Ilaa Afar ruux oo ay ku jirto Haweenay da’ ah ayaa la sheegay inay halkaasi ku dhinteen, kadib markii Amisom rasaasta ay la dhaceen gaarigii ay la socdeen dadkaasi shacabka ah.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan inay jiraan Khasaare dhaawac ah oo ka dhashay rasaasta ciidamada Amisom dadka shacabka ah ay ku fureen gaarigaasi dadka shacabka ah ay la socdeen.
Qof ku sugan magaalada Buulo mareer ayaa u sheegay Dhacdo.com falka Amisom ay geysatay inuu yahay mid muujinaayo cadaawad ay u qabto shacabka Somaliyed, maadaama dadka la laayay ay yihiin kuwa aanan waxba galabsan.
Magaalada Buulo mareer hada waxaa ka socda Banaanbax ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, iyadoo dadweyne fara badan ay isugu soo baxeen Xerada Amisom ay ka degan yihiin deegaankaasi.
Guddoomiyaha Deegaanka Buulo mareer ayaa dhankiisa Dhacdo.om u xaqiijiyay jiritaanka dadkaasi Amisom ay laysay, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah-faahin bixiyo
XIGASHO:-DHACDO.COM



0 



Amisom oo dad shacab ah ku laysay Gobolka Shabelaha hoose
Wararka inaga soo gaaraya duleedka deegaanka Buulo mareer oo ka tirsan Gobolka Shabelaha hoose ayaa sheegaya in Xoogaga Amisom dad shacab ah saaka ay ku laayeen deegaankaasi.