Soo jeedinta Xildhibaanada kadib ayaa waxaa la isla gartay in la muddeeyo xilli kale, maaddaama uu buuxsami waayay kooramkii cod u qaadista mooshinkan.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka soo socda looga doodi doono mooshinkan ujeedkiisa yahay in dib loo dhigo shirka Jowhar ka socdo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka ka keenay shirka Jowhar ay ku jiraan Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaasoo taageersan shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Beledweyn.
Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu wajigiisa labaad ka socdaa magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in dhowaan la soo xulo ergada ka qeyb galeysa shirka.
Qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa wali shirka ka maqan, iyagoo horay u sheegay in aanay ka qeyb galeyn shirka Jowhar.
Lama oga mooshinka ay keeneen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka inuu dib u dhigi doono iyo in kale wajiga labaad ee shirka oo todobaadkii hore si rasmi ah u furmay, waxaana shirka Jowhar uu muddo hakad uga jiray cabasho ka imaaneysa beelaha qaar, inkastoo dadaal dowladda Federaalka ay gashay ay illaa iyo xad ku maareysay cabashooyinkaas, balse wali ay jiraan beelo wali cabasho qaba, isla markaana diidan shirka.



0 



Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo maanta mooshin ka keenay Shirka Jowhar
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.