Ciidamada Puntland ee Gaalkacyo oo la ogaaday inay dileen nin Oromo ah iyo nin Koonfurta Somaliya ka soo jeeda

0
Saturday April 16, 2016 - 12:08:57 in Wararka by
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Puntland ee Gaalkacyo oo la ogaaday inay dileen nin Oromo ah iyo nin Koonfurta Somaliya ka soo jeeda

    Ka dib markii saddex Maalin ka hor deegaanka Gobsho ee duleedka Magaalada Gaalkacyo lagu arkay meydka labo ruux oo mid uu yahay Somali halka kan kalena uu yahay Oromo, ayaa dilka loo geystay labadaasi ruux waxaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka ti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii saddex Maalin ka hor deegaanka Gobsho ee duleedka Magaalada Gaalkacyo lagu arkay meydka labo ruux oo mid uu yahay Somali halka kan kalena uu yahay Oromo, ayaa dilka loo geystay labadaasi ruux waxaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Labada ruux ee dilay ayaa lagu kala magacaabi jirayC/laahi Xaaji iyo Cabdi Wahaab, waxaana ay ka shaqeynaayeen Hotelka Uunlaaye ee ku yaal Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. Hotel Uunlaaye 31-kii Bishii March maalin Khamiis ah waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftiisa haligay, Qaraxaasi waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab.

Habeenkii Sabtida Isbuucii aynu soo dhaafnay ayaa labadan nin lagala baxay Hotelka Uunlaaye oo ay ka shaqeynaayen sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Hotelka, waxaana la baxay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ah Maamulaha Hotelka Uunlaaye ayaa sheegay in raggaan laga kaxeystay Hotelka ayna wateen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, isaga oo sheegay durbadiiba arintaasi inuu ku wargeliyay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, si arintaasi wax looga qabto.

"Waxaan la xiriiray Taliyaha Qaybta Booliska oo aan ku idhi falkaas ayaa Hotelka ka dhacay waxna nalama soo socodsiin, waa tii Hotelka agtiisa Shil uu ka dhacay cid wax na weydiisayna malahan labadaasi nin oo Shaqaalaha ah ayaa ciidanka ay la tageen Taliye ogoow ayaan ku idhi, laakiin wuxuu iigu jawaabay wax hadeer Boolis ahaan howlgalkaasi aan amar ku siinay ma jiraan, laakiin Hay’ado kale oo Dowlada leedahay oo baaris wada inay jiraan ayaa suuragal ah ayuu igi yidhi.” Sidaasi waxaa yiriNabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ah Maamulaha Hotelka Uunlaaye

Iyadoo arinta sidaasi ay tahay ayuu sheegay maamulaha Hotelka Uunlaaye in loo soo sheegay maalmo kadib meydka labada ruux ee Hotelka lagala baxay oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, kadib markii meydkooda laga soo qaaday deegaanka Gobsho halkaasi oo lagu dilay.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay inaysan garan karin sababta iyo cida dishay ragaasi.

Waxaa xusid mudan xilliga ay dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka in si gaar ah deeganada Puntland loogu beegsado dadka Oromada ah iyo dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.

Ciidanka raggaan kala baxay Hotelka ayaa la sheegay inay yihiin ciidan ka tirsan kuwa Maamulka Puntland oo labadan nin uga shakiyay inay wax ka ogaayeen Qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka Hore ee Hotelka Uunlaaye 31-kii Bishii March, taasina waxa ay keentay in dil qorsheysan ay ciidamada u geystaan labadan ruux.

Ninka Oromada ah ayaa la sheegay muddo fog inuu ku noolaa Magaalada Gaalkacyo, Xaaskiisa iyo caruurtiisana ay ku sugan yihiin Magaaladaasi.

xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip