C/Kariin Guuleed oo Talyaaniga u tegay qorshe u gaar ah Galmudug

0
Saturday April 16, 2016 - 12:26:32 in Wararka by
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Kariin Guuleed oo Talyaaniga u tegay qorshe u gaar ah Galmudug

    Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashad uu ku joogo magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashad uu ku joogo magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga.
Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada dalka Talyaaniga uu kala hadlayo arrimaha Galmudud, isagoona sheegay inuu hor dhigayo qorsheyaal ku saabsan baahida maamulkiisa ka heysata horumarinta dowlad goboleedkiisa.

"Marka hore waxaan kala hadleynaa madaxda maamul goboleedyada dalka Talyaaniga arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Galmudug iyo sidii ay nooga caawin lahaayeen baahiyaha dib u dhis, waxbarasho, caafimaad iyo amni” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inuu magaalada Roma kula kulmayo jaaliyadaha Soomaalida ee ka soo jeeda goboladiisa, isagoona inuu warbixin ka siinayo doorka uga bannaan jaaliyadaha horumarinta gobolada ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan.

Dalka Talyaaniga waxaa ku sugan Madaxweynayaasha maamulada K/Galbeed Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kuwaasi oo iyagu arrimo u gaar ah u tegay dalkaasi, iyadoo booqashadani dariishada ka saareysa midii ay madaxda Dowladda dhexe ee Federaalka ku imaanayeen Talyaaniga.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa maalmahaan kordhiyay dhaqdhaqaaqooda safarada dibadda, iyagoo bilaabay inay heshiisyo aan la soo marsiin dowladda dhexe la galaan madaxda iyo shirkadaha shisheeye ee daneynaya arrimaha Soomaaliya.

XIGASHO:-SOMA;IWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip