanyo cadeyn inuu ka hadhay tartanka dambe.

MARKAB AY LEEDAHAY SPAIN OO TAHRIIBAYAAL UU BAD BAADIYAY GEEYAY TALYAANIGA

Markab dagaal oo laga leedahay dalka Spain ayaa ka badbaadiyay muhaajiriin fara badan oo doomo la socday Mediterraneanka, kuwaasoo ka ambabaxay dalka Liibiya kuna socday Talyaaniga, waxaana ku jiray sagaal qof oo Soomaali ah.

Mujaahiriintan ayaa la geeyay dekedda magaal ada Pozzallo ee dalka Talyaaniga Arbacadii la soo dhaafay, iyadoo tani ay qayb ka tahay qorshayaasha Ururka Midowga Yurub uu uga hortagyo tahriibayaa sha ku geeriyooda badda Mediterraneanka oo u dhex eysa waddamada Liibiya iyo Talyaaniga, halkaasoo ay sannad walba ku dhintaan kumanan tahriibayal ah.

MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO KULAN LA QAAT AY GUDDIGA ISKU DHAFKA CIIDANKA XDS.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Koonfur Galb eed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa shalay magaalada Baydhabo kula kulmay guddi ga Isku dhafka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaali yeed,kuwaasi oo shalay gaaray magaaladaasi. Mas’u uliyiintaan ayaa waxyaabihii ay ka wada hadleen wa xaa ka mid ah qaabka ugu wanaagsan ee deegaana da Maamulka Koonfur Galbeed looga hirgelin lahaa Ciidan qaran oo isku dhafan,islamarkaana awood u leh iney hantaan sugida amniga dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa soo dhaweeyey dadaalka gudiga, wuxuna xusay in ay kala shaqayna yaan sidii looga miro dhalin lahaa wadatashiyada ku aadan dhismaha ciidamadda ee laga wado Koonfur Galbeed. Isagoona uga mahad celiyey guddiga Isku dhafka shaqada muhiimka ah ee ay wadaan.

"Waxaan ka wadatashanay sidii loo heli lahaa ciidan summad qaran leh, maanta dalkeena in badan oo kamid ah waxaa ka taagan duruufo kala duwan oo suurtagal ahayn in ciidan qaran laga sameeyo, laakiin waxaan idiin sheegayaa in Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay dhismaha ciidan qaran waana tan maanta hal kan isagu kaayo keentay” ayuu yiri Md. Shariif Xasan.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa dhin aciisa yiri: "Kulamo badan oo aan horey u qabaneyna waxaan ku muujiney muhimadda ah in ciidanka la is ku dhafo, waxaana maanta ina horfadhiya Madaxwey nihii Koonfur Galbeed iyo Golihiisa Wasaaradda wax aana dhammaanteen diyaar u nahay sidii howshan ay noogu qabsoomi lahayd..

AMISOM OO MOOTOOYIN KU WAREEJISAY BOOLISKA SOMALIYA

Taliska Booliska Amisom, ayaa shalay Booliska Soomaaliya ku wareejiyay 10 xabo oo mooto ah, si lo oga qayb qaato suggida/xaqiijinta ammaanka Wad ooyinka M/Muqdisho. Mootooyinkan oo ka yi mid Urur ka M/Yurub, ayaa Amisom u wakiishay inay ku wareej iso Booliska Soomaaliya, waxa ana mootooyinkan la gu sheegay kuwo loogu tala galay Ciidanka Taraa fikada M/ Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay, ayaa mootooyinka ku wareejiyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Gen. Mukhtaar Xuse en Afrax, xilli uu barbar taagnaa Taliyaha Booliska G/ Banaadir, Gen.Cali Xersi Barre (CaliGaab).Taliyaha Booliska Amisom oo ka hadlay madasha mootooyink an loogu wareejiyay Booliska Soomaaliya, ayaa she egay in loogu talla galay Ciidanka Ilaalada Wadooyin ka, oo hoos tagga Booliska. Taliye Ku Xigeenka Bool iska Soomaaliya, ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay de eqda kaga timid M/Yurub, ay wax ka tari doonaan.

WIIL U DHALAY MADAXWEYNIHII HORE EE UGANDA IDI AMIN DADA OO KA TIRSAN CIIDANKA DOWLADDA FS

Warbixin ciwaan looga dhigay ‘I am my Father’s son’ oo lagu da abacay warg eyska saddex biloodlaha ah ee AMISOM ayaa lagu xusay in wiil uu dhalay mada xweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amin Dada uu ka tirsan yahay ciidamada qalab ka sida ee dowladda Soomaaliya. Maxamed Amin oo 41jir ah ayaa ka mid ah saraak iisha ciidam ada dowladda Soomaaliya, waxaan dhashay hooyo Soomaali ah oo lagu magacaabo, Khadiijo Aadan Ibraahim Maxamed sannadkii 1974kii.

Khadiijo iyo Idi Amin ayaa waxay is guursadeen horraantii sannadkii 1970kii, intii Idi Amin uu ahaa madaxweynaha Uganda oo uu u xukuamayay 1970kii illaa 1979kii. "Markii aan koray, ma aanan garanayn cidda uu ahaa abbahay. Balse ho oyada waxay ii sheegi jirtay inaan ka mid ahayn qoys ka Idi Amin Dada. Wax ay sidoo kale ii sheegtay inay guursatay,” ayuu yiri Maxamed Idi Amin.

Sidoo kale, Maxamed ayaa sheegay in aabihii uus an arkin caruurnimadiisii, maqnaashaha aabbahood aw geedna ay isaga iyo walaashii la dhalatay ay reer abtidood soo koriyeen. "Hooyadey intii aan caruurta ahayn wax badan noogama sheekeyn jirin, laakiin dadka ayaa inta bada ii sheegi jiray inaan u ekahay aabb ahay Idi Amin,” ayuu yiri Maxamed Amin oo wareysi sii nayay Wargeyska AMI SOM. Maxamed Idi Amin wuxuu sheegay meelaha qaarkood uga eg yahay aabb ihii, isagoo yiri. "Maalin maalmaha ka mid ah anigoo ra ba inaan galo madaxtooya da Soomaaliya ayaa waxaa i joojiyay cii damada ilaalada madaxtooyada, waxay i weydiiyay inaan tuso baa saboorkeyga, iyagoo i moodayay inaan ahay Ugandan, balse waxa an u sheegay inaan ka tirsan ciidamada xoogga dalka, anigoo Af Soo maali kula hadlay, markaas ayay i raalligeliyeen oo ay is siidaayeen.” Su’aal ah sida ay ugu suurogashay aabbihii oo madax weyne ka ahaa Uganda uu guursado haweeney Soomaali ah, ayna caruur u dhasho, kuwaasoo ah Soomaali ayuu kaga jawaabay. "Aa bbahay wuxuu xiriir dhow la lahaa madaxweynihii hore ee Sooma aliya, Jen. Maxamed Siyaad Barre. Isagoo si joogto ah u soo booqan jiray sa nnad ihii todobaatameeyadii. Wuxuu degi jiray xerada cii damada La ma galaay ee Bala dweyne. Wuxuuna mararka qaarkood ku dabaa lan jiray webiga Shabelle.” Isagoo sii hadalaya ayuu in taas ku daray. "Isagoo sannadkii 19 71kii ku sugnaa degma da Bala dweyne ayay kulmeen hooyadey Khadiija, xiriir ayaana dhexmaray, ugu dambeynna waxay isku guu rsadeen sida ay qabto shareecada Islaamka.” Gabar ka weyn Max amed Amin oo lagu magacaabo Faadumo ayay aabbihii iyo hooya dii isku dhaleen sannadkii 1972kii, taasoo hadda ku nool Brit ain. Laba sano ka dib 1974kii ayuu dhashay Maxamed Amin. Inkastoo walaashiis Faadumo ay dibadda

ku noolayd mud do dheer, ha ddana si joogto ah ayay u soo booqataa Soom aal iya, iyadoo marka ay dalka timaadana si gaar ah u caawisa hooyadeed oo waay eel ah oo haatan ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Haatan, Maxamed waa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, tan iyo markii Alshababa laga saarayay Muqdisho uu la shaqeyna yay ciidanka ka socda dalka Uganda ee AMISOM ka tirsan, wuxu una haatanna la shaqeeyaa ciidamada ku su gan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium. "Markii ciidamada Uganda ay yimaa deen Soomaaliya waxay ii sheegeen in aabahay uu ahaa hoggaami ye ge esi ah. balse dad ka mid ah dadka Uganda iyo Tanzania oo aan la kulmay ayay siy aabo kala duwan uga hadleen aabbahay,” ayuu mar kale yiri Maxamed Amin

.Dhanka kale, Maxamed Idi Amin oo ah aabbe sideed carruur ah dhalay ayaa ku sheegay wareysigiisa in ciidamada Uganda ay u xu shmeeyaan sidii qof dalkooda kasoo jeeda. Isagoo yiri. "Maalin maa lmaha ka mid ah wiil aan dhalay ayaa ku dhaawacmay rasaas wiifto ah; waxayna ciidamada AMISOM ku daweeyeen isbi taalka ay ku leeyihiin Xalane.” Maxamed Amin ayaa markii ugu horreysay boo qd ay Uganda sa nnadkii 2008dii, markaas oo uu tababar kusoo qa adanaya xerada ciidamada Uganda oo ku taalla magaalada Biha nga oo ku taalla Galbeedka Uganda. "Waxaan halkaas u tagay ina an soo arko dhu lkii aabbahay. Xiriirna lama sameyn dadka aan ka soo jeedo. Waxa yna ahayd markii ugu horreysay oo aan bo oqdo dhulkii aabbahay, balse dadka uma sheegin inaan ahayn wiilkii Idi Amin Da da,” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Amin.

Idi Amin Dad ayaa oo ku noolaa boqortooyada Saudi Arabia ay aa geeriyooday sannadkii 2003dii. Iyadoo Maxamed Amin uu xus ay in markii aabihii uu ku geeriyooday Sucuudiga lagu xusayay Soomaaliya muddo hal todobaad ah. isagoo intaas ku daray in mar kii uu aabbihii noolaa ay hooyadiis si joogto ah u booqan jir tay dalka Sucuudiga, balse markii uu dhintay ka dib ma booqan Sucuudiga.

Ugu dambeyn, Maxamed Idi Amin Dada ayaa amaanay kaalinta ciidamada AMIS OM ay ka qaadanayso dib soo celinta amniga So omaaliya ka dib 25sano oo cola ado ah ka dib. Isagoo xusay inay u ga mahad celinayaa ciidanka AMISOM taageer ada ay Soomaaliya siiyaan. Wuxuuna xusay inuu ku faanayo kuna faraxsan yahay inuu Soomaali yahay

 

GARSOORAYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO TABABAR MUQDISHO LOOGU SOO XIRAY "SAWIRRO”

 

Tababarka garsoorka Soonka 5aad (Zone V Referees Clinic) oo M/Muqdisho 6 Octoobar uga furmay garsoor ayaasha Soomaaliya iyo Masar ayaa la soo Gabag abeeyay , waxaa xafladdii xiri taanka oo ka dhacday Gos ka soo qayb galay ma’s uuliyiin ka soc otay Gos, qaar ka mid ah Madaxda Xiriirada dalka, Masuuliyiinta Xir iirka kub adda kolayga iyo Ciyaartooy hore.

Kusimaha Xoghayaha X.S.K.K. Cabdi Cabdulle Baasaale ayaa sheegay in mu dada shanta maalin uu aqoon kororsiga socday ga rsoorka la baray sharciyada Cu sub iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa isla markaana loo qab tay ciyaaro lagu tijaabiyo lagu na qaaday imti xaanno isugu jira, aqoonta sharciyada, Luqadda iyo orodka kuwaa oo dhammaan guulo ku dhamaaday.

Guddoomiyaha XSKK Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani oo isna xaflada ka hadlay ayaa sheegay in Ujee dkan aqoon kororsiga xiriirka juhdiga ugu bixiyay ay tahay sidi ay Soomaaliya u yeelan lah ayd garsoorayaal heer Caalami ah , gar soo rayaasha Imtixaanka Zo ne V Clinic ku guulaystayna ay u raadin doonaan mid he er Caala mi ah. Guddoomiye Cadaani ayaa intaa ku daray in aqoon korosiga uu xigi doono dhanka macalimiinta,waxuuna mahad celin u soo jee diyay Gos oo door muhiim ah ka qaadatay qabsoomidda aqoon kororsiga. Axmed Al Falaki oo ahaa macalli ka socda Fiba ayaa yiri ” Aqoon kororsiga waxuu ahaa mid guulaystay, waxaana doona yaa in aan u mahad celiyo intii ka shaqaysay in aan halkan imaado tababarkana aan bixiyo,” waxaan joogay maa lmo kooban,basle cajiib ah oo dad ka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ii soo dhaweeyeen.AL falaki ay aa garso oray aasha u sheegay in u taagan yihiin waddadii ay heer caalami ku noqon lahaayeen, laakiin looga baahan yahay dadaal dheeri ah si ay u gaaraan hiigsigooda, wa xuuna hadiyad ka socotay xiriirka kubadda Kolayga Masar guddoonsiiyay Guddoo miye Cadd aani, isagoo dhankiisa hadiyad ka guddoomay xiriirka kubadda kolay ga Soomaaliya.

Sara Gamaal oo ka mid ah garsoorayaasha re er Masar oo aq oon kororsiga ka qayb qaatay ayaa mahad celin u soo jeedisay garsoorayaasha Soomaaliyeed ay tabarka wadaqaate en waxayna halkaas ku guddoons iisay bu uga cusub oo sharciyad da kubadda kolayga ku qornaa.

Sidoo kale iyada iyo garsoorayaasha Reer Masar ayaa hadiyado la wadaagay masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha Soomaaliyeed. Ugu Dambeyn waxaa xafladda soo xiray Guddoomi yaha Gos Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuu tilmaamay in la kordh iyo aqoonta garsoorka ay muhiim tahay, balse garsooraya asha laga doonayo inay la yimaadaan wada shaqayn wanaagsan oo dhexdoo da ah iyo in ay xiriir wanaagsan ay la ye eshaan macallimiinta si ay is aaminaad u tim aado taasoo lafdhabar u ah howsha garsoorka.

Guddoomiye Tarabbi ayaa dhanka kale u mahad celiyay Macall imiintii iyo gar soorayaashii ka qayb qaatay tababarkan ee u dha shay dalka Masar , waxuuna xir iirka kula dardaarmay in uu halkiisa ka sii wado horumar inta kubadda kolayga. Waa Markii ugu horreys ay oo tabarkan lagu qabto dalka Soomaaliya ka dib 1990kii, waana guul u soo hoyatay Isboortiga Soomaaliya, gaar ahaan kubadda Ko

layga oo horumar ku tallaabsatay

KOLONYO UU LA SOCDAY HOGAAMIYAHA IS OO LAGU DU QEEYAY MEEL KU DHOW XADKA SIIRIYA IYO CIRAQ

Ugu yaraan siddeed ka mid ah saraakiil ka tirsan ciidamada ururka IS ayaa la gu diley duqeyn dhinaca cirka ah iyagoo kulan uu ugaga socday magaalo ku taal waqoyiga Ciraq. Hase yeeshee duqeyntan ayaa sida ay she egayaan dadka ku nool magaalada ay ka dhacday iyo xarumaha caafimaadkaba waxaan ku jirin ho gaamiyaha ururka IS Abu Bakr alBaghdadi. Dowlada Ciraq ayaa sheegtay in ciid amadeeda cirka ay garaaceen goob uu ku lan ka socday iyo weliba gaa diid ko lonyo oo uu saarnaa Baghdadi oo doonayay inuu kulanka ka qeybgalo.

Xukuumada Ciraq ayaa sidoo kale sheegtay in Ba ghdadi loo qaaday meel aan la aqoon lamana garan ayo in ay wax ka soo gaareen duqeyntan. Warkan ka soo baxay Milatariga Ciraq ayaa ah kii ugu dambeey ay ee ah war bixino ay suurtogal tahay in uu hogaami yaha IS uu ku dhaawacmay ama ku dhintey isagoo ka soo ba dbaaday duqeyn socotay muddo sanad ah oo ay diyaaradaha xulufada uu horka cayo Maraykanka ku qaadayeen labada dal ee Ciraq iyo Siiriya oo qeybo ka mid ah loogaga dhowaaqay dowlad Islaami ah. Bog Twitterka ah oo ay leeyihiin IS ay aa daaba cay war lagu beeninayo in duqeyntan lagu bartilma ameedsaday Bag hdadi uuna yahay war been abuur ah. Sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka ee ku su gan magaalada Baghdad oo aan maga ciisa la shaa cin ayaa sheegay in aysan hayn wax cadeymo ah oo tilmaamaya in Baghdadi uu ku dhaawacmay ama ku dhintey duqeyntan ugu dambeysay.

"Ciidamada cirka ee Ciraq waxa ay duqeeyeen kol onyo uu la socday Abubakr alBaghdadi iyagoo ku sii jeeda magaalada Karabala si ay uga qeybgalaan kul an ay madaxda Daacish yeelanayeen,”ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada Milatariga dalka Ciraq. Ururka Daacish oo beeniyay in hogaamiyahoodii la diley ayaa she egay in haddii ay xitaa dhacdo in la dilo ay joogaan hogaamiyaal kale oo sii wadi doono hoga aminta Dowlada Islaamiga ah. Magaalada duqeyntan ay ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Karabla wax ana ay ka tirsan tahay gobolka Anb ar ee dalka Ciraq waxayna ku taal meel ku

WARARKA CAALAMKA

WADDAMADA ITOOBIYA & JABUUTI OO KALA SAXIIXDAY HEHSIIS LAGU DHISAYO DHUUMO SHIDAALKA QAADA

Waddamada Itoobiya iyo Jabuuti oo daris ah ayaa kala saxiixday heshiis ku kac aya dhaqaale gaaraya 1.55 bilyan oo doollar, kaasoo lagu dhisayo dhuumaha shid aalka qaada, kuwaasoo ay dhisayso shirkad lagu magacaabo Black Rhino Group.

Saxiixa heshiiskan oo dhacay maalmo ka hor ayaa lagu dhisayaa dhuumo ay dhererkoodu dhan yihiin 55km, waxayna dhuumahan tagayaan dekedda dalka Jabuuti, halkaasoo laga dhoofinayo shida alka la marsiinayo. Dhismaha dhuuma han ayaa la qorsheynayaa in la dhameystiro sanadka 2018ka. Waxayna tallaaba dani imaa nay saa xilli dowladda Itoobiya ay shaacisay inay sannadaha soo socda ay billaabayso dhoofinta gaaska dabii ciga ah.

"Waxay dhuumahani kordhin doonaan amniga shidaalka, waxay kaloo sare u qaadayaan horumarka dhaqa alaha, iyagoo ka hortag aya waxyeellada dadka ku nool deegaannada ay marayaan,” ayuu warsaxaafadeed uu soo saaray ku yiri maareeyaha Afrika ee shirk adda Black Rhino, Brian Herlihy.

Mashruucan oo loogu magac daray Geeska Afrika Pipeline ayaa waxaa dhismahooda ka mid ah, kayd shidaal oo laga dhisayo Dam eerajoog oo ku taalla dalka Jabuuti, taasoo lagu kaydin doono shid aal dhan 950,000 oo barmiil oo shid aal ah iyo sidoo kale kayd kale oo laga dhisayo Awash, Itoobiya. Sidoo kale, dhuu mahan ayaa 240 ,000 barmiil oo shidaal ah ay mari doonaan maalin walba, iyadoo lo ogu talogalay dhuumahan inay 30sano shaqeeyaan. iyadoo hab kan lagu sheegay midka ugu weyn Geeska Afrika.

Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya he shiisyo fara badan oo xiriirka labada waddan ee ganacsiga iyo isku socodka dadka lagu xoojinayo, iyagoo qorsheynaya inay dhawaan dhisaan khad tareen oo isku xiraya caasimad aha labada waddan ee Addis Ababa iyo Jabuuti. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cum ar Geelle iyo RW Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa goobjoog ka ahaa xaflad lagu saxiixayay heshiis ay labada waddan ku dhisan ayaan khad tareen oo dhirirkiisu yahay 752KM kaasoo dowladda Shiinaha ay bixinayso lacagta lagu dhisayo, isla markaana ay iyadu dhisi doonto.

Dhanka kale, Maareeyaha guud ee dekedda Jabuut, Abuubakar Haaddi oo isa gana hadal ka yiri dhismaha tareenno isku xiraya Jab uuti iyo Itoobiya ayaa she egay inay qorsheyanayaan in tareennada la dhisayo ay isku xiraan labada dal, ay na u gudbi doonaan inay ga arsiiyaan dalka Koonfurta Suudaan illaa dalalka Galb eedka Afrika sida Gacanka Gini."Waxaanu durba noqonnay illinka Itoobiya. Wa xaan doonaynaa inaan sii wadno dhismaha kahdka tageenada oo aan gaarsiinno, dalalka Koonfurta Suudaan, jamhuuriyada Bartam aha Afrika iyo Cameroon si aan isugu xirno badda cas iyo Badweyn ta Atlantickada,” ayuu yiri Abuubakar Haaddi.

Ugu dambeyn, Jabuuti oo ah waddan ugu baaxad yar dalalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa waxaa ka socda barnaamijyo horumarin eed, kuwaasoo ay ka mid yi hiin; lix dekedood iyo laba garoon oo ku wa diyaaradaha ah, iyadoo rajeynaysa inay noqoto xarunta ganacs iga gobolka Bariga Afrika.

XISBIGA ANC OO UGU BAAQAY DOWLADDA K/AFRIKA INAY KA LAAB TO XUBINNIMADA MAXKAMADDA ICC

Xisbiga muxaafadka ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay xukuumadda inay ka laabato xubinnimadeeda maxkamadda caal amiga ah ee dambiyada dagaalka [ICC]. Hadal uu ka jeediyay mad axa xiriirka caalamiga ah ee xisbiga ANC, Obed Bapelo kulan maal intii sadexaad u socda golaha dhexe ee xisbiga ay uu ku sheegay in ay weli iyagu ku dhagan yihiin qodobbadii sababay inay max kamad da ku biiraan, balse maxkamadda ICC ay ka leexatay waddadii saxda ahayd.

"Maxkamadda ICC ma ahan mid si cadaalad ah kula dhaqanta da dka oo dhan,” ayuu yiri Bapela. Isagoo intaas ku daray. "Koonfur Afr ika weli waxay haysataa calanka xuquuqda aadanaha dunida.” Sidoo kale, Xisbiga ANC ayaa aamisan in dalalka awood leh ee aan saxiixin heshiiskii lagu dhisay maxkamadda ay awood u leeyih iin inay go’aan ka gaaraan isbedel ay ku sameeyaan dhanka ciidam ada, sida burburintii Liibiya oo aanu amaan buuxa ka jirin.

"Waxaa jira in waddamada awood leh ay diideen inay ku biiraan maxkamadda ICC, waayo waxay adeegsadaan awoodo dheeri ah oo ka ka horimaanaya heshiiskii lagu dhisay ICC. Marka waxaan do onaynaa in maxkamadda ICC dib u habeyn lagu sameeyo si ay u noqoto maxkamad caalami ah, taasoo si cadaalad ah ula dhaqanta qof walba,” ayuu Obed Bapelo hadalkiisa ku daray. Bapela ayaa hadalkiisa ku daray in sidoo kale Q/M. looga baah an yahay inay wax ka bedel ku sameyso golaha ammaanka, si ay u ga mid noqdaan wakiillo aan ahayn kuwa Yurub. Xisbiga ANC ayaa bishii Juun ee sannadkan 2015ka ka hor yimid go’aan ay maxkam adda ICC ku weydiisatay xukuumadda Koonfur Afrika in la xiro ma daxweynaha dalka Sudan oo xilligaas u joogay Koonfur Afrika ka qaybgalka shirka guud ee ururka Midowga Afrika.

Isla xilligaa ayuu Obed Bapela ku baaqay in Koonfur Afrika ay ka baxdo maxkamada ICC, isagoo xusay in Koonfur Afrika ay si iskeed ah uga mid noqotay maxkamadda, ayna hadda awood u leedahay inay si iskeed ah uga baxdo.Dhanka kale, dowladda Koonfur Afrika ayaa ku gacansayrtay codsigii ay ICC kaga dalbatay in la xiro mad axweynaha Sudan, Cumar Xasan Albashiir oo u joogay ka qaybgal ka shirkii Midowga Afrika ee dalkeeda lagu qabtay, iyadoo u ogolaat ay Cumar Albashiir in uu si nabadgalyo ah kaga baxo dalkeeda. Ugu dambeyn, xuk uumadda Pretoria ayaa bishii lasoo dhaafay sheegtay inay ka fiirsanayso go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICC ay kaga dalbatay inay dalkeeda ku xirto Albashiir, inkastoo aanay weli wax warbixinta u gudbin maxkamadda ICC.

HAWEENEY FALASTIINIYAD AH OO ISKU QARXISAY KOONTROOL AY KU SUGNAAYEEN CIIDAMADA YUHUUDA

Saraakiisha Booliska Israel ayaa sheegay in haweeney Falastiini ah oo ay ku joojiyeen bar kontorool oo daa nta galbeed ku taalla ay isku qarxisay gaarigeeda.Haweeneyda isqarxisay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac daran waxaana la dhaawacmay sarkaal ka tirsan booliska Yuhuuda oo ka mid ahaa ciidankii ku sugnaa bartaasi control.

Afhayeen u hadlay booliska Yuhuuda ayaa sheegay in haweeney da ay si looga shakiyo u waday gaariga, lana joojiyay waxayna ku qeylisay (Allaahu akbar) halkaasoo ka dibna ay isku qarxisay.

Labo ruux oo Falastiini ah oo hooyo iyo gabadheeda ahaa lagu dilay duqeyn cirka oo Israel ku qaaday Gaza, waxana la sheegay in laheyd uur. Saraakiil joogta Gaza, ayaa sheegay in guriga haweene yda iyo ilmaha la dhintay uu daris la ahaa goob Xamaas ay ku tab abartaan oo dayuuradaha Israel ay duqeeyeen

DAYUURADAHA ISRAEL OO DUQEEYEY GAZA IYO HAWEENEY UUR LAH..

Dayuuradaha dagaalka Israa’iil ayaa waxay duqeeyeen Marinka Qaza ee dhulka reer falastiin taasoo ah calaamadii ugu dambeysay ee sii kicidda qalalaasaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda.

Duqeynta waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen haweeney uur leh iyo cunug yar oo ay dhashay, markii gantaal uu ku habsaday hoygii ay degenaayeen.

Saraakiisha Israa’iil waxay sheegeen in dayuuradeheeda dagaal ka ay duqeeye en laba meel oo hub uu u yaalay ururka Xamaas.

Waxay sheegeen in duqeyntaasi ay uga jawaabayeen gantaalo Ji mcihii iyo Sab tidi lagu riday dhulka ay Israa’iil maamusho. Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, waxa uu amray boqollaal askeri oo Yuhuud iney bilaabaan howlgal la gu soo celinayo amaan ka Gaza.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa la hadlay hogaamiyayaasha Israa’iil iyo falastiin ee Netanyahu iyo Maxamud Cabbaas, si uu ugu muujiyo walaaca ay ka qabaan qalalaasaha sii horaya. John Kerry ayaa ugu baaqay labada dhinac iney dejiyaan xaalada si looga fogaado khasaare xoogan oo ka dhasha haddii qalalaasuhu uu sii xoogeysto.

DOWLADDATURKIGA AYAA SHEEGTAY IN AY KOR U KACDAY TIRADII DHIMASHADA DADKII QARAXYADA SOO GAARAY OO XAALADOODA AAD U DARNEYD AWGEED

Xukuumadda ayaa shaacisay in dhimashadu ay gaarayso 96 qof, iyada oo ugu Yaraan 200 oo ruuxna ay ku dhaawacmeen dhacd adaas. Madaxda Xarumaha Caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto Ma almaha soo socda, maadaama ay dhaawacyada qaarkood ay Daranyihiin. Qara xyada ayaa ka dhacay meel u dhow albaabka weyn ee goob ay tareenadu istaa gaan oo ku taalla degmada Ulus ee magaalada Ankara.

Sababaha Qaraxyadaas ayaa loo malaynayaa in ay ahayd in la dilo tiro badan oo ka mid ah dadkii sida Nabadda ah u dibadba xayay. Meeshii ay weerarada ka dheceen ee Magaalada Caasimad da ah ee Ankara ayaa waxaa daadsanaa dad Maydad ah ku waas oo u muuqday in ay waxyeellada Qaraxyada ay saameeyeen, iya doo isla goobta ay daadsanaayeen Calanka Jaallaha ah ee uu le eyahay Xis biga Dimoquraadiga ee Kurdiyiinta ee loo Soo gaabiyo " HDP” Mas’uuliyadda wee raradaas shalay dhacay ayaa loo aanaynayaa Ururrada ISIS iyo PKK balse wali macadda cidda sida toos ka ah uga dambaysa qaraxyadaas Qasaaraha gaystay.

SIDEED QOF OO ITOOBIYAAN AH OO KU DHIMATAY SHIL KA DHACAY WADADA XIRIIRISA BOOSAASO IYO QARDHO

8 qof oo Itoobiyaan ah, ayaa shalay ku dhimatay shil ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Boos aaso iyo Qardho, xilli dadkaasi ay ku sii jeedeen Xa runta Gobolka Bari. Gaari uu noociisu ahaa candhomeedle, ayaa waxaa la tilmaamay in rarka laga bad iyay, taasina ay sababtay in gaarigu uu ku qalibmo duleedka Magaalada Qardho, waxaana gaariga sa arneyd ugu yaraan 120 ruux.

Jamaal Axmed Yaasiin oo ka mid ahaa dadkii la socday gaarigaasi, ayaa she egay in rarka gaariga uu u muuqday mid aad looga badiyay intii loogu tallagalay. Ugu yaraan 40 ka mid ah dadkaasi, ayaa wax aa la soo sheegaya in ay ku dhaaw acantay shilkaasi, iyadoona tiro ka mid ihi laga deyrinayo xaaladooda c/fimaadeed

Jamaal wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo dhaawacyo culus uu ka soo gaaray shilkaasi, ayna suurtagal tahay in dhimashadu ay ka badato tirada iminka laga warqabo. Dhanka kale waxaa soo bax aaya warar sheegaya in dadkaasi ay ahaayen tahr iibayaal doonaayay, in ay ka amba baxaan Dekeda Boosaaso, inka stoo aanay weli wax war ihi ka soo saarin Puntland.

 

TURKIGA OO DHISME CASRI AH KA SAMEYSATAY XEEBTA LIIDO, XILLI HOWLIHII AY SOOMAALIYA U YIMAADEEN GABAABSI NOQDEEN

 

Degmada C/Casiis ee magaalada Mu qdisho waxaa gacanta laga qaaday xarun u sameysan qaab casri ah, kaasi oo da calka ku haya xeebta Liido isla markaana naqshadda laga sameeyay uu yahay mid ku cusub daaraha Muqdisho ku yaala.

Dhismahaan casriga ah ayaa fariisin u noqonaya safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Turkiga, iyadoo lagu wado in dhowaan ay ka soo guuraan xaruntoodii hore ee ku dhow isgoyska Km4 oo ka tirsan degmada Hodon.

Xarunta ee safaaradda Turkiga ayaa ka mid ah ballanqaadyadii Madaxweyna ha Turkiga Recep Dayip Ordogan uu ku she egay in safaaradda ugu quruxda bad an uu ka furanayo magaalada Muqdisho, isagoona sheegay hadal uu ku duray safiirada ka socda dalalka caalamka ee degan duleedka Muqdisho oo uu ku sheegay inay Konteenar ku shaqeeyaan.

Dhinaca Dowladda Turkiga oo saaxib dhow la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii mas’uulkeedii ugu sareeyay oo ahaa Ra’iisal Wasaare balse hadda Madaxweyne noqday uu ka soo degay magaalada Muqdisho, inkasta oo dadka dhaliila ay sheegaan in Turkigu wato dantiisa, bacdamaa Dowladdu ku wareejisay maamulka goobaha muhiimka ah.

Shirkadaha ka socda dalka Turkiga ayaa iyana wax muuqda ka qaban howlihii ay dalka u yimaadeen, iyagoona joojiyay gebi ahaanba muddo sanad ku dhow dayactirkii waddooyinka Muqdisho oo 25KM kaliya ay iminka ka dayactireen muddo saddex sano ka badan.

HAWEEN LA BARAY XIRFAD AY KU SHAQEYS TAAN OO TABABAR LOOGU SOO XIRAY MUQDISHO

Xalfaddaan oo ahayd mid Tababar loogu soo xirayay in kabadan 30 Hawee nka ah oo Bartay Xirfadda Tolista Harqaa nka ayaa maanta lagu qabtay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Haweenkaan ayaa laga soo kala xulay Degmooyinka Kaaraan, Warta nabadda iyo De gmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, iyagoo waxbadan ka faa’iiday Xirfaddii la baray.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyayaasha Degmooyinkii laga soo kala xulay Haweenkaas xirfadda Harqaan tolista labaray iyo Guddoomiye kuxi geenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir. .

Ardayda loo soo Gabagabeeyay Tababarkaan ayaa u mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxdii dagmooyinka soo qaban qaabiyay Tababarkaan, waxeyna sheeg een in ay ka barteen Xirfad aysan horay u aqoon Diyaarna ay u yihiin inay ku shaqeystaan Xirfadda la baray.

Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo ka had lay madasha ayaa sheegay in Codsi kaga yimid Maamulka Degmooyinka ay u soo qaban qaabiyeen Tababarkaan, waxa uuna ku dhiiri galiyay inay ku Shaqeystaan Xirfada la bar ay Haweenkaan ..

Guddoomiye kuXigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa Ardayda kula DarDaarmay in ay Xirfadda ay Barteen Bulshada ugu Faa’I iideeyaan.

Bogga 5aad

 

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKO TAXANE AH}

Q/60aad

The best girl in asiaIntaa ka dib C/qaadir iyo Xulbeella waxaay isla soo jaan qaadeen xagga iyo xeebta waxaayna u soo wada dhaqaa qeen xaggaa iyo gaari bas ah oo xeebta dhinaceeda tagn aa gaariguna waxuu u kireysnaa dhallinyaradii xeebta u da lxiis tagtay daqiiqado ka dibna baskii ayey gudaha u soo galeen dabadeedna inta uu basku ka buuxsamaayo ayey baska gudihiisa sheeko ku camirteen saacad markii uu basku goobta tagnaa ka dib dhallinyaradii baskii ayey soo buuxiyeen, daqiiqado ka dibna darawalkii gaariga ayuu wa ddada cagta saaray ka dib dhowr daqiio ka bacdi gaarigii la saarnaa wuxuu soo gaaray degmada xamarweyne ka dib dhallinyarii gaariga saarneyd dham maan waa ay ka dage en gaarigii markaa

sooa saacadda afrikada bari soo gargu urato ay soo gaatin socotaba waxaay baalka soo dhigatay 1:00 duhirnnimowaxaana loo soo wada dhaqaaqay gurigi ixulbella oo ku yiillaydegmada xamar weyne daqiiqado ka bacdina gurigeeda ayaa u gudaha loo soo galay maalinta an guriga waxaa ku soo dhaweeyey xulbeella

Walaasheed oo lagu macaabayey Anfac,waxaana loo gudbiyeyQolkii Martida la fariisiyo, in daqiiqado ahi kolkii uu fadhiyeyC/qaadir Xul Beellana ay u sheekeyneyso ayaa Cadradii Xul Beella aheyd waxaa ay ka dalbatay Anfac in ay keento Cabbitaan.

In Cabbaar ah ka dibna inantii Anfac aheyd waxaa ay keentay Falaas ay ku jiraan Sahraab aad u qaboow iyo walibana laba Galaas, laakiin Cabbitaankii dhowr Galaas laga cabbay ka dib waxaa la galay Kaftan Dheer , Kaftankii Dheeraa

ka dib waxaa la keenay Qadadii Maalintaas la cuni lahaa waxaayan qadada maalintaa la diyaariyey ay aheyd Baasto, Hilbo Dheyllo ah iyo Qudrad noocyadeeda kala duwan .

Daqiiqado ka bacdi Cabdulqaadir iyo Xul Beella waxaay isula soo jaanqaaday nideeda Bilaabeen qadadii heerka sare aheyd oo maalintaa hortooda tiillay ,in xoogaa ah markii qadada lagu dul sheekeystay ka dibn inta la fara xashay oo Gacmaha la tirtirtay baa gacmahii Barafuunnooca {WanManshowga} loo yaqaan lagu buufsa day.

Intaa ka dibna lammaanayaashii is jeclaa ee c/qaadir iyo Xil Beella waxaay iskula jaan qaadeen xaggaa iyo kuraastii fadhi carbeedka aheyd kolkii kuraastii la tagayna C/qaadir Fadhi Carbeedkii ayuu dhacdiid ugu seexday , XulBellana meel lammaanaheeda C/qaadir u dhow bay iska fariisaty, sheeko dheer iyo isku dhoollo caddeyn ka dib saacadda bariga afrika waxaay soo dul istaagtay 1;00 galabnnimo lammaanayashii is jeclaa ee Xulbeella iyo C/qaadir waxaa loo keenay Casiriyadii maalintaa la cabbi lahaa oo ah nooca {Coffega} loo yaqaano oo laba kabbo ah, Maalintaa na casiriyada waxaa keenay XulBella walaasheed ka yar ee Yusra, kolkii casiraydii korkeeda lagu kaftamay ka dib xul Bella waxaay soo sagootisay lammaanaheeda C/qaadir ahaa waxayna iskala soo baxeen ruunkkii xul beella iyagoo iskula soo saan qaaday xagaa iyo busteejadii lammaanaheeda C/qaadir ay gaariga ka saari laheyd kolkii ay in cabbaar ah wadadda ku soo jireen ka dib waxaa ay yimaadeen goobtii busteelada aheyd maalintaana goobta waxaa taagnaa gaari kooster ah oo faaruq ah C/qaadir na jaran jaradii gaariga intuu cagaha la haleelay ayuu kursigii albaabka u dhawaa iska fariistay ka dibnaintuu……..

La soco Isninta Danbe Hadduu Alle Idmo

W/Q C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB} Tel:0618455506




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip