45 Xildhibaano oo Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ka dhan ah Maamulka Puntland

0
Sunday April 17, 2016 - 09:38:54 in Wararka by
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    45 Xildhibaano oo Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ka dhan ah Maamulka Puntland

    Ugu yaraan 45 Xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, kana soo jeeda Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si xoogan Maamulka Puntland ugu dhaliilay inuu dhibaato ku haayo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed, isla-markaana ku dhaqan Magaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 45 Xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, kana soo jeeda Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si xoogan Maamulka Puntland ugu dhaliilay inuu dhibaato ku haayo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed, isla-markaana ku dhaqan Magaalooyinka Puntland.

Xildhibaanadan oo Sabtidii ku kulmay Hotel Dayax, ayaa waxay warbixin ka dhageysteen guddi lagu sheegay xaqiijqo raadin, oo dhawaan ka soo laabtay Puntland, ka dib markii ay qiimayn ku soo sameeyeen wararka la xiriira in Puntland dhibaateynayso dadkaasi.

Idiris Cabdi Dhakhtar oo xubin ka ah guddigaasi oo ka kooban sideed xubnood, ayaa wuxuu sheegay inay soo arkayn qaar ka mid ah dadka lagu dhibaateeyay Magaalada Puntland, isla-markaana ay muuqaalo ka soo qaadeen.

Idiris Cabdi Dhakhtar, ayaa tilmaamay in dadkii ay la kulmeen inay u sheegeen in falal lidi ku ah xuquuqda aadanaha loogu gaystay Magaalooyinka Galdogab, Gaalkacyo, Burtinle, Garoowe iyo Qardho.

Gaba gabadii kulankan, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Xildhibaanada kala ah Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) iyo Maryan Macalin Isaaq, waxayna si kulul Maamulka Puntland ugu eedeeyeen in xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimo uu ku haayo shacabka reer Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Afaraale, ayaa sheegay markasta oo ay wax ka dhacaan Magaalooyinka Puntland, in Maamulka Puntland uu dhibaateeyo dadka u dhashay Gobolada Baay & Bakool, taasoo uu ku sheegay mid ka dhan ah Somalinimada.

Xildhibaanku wuxuu xusay inay iyagu taageersan yihiin in cid kasta oo fal dembiyeed lagu helo in la soo qabto, lana horkeeno cadaaladda, balse uu ka digaayo in dad aan Maxkamadi la horkeenin in la’iska dilo.

Marwo Maryan, ayaa dhinaceeda sheegtay inaanu Maamulka Puntland xaq u lahayn inuu dhibaateeyo dadkaasi, haddii uu ku tuhmaayo Shabaabnimada uu u soo musaafurin karo dhulkooda.

Laamaha ammaanka Puntland, ayaa waxay toddobaadkii hore ka diggeen weeraro ka dhaca Magaalooyinka Puntland, ka dib markii ay sheegeen in Shabaabku uu qorsheynaayo weeraro ka dhan ah Puntland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip