Aqoon-isweydaarsi looga hadlay dhaqaalaha iyo ganacsiga oo lagu qabtay Jaamacada Banaadir

0
Friday April 15, 2016 - 19:35:34 in Wararka by
  • Visits: 2220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Aqoon-isweydaarsi looga hadlay dhaqaalaha iyo ganacsiga oo lagu qabtay Jaamacada Banaadir

    Aqoon-isweydaarsi ku saabsanaa horumarinta ganacsiga, xisaabaadka iyo dhaqaalaha ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga waxbarashada Postgratuate-ka iyo Cilmi baarista ee Jaamacadda Banaadir magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoon-isweydaarsi ku saabsanaa horumarinta ganacsiga, xisaabaadka iyo dhaqaalaha ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga waxbarashada Postgratuate-ka iyo Cilmi baarista ee Jaamacadda Banaadir magaalada Muqdisho.

Waxaa aqoon-isweydaarsigan soo qaban-qaabiyey kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee Jaamacadda, waxaana ka qey galay maamulka sare ee Jaamacada Banaadir, qaar ka mid ah hormuudyada kuliyadaha Jaamacadda, aqoonyahano, arday iyo xubno kale.

Khubaro ku taqasusay arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa casharo ka bixiyey aqoon-isweydaarsigan, kuwaasoo kala ahaa C/llaahi Maxamuud oo ah madaxa Shirkadda Best Option accountant Company oo ka diiwaan gashan wadanka UK, Axmed khaddar Jaamac oo ah aqoonyahan ku taqasusay arrimaha ganacsiga haatana diyaarinaya shahaadada Phd iyo Maria Jaamac Yuusuf oo ka tirsan howlwadeenada Bankiga caalamiga ah ee Somalia (IBS).

Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo aqoon-isweydaarsigan furay ayaa ka waramay dhibaatooyinka ka jira dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo xisaabaadka wadanka.

"Dhaqaalaha dalka sida bankiyada iyo shirkadaha qabta adeegyada bulshada sida isgaarsiinta, biyaha, korontada iyo wixii soo raaca waxaa iska laheyd dowladii hore ee burburtay, 25kii sano ee u dambeeyey waxa soo baxay shirkado ganacsi oo isku dayey iney kaalintaas buuxiyaan iyagoo aan khibrad badan laheyn dedaal badan ayey sameeyeen balse waxaa wali muuqata iney dhibaatooyin ka heystaan dhinaca xisaabaadka iyo horumarimta waana muhim in la helo aqoonyahanadii baahidaas dabooli lahaa” ayuu yiri gudoomiye Dalmar oo ardaydii fursada u heshay aqoon-isweydaarsigan kula dardaarmay iney ka faaiideystaan.

Hormuudka kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka Jaamacadda Banaadir C/raxiin C/qaadir Xasan (Shiil) oo isna munaasabadan hadalo ka jeediyey ayaa dulmaray nuxurka uu xambaarsan yahay aqoon isweyraasigan iyo waxyaabaha uu ku qotomo, wuxuuna xusay inuu muhimad gaar ah u leeyahay ardayda wax ka barata kuliyada dhaqaalaha iyo maamulka ee jaamacada Banaadir.

C/llaahi Maxamuud oo ah madaxa shirkadda Best opbtion accountant company oo ka diiwaan gashan wadanka UK oo ka mid ahaa khubaradii casharada ka bixiyey seminaarkan ayaa ka hadlay howlaha ay shirkadiisu qabato, wuxuuna xusay iney shirkadaha ganacsiga ka caawiyaan horumarinta & dhinaca dejinta xisaabaadka iyagoo aqoontooda kaashanaya.

"Markii aan aragnay dhibaatooyinka ganacsato iyo shirkado badan ka heysta dhinaca horumarinta iyo dejinta xisaabaadka daraasado badan ayaan sameynay waxaana aasaasnay shirkaddan” ayuu yiri C/llaahi Maxamuud oo ku dheeraaday habka ay u caawiyaan shirkadaha ganacsiga si uusan khasaare iyo burbur u soo gaarin.

Axmed khadar Jaamac oo ah aqoonyahan ku taqasusay arrimaha ganacsiga haatana diyaarinaya shahaadada Phd ayaa isna ka waramay ganacsiga Soomaaliya marxaladihii kala gedisnaa ee uu soo maray, fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo sababaha keena khasaaraha ganacsatada.

"Ka sokow duruufaha dhinaca amaanka iyo degenaansho la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta dhibaatada ugu weyn ee heysata shirkadaha ganacsiga waa dhinaca xisaabaadka oo haddii dariiqii saxda ahaa aan loo marin keeni kara iney kacaan sida hadaba ku dhacday shirkado badan oo Soomaaliya ka howgeli jiray,” ayuu yiri Axmed Khadar Jaamac oo xusay sida kaliya ee dhibaatadaas looga gudbi karo iney tahay in la abuuro xafiis ay ka howlgalaan dadka aqoonta u leh xisaabaadka oo talooyin siiya shirkadaha ganacsiga.

Maariya Jaamac Yuusuf oo ka tirsan howlwadeenada Bankiga caalamiga ah ee Somalia (IBS) ayaa iyana tilmaamo ka bixisay habka ay shaqeeyaan bankiyada islaamiga ah (Islamic Finance) iyo waxyaabaha ay kaga duwan yihiin bankiyada kale ee ku dhisan ribada uu Islaamku xarimay.

"Habka dhaqaalaha islaamiga ah waa kan kaliya ee caalamku isku raacay inuu yahay kan ugu badbaadada badan, waad la socotaan markii ay khasaareen bankiyadii ribada ku dhisnaa sanado ka hor kuwa islaamiga ah lama kulmin dhibaatadaas, waxayna taasi keentay in bankiyo badan oo xitaa kuwa reer galbeedka & Yuhuuda ay ku jiraan ay qaataan habka islaamiga ah ka dib markii ay arkeen faa’iidada uu leeyahay” ayey tiri Maariya, waxayna iyada iyo khabiiradii kale ee casharada ka bixinayey aqoon-isweydaarsigan si hufan uga jawaabeen su’aalo ay weydiiyeen ardayda soo xaadirtay.

Hormuudka kuliyada culuunta caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Xasan Nuur Warsame oo gebagebadii aqoon-isweydaarsigan ka hadlay ayaa ka waramay muhimada ay seminaarada noocan ah u leeyihiin xoojinta aqoonta iyo garaadka ardayda, wuxuuna xusay in jaamacadu ay sii wadi doonto iney ardaydeeda u keento aqoonyahano khibradooda laga faa’iideysto.

"Anigu horta dhaqaalaha aqoon badan uma lihi oo waxaan ahay hormuudka kuliyada culuunta Caafimaadka balse waxaan ogahay in dhaqaalaha iyo toosinta xisaabaadka ay ka jirto baahi badan oo loo baahan yahay in la daboolo, maxaa yeelay ganacsuduhu haddii uusan kala ogeyn faa’iido iyo khasaare waxaa uu ku sugan yahay horumar ka sameyn karo ” ayuu yiri Dr. Xasan Nuur Warsame oo dhinaca kale u mahad celiyey khubarada ka qeyb qaatay seminaarkan oo waqtigooda qaaliga ah u soo huray sidii aqoonta iyo waayo aragnimada ay leeyihiin uga faaideyn lahaayeen ardayda Jaamacadda.

Jaamacada Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha ug tayada wanaagsan ee dalka ka jira ayaa mudooyinkan ku talaabsaneysay horumaro kala duwan oo dhinaca waxbarashada ah, waxayna heshiisyo la xiriira dhinaca isdhaafsiga aqoonta kula jirtaa jaamacaddo badan oo caalamka daafihiisa ku baahsan.

yab (1)yab (2)yab (3)yab (4)yab (5)yab (6)yab (7)yab (8)yab (9)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip