
BIIXI: Waxaan ahay murashax Xisbiga Kulmiye ka Dhex-ordaya Guul ayaana Alle ka Rajeynayaa
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee xisbiga kulmiye, taasoo kor u sii qaadaysa xamaasada loolanka xisbigaas ka dhex jiray.
Xisbiga kulmiye ayaa musharaxiin badani u taagan yihiin inay musharax madaxweyne u taagan yihiin, isla markaana loolan adag ku dhex mari doona 10-ka bisha November, 2015 oo shirweynaha golaha dhexe uu qabsanayo xisbigaasi taas oo laga soo xulan doonno musharaxa rasmiga ah ee doorashooyinka soo socda uga qaybgalli lahaa xisbiga KUlmiye.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo safar dibadda ah ka soo laabta ayaa sheegay inuu
Shacabka soo dhaweynayey oo isugu jirasiyaasiyiin, odayaal, dhalinyaro iyo haween ayaa waxaa ka dhex-muuqday suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Max'ed Suldaan C/qaadir, Suldaan Xasan Suldaan C/llaahi Suldaan C/raxmaan, Sheekh Aadan Siiro iyo mas'uuliyiin kale oo badan.
"Sidaad la socotaan waxaan ahay Musharax, ka dhex ordaya xisbiga Kulmiye, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu guuleeyo.Waxaan is-leeyahay wadanka waxaad kusoo kor-dhinaysaa Aqoon, cilmi, aragti iyo waayo aragnimo balaadhan, iyo anigoo maanta aqoon weyn u leh wadanka iyo caalamkaba. Waxaan kaloo is-leeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray,” ayuu yidhi wasiir Maxamed Biixi.
Waxaanu intaas ku daray "Wadanka aad baan u aqaan. Waxaan isleeyahay wadanka waad dhaqaajin kartaa oo heer aqoon iyo cilmi qalin ku dhisan ayaad gaadhsiin kartaa,”
Sidoo kale, wuxuu qado sharaf ugu sameeey hoteelka Crown dadweyne aad u fara badan, waxaanu u mahad-naqay dadweynihii soo dhaweeyay.
Loolanka xisbiga kulmiye ka dhex jira ayaa ah mid dadweynuhu si weyn u hadal hayaan, isla markaana u dhegtaagayaan, maadaama oo siyaasiyiin aad u culculusi ku tartamayaan musharnimada, isla markaana musharax walba is macaamiisheeyey inuu ku guulaysanayo, isagoo illaa hadda madaxweyne Siilaanyo cadeyn inuu ka hadhay tartanka dambe.
XIGASHO:-HIIRAAN.COM
BIIXI: Waxaan ahay murashax Xisbiga Kulmiye ka Dhex-ordaya Guul ayaana Alle ka Rajeynayaa
doonayo inuu xisbiga dhexdiisa kula tartamo musharaxiinta kale, waxaana maanta madaarka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u faro badan oo taageersan musharaxnimadiisa.