Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen Diyaarada oo dul heehaabaysa deegaanka Dusheeda, sida uu sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka Garacad.
”Diyaaradaan maanta oo dhan way na dul heehaabaysa,waxaana u malaynayaa iney tahay mida Ciidamadda Dowladda.”Ayuu yiri goob-jooge.
Ciidamada Badda Puntland ayaa la sheegayaa inay iyagana gaareen deegaankaasi oo ay ka qayb qaadanayaan xoojinta dhanka ammaanka deegaanka Garacad Bariga iyo badda intaba.
Puntland ayaa feejignaan buuxda ka gashay in Shabaab mar kale ay ku noqdaan deeganada dhaca dhanka Xeebaha Gobolka Mudug oo markii hore ay ka galeen dhanka Deegaanka Garacad ee Gobolkaasi Mudug.
Al Shabaab ayaa ku fashilmay weerar ay ku qaadeen deeganada Puntland, kadib markii Shabaabkii deeganadaasi weeraray qaar la dilay iyo qaar la qabtay ay noqdeen.



0 



Puntland oo ciidamo badan geysay deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug
Maamulka Puntland ayaa ciidamo badan oo kuwa badda iyo kuwa Difaaca isugu jira geeyay deegaanka Garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug, kadib markii la dareemay cabsi la xiriirta Shabaab inay mar kale ku laabtaan deeganadaasi iyaga oo dhanka Xeebta ka de