Haweeney da' ahayd oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
Sunday April 17, 2016 - 09:33:04 in Wararka by
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney da' ahayd oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay haweeney da' ahayd ku dileen Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay haweeney da' ahayd ku dileen Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen.

Dilkan, ayaa wuxuu xalay ka  dhacay meel ku dhow xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan, waxaana lagu hordilay afaafka hore ee hoygeeda.

Dambiilayaasha, ayaa waxay dilka ka dib ka carareen goobtaasi, oo kol dambe ay gaareen laamaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir oo ku baxay halka uu fal dambeedku ka dhacay, ayaa waxaan jirin cid la sheegay inay dilkaasi u soo qab qabteen.

Haweeneyda la dilay, ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Cibaado Cali Cagla, waxaa sidoo kale da’deeda lagu sheegay 70 jir.

Illaa iyo hadda lama garanaayo baahida keentay dilka haweeneydaasi, balse waxaa jira warar sheegaaya inay ka tirsaneyd Ururka Haweenka Ee Degmada Hodan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Cibaado Cali, laamaha ammaankuna illaa iyo hadda kama aanay hadlin tallaabada lagu dilay.

Ragga bistooladaha la cararaaya ee dilalka ka gaysta Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa inta badan lagu eedeeyaa inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip