Mukhalas Soomaali ah oo dalka Talyaaniga lagu xukumay

0
Saturday April 16, 2016 - 19:21:27 in Wararka by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mukhalas Soomaali ah oo dalka Talyaaniga lagu xukumay

    Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Palermo ee dalka Talyaaniga ayaa xukun ku riday Nin Somali ah oo lagu magacaabo Maxamuud Cilmi Muxiyaddiin, kaasi oo lagu helay inuu ka dambeeyey geerida ugu yaraan 366 Tahriibayaal u badnaa Eriteria, kuwaasi oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Palermo ee dalka Talyaaniga ayaa xukun ku riday Nin Somali ah oo lagu magacaabo Maxamuud Cilmi Muxiyaddiin, kaasi oo lagu helay inuu ka dambeeyey geerida ugu yaraan 366 Tahriibayaal u badnaa Eriteria, kuwaasi oo ay doonidii la socdeen ku degtay meel ka baxsan Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.
Dhacdadaan ayaa waxa ay dhacday 3-dii bishii October ee sannadkii 2013-ka, iyadoona Maxamuud Cilmi Muxiyaddiin uu ka mid ahaa dadkii laga soo badbaadiyey Doonida, waxayna dadkii la socday sheegeen inuu ahaa mid ka mid ah Mukhalasiiinta Tahriibayaasha soo dhoofiya si ay u soo gaaraan Xeebaha Talyaaniga.

Maxamuud Cilmi Muxiyaddiin waxaa sannadkii hore lagu helay ka sokow Tahriibinta dadka, inuu kufsi iyo jirdil u geystay Tahriibayaal ka badbaaday doonida uu la socday.

Duqa magaalladda Lampedusa, Giusy Nicolini ayaa sheegay in qof kasta oo dhibaato geysta sida Maxamuud Cilmi Muxiyaddiin la hor keeni doono Caddaaladda, wuxuuna xusay inuu Eedeysanaha si caddowtooyo leh ragga u jir-dili jirey, halka haweenka dhallinyaradda ee Eritreanka uu kufsan jirey, waa sida uu hadalka u dhigay Duqa Lampadusa.

155 Tahriibayaal ka badbaaday doonidaasi oo ka kala yimid Eritrea iyo Saxaraha ayaa u sheegay Boliska inuu Eedeysanaha kufsaday gabdho u kala dhashay Somalia, Eritrea iyo Syria muddadii uu la socday doonida uu dadka ku soo tahriibiyey.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda Rafcaanka ee Palermo ee dalka Talyaaniga waxa uu Eedeysanaha Maxamuud Cilmi Muxiyaddiin ku riday xukun 30 sanno oo Xabsi ah.

xigasho:-somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip