Guddiyada Baarlamaanka oo ka hadlaya qaabka loo wajahayo doorashada 2016

0
Sunday April 17, 2016 - 09:55:54 in Wararka by
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiyada Baarlamaanka oo ka hadlaya qaabka loo wajahayo doorashada 2016

    Guddiyada joogtada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shir ku leh Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo kaga doodaya qaabka loo wajahayo doorashada sanadkan ee dhaceysa bisha September ee soo socota.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiyada joogtada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shir ku leh Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo kaga doodaya qaabka loo wajahayo doorashada sanadkan ee dhaceysa bisha September ee soo socota.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in Guddiyada joogtada Baarlamaanka ay isla eegi doonaan qaabka ay u dhici doonta doorashada iyo qorshayaasha la qabanayo ka hor doorashada.

Mr Jeylaani ayaa sidoo kale xusay in qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran inay qeyb ka yahay waxyaabaha ay ka hadli doonaan Guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dalbaday in la horkeeno go’aanada ka soo baxay shirarkii Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayay qaabka doorashooyinka u dhici doonaan, iyadoo aan la ogeyn sida xilligan wax uga bedeli karaan go’aano ay isku raaceen Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Gobolada oo iyaga ah kuwo ay xilligan ka go’do talada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaankii kalfadhiga 8aad ka sheegay in Baarlamaanka la horkeeni doono go’aanada ka soo baxay shirka Madasha wadatashiga ee la isku raacay habka doorashada 2016 u dhaceyso.

Baarlamaanka Federaalka oo waqtigiisa sii dhamaanaya ayaa awood badan ku laheyn go’aanada Hogaamiyeyaasha Madasha wadatashiga qaran, iyadoo ay muuqata in go’aanadu ay inta badan yihiin kuwo gaar u ah hogaamiyeyaasha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip