MUCJISO: Gabar Soomaaliyeed oo nin isku bedeshay + Video

0
Saturday April 16, 2016 - 11:00:49 in Wararka by
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUCJISO: Gabar Soomaaliyeed oo nin isku bedeshay + Video

    Gabar Soomaaliyeed oo degan degmada Guriceel ayaa isku bedeshay nin, kaddib markii ay dhaqaatiirtu caddeeyeen inuu ku badanayo hoormoonka Ragga, waxaana gabadhaasi oo soo martay laba guur ka soo hallaabay caruurtii ay dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabar Soomaaliyeed oo degan degmada Guriceel ayaa isku bedeshay nin, kaddib markii ay dhaqaatiirtu caddeeyeen inuu ku badanayo hoormoonka Ragga, waxaana gabadhaasi oo soo martay laba guur ka soo hallaabay caruurtii ay dhashay.
Gabadhaan oo lagu magacaabo Ayaan Shire ayaa ka sheekeysay xaaladihii ay soo martay tan iyo markii ay qaan gaarka noqotay, iyadoona tilmaantay in guurkeedii ugu horeeyay ay gashay sanadkii 2005-ka.

Kaddib guurkeeda waxay qaaday uur, hase yeeshee ilmihii way ka soo halaabeen, kaddib waxay sheegtay in dhiigeeda caadada ahaa uu isbedelay, iyadoo sheegtay in xanuunka uu ku dhacay iyadoo 17-jir ah kahor inta aanay guursan.

"Dhaqaatiirta waxay i dhaheen dalka dibadiisa ayaa laguugu daweyn karaa, halkaan waxba lagaagama qaban karo” ayay tiri Ayaan oo sheegtay in qoyskeedu aanu heysan dhaqaale uu dalka dibadiisa ugu soo daweeyo.

Mucjisadaan rabaaniga ah ee qabsatay gabadhaan ayaa in muddo la xanuunsaneysay ilaa iyo guurkii labaad gashay, hase yeeshee ninkii ayaa muddo yar kaddib ka cararay Ayaan, isagoo dhahaya "Adiga nin ayaa tahay”.

xigasho:-somaiweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip