
QM oo Shaacisay in Qiyaastii 60-Milyan oo Ruux ay u baahan yihiin Kaalmooyin Bani'aadamnimo
Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in 13 waddan oo ku yaal Koonfurta iyo Bartiga Qaaradan Afrika ay abaaruhu si daran u saameeyeen, waxaana lagu sheegay warbixinta in culayska ugu weyn ay ku hayso dadka Itoobiya.
Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 10 milyan qof ay si deg-deg ah ugu baahan yihiin cunno, kaddib markii ay ku dhufteen abaaro ba’an, xaaladana ay uga sii dartay El Nino.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in cimiladu ay is-bedeshay, iyadoo an tii ugu xooganeyd ee la diiwaan-geliyo, iyadoo saameysay waddamada; Zimbabwe, Suudaan, Somalai iyo Lesotho, halka Malawi ay isku biirsadeen Abaaro iyo daadad.
QM ayaa Warbixintan ku xustay in Dowladaha iyo hay’adaha Caalamiga ah ay sare u qaadaan kaalmooyinka ay bixiyaan, loona baahan yahay lacag dhan 2-milyan oo doollar si loo sii wado dadaalada Gar-gaarka la rabo in lagu badbaadiyo malaayiintan qof ee ay abaaruhu saameeyeen.
Ugu dambeyn, Warbixintu waxay ka digtay in xaaladda ay ku nool yihiin dad badan ay sii xumaan karto lixda bilood ee ugu dambeysa Sanadkan 2016-ka, haddii aanan gargaar degdeg ah lala gaari


0 



QM oo Shaacisay in Qiyaastii 60-Milyan oo Ruux ay u baahan yihiin Kaalmooyin Bani'aadamnimo
Warbixin cusub oo ay Qaramada Midoobay soo saartay, ayaa lagu xusay in 60-Milyan qof oo ku nool caalamka daafihiisa ay u baahan yihiin kaalmooyin deg-deg ah, iyadoo sheegtay inay arrintaan sabab u tahay cimilada El Nino oo haatan jirta.