
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA OKTOOBAR 2015-KA
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle International ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaare kuxigeen Mudane Maxamed Cumar Carteh, xildhibaano iyo saraakiil sar sare.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbada uu ka jeediyay fadhigii 70-aad ee golaha guud waxa uu ku sheegay in dalka Soomaaliya caalamku in muddo ah soo gacan siinayay isla markaana soo kaalmeynayay, balse haatan loo baahan yahay in laga gudbo kaalmada, loona gudbo maalgashi, iyo in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha si dalku u helo dakhli gudaha ah iyo wax soo saar.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta ciidamada xooga dalka, si loo soo celiyo xasiloonida, loogana sifeeyo dalka kooxaha Shabaab.
Intii uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaaruhu xarunta Q/midoobay ayuu kulamo gooni gooni ah la qaatay xoghayaha guud ee Q/midoobay Ban-ki Moon, waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen dhaqangelinta qodobada shirkii heerkiisu sareeyey ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaana nabadda iyo horumarka, iyo hirgelinta hiigsida 2016.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov, waxaana kulankan diirada lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, waxayna sidoo kale ka wada hadleen sida ugu haboon ee Ruushku ku taageeri karo hay’addaha dowladda.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa intii uu ku sugnaa xarunta Q/midoobay waxa uu saxiixay Axdiga illaalinta xaquuqda Caruurta.
86 QOF OO KU DHIMATAY QARAXYADII MAGAALADA ANKARA, 200 OO KALANA WAA KU DHAAWACMEEN
Laba qaraxyo oo waaweyn oo middi uu ismiidaamin ahaa, ayaa waxay shalay ka dhaceen Caasimadda Wadanka Turkiga Ee Magaalada Ankara, iyadoo dhimashadu ay 86 qof gaartay, halka dhaawacuna uu yahay 200 oo kale.
Qaraxyadan, ayaa waxaa lala beegsaday dad bannaanbax nabdoon dhigaayay, oo dalbanaa yay in Dowladda Turkiga ay joojiso weerarada dhinaca cirka ah, ee ay la beegsanayso mintidiinta Kurdiyiinta.
Dadkan, ayaa waxaa qaraxyada lagula beegsaday goob basaska laga raaco, mana jirto illaa iyo ha dda cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, marka laga soo taggo in uu jiro tuhun ka dhan ah Ururka Daacish.
Muuqaalo laga soo duubay sida ay qaraxyadaasi u dhaceen, ayaa waxaa qaraxyada ka dib ka soo muuqday dadkii bannaanbaxa dhigaayay oo argagaxsan, dhawr jihana u kala cararaya.
Wasaaradaha Arrimaha Gudaha & Caafimaadka Turkiga, ayaa Ra’iisal Wasaare Ahmet Davutoğlu kaga warbixinaya qaraxyadaasi.
Turkiga, ayaa waxa uu wajahaya weeraro kala duwan oo kaga imanaya mintidiinta Daacish iyo Kurdiyiinta, tan iyo markii uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah kooxahaasi.
An injured man hugs an injured woman after an explosion during a peace march in Ankara Ankara-Ankara1 Turkey Blast
FAAHFAAHIN: QODOBBADII LOOGA HADLAY SHIRKII MOOSHINKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA LAGA KEENAY
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa shirkii looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho, iyadoo ay hadallo kala duwan ka jeediyeen 12-xildhibaan oo ka qayb galay shirka kuwaas oo ka mid ahaa xildhibaannadii saxiixay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.
Xildhibaannadan sagaal ka mid ah waxay goobta sheegeen inay gabi ahaan mooshinka ka tanaasuleen, aysanna ahayn inay wixii shalay ka dambeeya la sii wado wadahadallada ku saabsan xallinta mooshinkan.
Sidoo kale, saddexda xildhibaan ee kale ayaa siyaabo ka duwan sidaas shirka ka sheegay, iyadoo laba xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadan ay soo jeediyeen in wadahadalladu ay furan yihiin inta ka hartay mooshinkana baarlamaanka lagu dhameeyo.
"Waxaan ahay xildhibaan Jaamac, waxaanan halkan ka caddeynayaa inaan shaqsi ahaan ka tanaasulay mooshinka, sababta aan uga tanaasulayna waa in mooshinkan uusan soconayn; oo aanu ka socon karin madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, sidaa daraadeed waxaa ka galayaa xushmeynta la'aanta sharciga halka ay ka galaan madaxda dalka," ayuu yiri xildhibaaan Jaamac oo ka ah ka mid ah xildhibaannadii shirka ka qaybgalay.
Balse, xildhibaan Cabdi barre Yuusuf Jabriil oo isagana ka hadlay kulanka ayaa sheegay in aanu marnaba mooshinka ka tanasulay oo ay u taagan tahay arrintiisa sidii uu mooshinka u saxi ixay, isagoo intaas ku daray in 81-ka xildhibaan ee aan goobjoogga ka ahayn shirka la dhageysto fikiradahooda.
"Anigu kama tanaasulayo mooshinka, uuna uuu taagan yahay sidii aan horay ugu saxiixay, waxaana soo jeedinayaa in arrinta aan la afduubin oo 81-ka xildhibaan ee aan kasoo qaybgelin shirka, iyagana fikirkooda la dhageysto, mooshinkana lagu dhameeyo baarlamaanka gudihiisa,” ayuu yiri xildhibaan Cabdibarre Yusuuf.
Xildhibaannadii shirka ka qaybgalay ayaa waxay kaloo sheegeen in xildhibaannada maqan ay si iskood u maqan yihiin, loona xayirnaan doonin, isla markaana ay ka go’an tahay in la xalliyo arrinta mooshinkan.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadal ka jeediyay kulanka ka dib dhageysiga aragtiyada xildhibaannadu soo jeediyeen ayaa sheegay in qodobbada qaarkood ay dib ugu laaban doonaan isaga iyo ra'iisul wasaaraha, ayna mar kale isugu yeeri doonaan xildhibaannada.
Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa meesha ka saaray mid ka mid ah qodobbadii ku xusnaa mooshinka oo ahaa in madaxweynaha Soomaaliya uu galay khiyaano Qaran, taasoo uu sheegay inaysan meesha ku jirin.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaan kulanka ku sugn ayn, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo wakiil u ahaa uusan dhankiisa ka hadlin kulanka oo uu ka ahaa dhageyste oo keliya.
Si kataba ha ahaatee, lama oga xilliga la isugu soo laaban doono oo xildhibaannada loogu yeeri doono shir kale, iyadoo xildhibaannada mooshinka keenay intooda badan ay horay u sheeg een in aysan marnaba ka qaybgeli doonin shirka looga hadlay mooshinka ka dhanka ah madax weynaha Soomaaliya.
GUDDIGA ISKU DHAFKA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO SHALAY GAARAY DEGMADA BAYDHABO
Wafdi ka socda wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha wasaaradda Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale oo ka socda dowlada federaalka Sooma aliya ayaa shalay booqasho ku tagay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Wasiir u dawladaha wasaaradda gaashaandhigga, Maxamed Cali Xagaa ayaa ka hadlay ujeeddada safarkooda shalay ayaa xusay inuu yahay sidii ay wadatashi ugala yeelan lahaayeen maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya dhismaha ciidan Qaran oo isku dhafan, matalana dha mmaan Soomaaliya oo dhan.
"Ujeedkeenna ugu weyn ee shalay aan Baydhabo u nimid waa sidii loo heli lahaa dhismaha ciidan Qaran oo leh karti iyo hufnaan, socdaalkan waxaa igu weheliya xubno ka tirsan guddiga isku-dhafka ciidamada iyo madax kale oo deegaankan ka soo jeeda. Waxaan wadatashi la yeelan do onaa dhinacyada ay arrintani khuseyso oo ugu horreeyo hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed,” ayuu yiri Xagaa.
Sidoo kale, Jen. Maxamed Xaashi oo ka mid ah xubnaha guddiga Isku dhafka ciidanka xo ogga dalka Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay iyadoo la raacayo hannaan ay dadku u dhan yihiin in la soo xuli doono ciidan leh karti sare, isagoo xusay inay dhawaan ku guuleysteen in laga hirgeliyo deegaannada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo ciidammo Qaran oo isku-dhafan.
Ugu dambeyn, dhawaanahan ayay wasaaradda difaaca Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtay sidii dalku u yeelan lahaa ciidammo Qaran oo leh awood ay ku amniga guud ee dalka ku hantaan. Si looga maarmo ciidamada dalka jooga ee ka socda dalalka Afrika qaarkood.
MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA SOOMAALIYA OO MIDOWGA YURUB KU GACANSEYRTAY BAAQII KA SOO YEERAY
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya, ayaa waxay Ururka Midowga Yurub ku gacanseyrtay joojinta fulinta xukunada dilalka, ka dib markii ay sheegeen in Maxkamaddu qaado kiisaska dadka rayidka ah.
Midowga Yurub, ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ugu baaqay in la joojiyo fulinta xukunada dilalka, iyagoo sheegay inay tani bilow u tahay tallaabada Soomaaliya looga joojinayo fulinta xukunadaasi. Xukunadan waxay ku sheegen wax ka dhan ah nolosha bani’ aadamka iyo sharafkiisa.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa waxa uu beeniyay in Maxkamaddu ay qaado kiisaska rayidka ah, isla markaana ay qaado oo qura kiis aska Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya iyo Shabaabka.
Gudoomiyaha waxa kaloo uu beeniyay in Maxkamadda ay sanadkan oo qura ay fulisay 29 kiisas oo xukuno dil toogasho ah, wuxuuna xusay intii Maxkamadda ay jirtayba aan la dilin tirada intaa le’eg.
Sidoo kale waxa uu si xoogan u beeniyay in racfaanka loo diido dadka marka ay xukunto Ma xkamadda, islamarkaana ay Maxkamaddu dadku u ogoshahay inay racfaan ka qaataan xukunada.
Isagoo la hadlaayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC, ayaa wuxuu diiday in Shabaab loogu yeero inay shacab yihiin, bacdamaa sida uu sheegay ay dareys ciidan xiran yihiin, isla markaana ay hubka wataan.
Liibaan Cali Yarow wuxuu muujiyay inaanay Soomaaliya diyaar u ahayn joojinta xukunada asi, maadaama ay xukunada dilalka waafaqsan yihiin xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
Midowga Yurub waxa uu ka digay in la dedejiyo xukunada dilalka ah ay fulinayso Maxkama dda Ciidamada Qalabka Sida, islamarkaana uu soo jeedinayo in dadkaasi la siiyo fursado ay racfaan kaga qaadan karayan xukunadaasi.
MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN OO DHIBAATO AY KA HEYSATO QAADISTA CANSHUURAHA GOBOLKAAS
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu dhibaato ku qabo Canshuur ka qaadista Ga nacsatada Gobolkaasi.
Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maam ulka Gobolka Hiiraan oo Shabelle la hadlay ayaa tibaaxay in Ganacsatada looga baahan yahay in ay fahmaan in Canshuurta laga qaadayo ay iyaga faa’ido u tahay.
" Maamulku waxa uu idinkugu dayactirayaa waddooyinka , xarumihiin Ganacsi iyo guud aha an Bilicda deegaanadiisa, Marka ha la bixiyo Canshuurta” ayuu sii raaciyay Guddoomiye ku xigeenka hadalkiisa.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku cel celiyay dhowr jeer dhibaatada ka heysata Bixin la’a anta Canshuurta maamulka uu ka qaado goobaha Ganacsi ee Gobolkaas haba ugu badnaato Magaalada Baladweyne.
Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah Gobollada ku caanbaxay wax soo saarka dhinaca dalaga iyadoona uu leeyahay sidoo kale ilo Ganacsi oo Muhiim ah.
KENYA OO SII DEYSAY WADAADDO AY KU EEDAYSAY INAY DAGAALYAHANNO U QORAAN AL SHABAAB
Dowladda Kenya ayaa Xabsiga ka soo daysay 8 ka mid ah 12 Wadaaddo Muslim ah oo ay ku eedeysay inay Dhallinyaro Al shabaab uga qorayeen Gobolka Waqooyig Bari ee dalkaasi.
Wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya Sarkaal Boolis ayaa sheegay in sii daysamada 8 Qof ay ka dabnaysay markii Maxkamadda ay ku amartay Ciidanka inay xuriyadooda dib ugu celiso haddii mudo 8 maalmood ah wax cadaymo ah ku helin baaritaankooda.
Ciidanka Booliska Ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ee dalka Kenya ayaa Wadaadan Muslim ah ee gaaraya 12-ka ayaa waxay kasoo qabteen Todobaadkii tagey Masjid ku yaalla Magaalada Mandheera.
Gudoomiyaha Golaha sare ee Muslimiinta Kenya C/ladhiif ayaa u sheegay Wakaaladda War arka Turkiga ee Anadolu in Ciidanka Booliska Kenya ay ku soo xireen Wadaaddaasi si aan sharciga waafaqsanayn, wuxuuna ugu baaqay Dowladda inay 4 kale si sharuud la’aan ah ku soo dayso.
Ciidanka Booliska Kenya ayaa waxaa lagu eedeeyay inay kordhiyeen Cadaadiska & Tacadi yadda xadgdubka ah ee ay u gaysanayaan Muslimiinta ku nool Magaalooyinka ku yaalla Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Booliska Kenya ayaa sheegay in 4 Qof ee kale ay su’aalo ka waydiinayaan Dhallinyaro badan oo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya looga qoray Al shabaab, kuwaasi oo looga shakisan yahay Weerarada dalkaasi Kenya.
DHAGAXDHIG LAGU SAMEEYAY DHISMAHA MID KAMID AH WADOOYINKA BURBURSAN EE KISMAAYO
Maamulka Jubbaland ayaa shalay dhagaxdhigay mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, taasoo burbursanayd mudo aad u dheer isla markaana ay adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka.
Wadaddaan oo dhererkeedu gaarayo ilaa 2.5 KM ayaa waxa ay ka soo bilaabataa halka loo yaqaan Isgoyska Qacle ee xaafadda Faanoole, waxa ayna ku egtahay isgoyska Olombik ee xaafadda Farjanno.
Xafladdii dhagaxdhigga ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ay ka mid yihiin wasiir kuxigee nka wasaaradda gaadidka, boostada iyo isgaarsiinta Jubbaland Geelle Max’ed Aadan, gudoomiy aha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid C/laahi Gooni, Gudoomiyaha degmada Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) iyo weliba madaxda shirkadda fulineeysa dhismaha ee Dhasheeg.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay gudoomiyaha shirkadda Dhasheeg Marwo Khadro Bulxan Max’ed, waxa ay sheegtay in ay farxad u tahay in shalay ay bilaaban dhismaha waddada oo ah waddo muddo aad u dheer burbursanayd.
Madaxa mashruuca dhismaha waddada C/casiis Cismaan Max’uud ayaa sheegay in howsha dhismaha waddada ay ka qeybqaadan doonaan ku dhawaad 200 oo shaqaale ah kuwaa oo uu xusay in ay ahaayeen dhallinyaro ay shaqo la’aan ku heysatay magaalada.
Madasha ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka iyo kan degmada Kismaayo, waxayna labaduba soo dhaweeyeen dhismaha waddadan oo ay ku tilmaameen tallaabo hore loo qaaday.
Ugu danbeyn wasiir kuxigeenka wasaaradda gaadiidka, boostada iyo isgaarsiinta Jubbaland Mudane Geelle Saliid ayaa dhagaxdhigay dhismaha waddada, isagoo sheegay in dhismaha waddadani uu qeyb ka yahay horumarka ka jira magaalada
MIDOWGA YURUB OO KA DALBADAY DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA INAY JOOJISO CIQAABTA DILKA
Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay inaanay marna raalli ka ahayn ayna ka soo horjeeddo ciqa abta dilka ah oo dhan, iyadoo ciqaabta dilalka ah ay ka dhigan tahay ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha iyo sharaftiisa.
Midowga Yurub ayaa intaas ku daray inaan loo baahnayn in dil toogasho lagu fuliyo dadka dambiyada kala duwan gala; iyagoo xusay in joojinta dilalka toogashada ah ay kaalinta 1-aad kaga jirto ahmiyadaha Midowga Yurub. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya [UNSOM] ayaa diiw aan geliyay 2015-ka oo keliya dilalka 29-qof oo ay fulisay maxkamadda millateriga. Iyadoo Midowga Yurub ay ku boorriyeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya inay ka fogaadaan isticmaalka maxkamadaha ciidamada in lagu qaado kiisaska rayidka ah.
Sidoo kale, Midowga Yurub wuxuu dalbaday in nidaamka xuquuqdhowrka leh si buuxda loogu hoggaansamo; iyadoo nidaamka saxda ah ee rafcaanka ahna la meel mariyo.
Midowga Yurub waxay ugu baaqaysaa dhamaan maamulada ka dhisan Soomaaliya inay si degdeg ah u joojiyan xukunka dilka ah oo ay hirgeliyaan sharciga ku habboon arrintaas; kaasoo uje eddadiisu tahay in la baabiiyo xukunka dilka ah.
Waan la soconaa in Soomaaliya ay ka go’an tahay sida ku cad heshiiskii ugu dambeeyay (2011-kii) ama Universal Period Review (2011-kii) oo lagu heshiiyay sida ay u hakin lahayd adeegsi ga ciqaabta dilka iyo sidoo kale inay ka codaysay kalfadhiga 69-aad ee golaha Qaramada Midoobay (2014-ka).
Ugu dambeyn, Ururka Midowga Yurub ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidii ugala shaqayn la haa madaxda Soomaaliyeed arrinkan; ayna taageersan yihiin sidii ay u dhisan lahayd nidaam garsoor oo casri ah oo baahida bulshada Soomaaliyeed buuxiya; isagoo dhowraya xuquuqda aadanaha ee caalimiga ah
RAASHKA OO WALAAC KA MUUJIYAY XAYIRAADA LAGU SOO ROGAY DOWLADDA KOONFURTA SUDAN.
Golaha ammaanka QM ayaa isku raacay in wax laga badalo habka ay ku howlgalaan ciidamada nabad ilaalinta ee QM kaga sugan South Sudan si ay u fuliyaan heshiiska nabada ah ee xukuumada iyo mucaradka gaareen balse Raashka iyo Fanuswela ayaa iyagu ka horyimid in codkooda ku biiriyaan, iyagoo baqdin ka muujiyay inay dhacdo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu baahiyo hawada wadankaasi iyo cabsida cuni qabateenta ka dhanka ah dowladdaasi.
Dowladda Mareykanka ayaa u gudbisay golaha amaanka qaraar qabyo ah oo cuni qabateen lagu saarayo madaxda dowladda iyo hogamiyaasha Mucaradka.
Ku dhawaad 13-000-askar QM ka socda ayaa ku sugan wadankaasi waxana ay maganga lyo ay siyeen 200,000-qof oo guryahooda isaga cararay markii ay dhaceen dagalkii u dhaxeeyay xukuumada iyo Mucaradka.
SHIR LOOGA HADLAYO DIB U EEGISTA ARRIMAHA DASTUURKA OO SHALAY KA FURMAY MUQDISHO
Shirka wada tashiga ah ee looga hadlayay dar dar galinta hannaanka dib u eegista das tuurka KMG ah ee dalka oo shalay ka furmay magalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Ra’i-isal wasaare ku xigeenka Xukumadda Soomaaliya, Wasiirka dastuurka dowladda Federaalka, Was iirada arrimaha dastuurka ee maamul goboleedyada, Koofur galbeed, Jubba, Galmudug iyo Punt land, Guddigiga kormeerka Baarlamaanka ee Arrimaha dastuurka iyo kan madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka KMG ah.
Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka ayaa waxa uu socon doonaa muddo labo cisho ah, iyadoo ujeedka shirka uu yahay sida maamul goboleedyada ay kaalin uga qa adan lahaayeen geedi socodka dib loogu eegayo dastuurka KMG ah ee dalka.
Wasiirka arrimaha dastuurka ee Xukumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo ugu horayn ka hadlay furitaanka shirka ayaa tilmaamay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay maamul goboleedyada, isla markaana ay door ku yeeshaan dib u eegista dasuurka.
Abuukaate Maxamed Cabdala Saalax ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee hirgelinta dastuurka ayaa sheegay in dastuurku yahay wax ay wada leeyihiin guud ahaan Umma dda Soomaaliyeed.
Xildhibaan Ibraahim Saalax Dayfullah Guddoomiye ku xigeenka kor meerka baarlamaanka ee dastuurka ayaa hoosta ka xariiqayn in waqti uu yahay mid kooban loona bahan yahay in siwada jirka looga wada shaqeeyo arrimaha dastuurka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo furay shirka wada tashiga ah ayaa kula dardaaramay ka qayb galayaasha shirka in ay si wanaagan kaga dooda an qodabadda qilaafka keeni kara, sida awoodaha Dowladda Federaalka ah iyo dowladda gobolee-dyadda xubnaha ka noqonaya Federaalka.
Dastuurka KMG ah ee dalka oo ka kooban 15 cutub ayaa u bahan in dib u eegis lagu sam eeyo, ka dibna la geliyio afti dad wayne, si loooga dhigo dastuur rasmi ah oo uu yeesho dalkeena.
MARWADA SAALIXADDA AH,WAXA LAGU GARTO LA GARTA YE, SAYGA SAALIXA AHNA MAXAA LAGU GARTAA?.
Maqaal aan goor dhoweyd soo qoray oo aan kaga hadlaayay, halkudhegna uga dhigay:ma doonaysaa in xaaskaaga ay kuu noqoto marwo saalixad ah oo ku adeecda,qodobadan hoos ku qor an u akhri,ayaa qaar akhristayaasha dumar u badani qaab dacwe ah oo kale ii soo gudbiyeen, ku waa soo yiri,hadal nuxurkiisu ahaa: dumarka saalixaadka ah waxa lagu garto sheegtaye,ragga wanaagsana maxaa lagu gartaa,waxaa markasi igu dhalatay in aan ku fekero qoridda cinwaanka aan madaxa uga dhigay qormadayda shalay.
Shareecada islaamka ma oggola in qof cafiifad ah oo dhowrsan in loo guuriyo qof zaani ah ama fuxshi ku dhex jira,sidoo kalena caksigeeda,Allah subxaanahu watacaala wuxuu yiri: qofka za aniga ah ma guursado qof aan zaaniyad ama mushrikad ahayn mooye,sidoo kalena qofka zaani yadda ah ma guursato qof aan zaani ama mushrik ahayn mooye,mu’miniintuna arrinkaasi waa laga xarrimay (suuradda annur,aayad lambar 3), waaliddiinta iyo dadka mas’uulka ka ah gabdhana wa xaa looga baahan yahay in gabdhahooda ay u guuriyaan qof ahlu diin ah oo akhlaaq leh,nebigeena Muaxammad sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri: hadduu idinka soo doonto gabdhihiina qof aad raalli uga noqtaan diintiisa iyo akhlaaqdiisa u guuriya,haddii aadan samayn arrinkaasi,dhulka wuu fidnoobaya,fasaad ballaarana wey asiibaysa,xadiiska waxaa sunnooyinkooda ku soo saareen abu Ciisa Attirmidi iyo ibnu Maaja,waxaana soo weriyay abu Xaatim Al-Mazani iyo abu Hureyra, sheekh Albaanina wuxuu ku taxsiiniyay kita-abkiisa saxiixul jaamic lambar 270.
Nin baa wuxuu Xasan Al-Basri oo taabici la yaqaan ahaa weydiiyay oo uu ku yiri,Xasanow: dad badan ayaa gabadhayda soo doonteen,kee baan siinaya? wuxuu Xa-san Al-Basri ku jawaa bay:waxaad siisaa oo aad ku dartaa ruuxa taqwada Allah ku taagan,maxaa yeelay hadduu jeclaado wuu dhowraya,hadduu nacana ma dulmi-nayo,Saciid bin Al-Musayab oo ahaa sayidkii taabi-cii nta,ayuu lahaa gabadh Allah ku deeqay cilmi iyo akhlaaq,xaafidadna ahayd, waxaa soo doontay khaliifkii Uma-wiyiinta ee Cabdul Malik bin Marwaan,wuxuuna u doonay wiilkiisa,hayeeshe Saciid bin Al-Musayab wuu diiday,isagoo ka baqay in haddii uu gabadhiisa reerkaasi u guuriyo loo dhigayo xaflad ballaaran oo heeso iyo muusik xanbaarsan, halkaasina ay gabadhii ku illowdo hadalkii Al-lah,markii danbana wuxuu gabadhiisa ku daray arday ka mid ah ardaydiisa ee la oran jiray Kathiir bin abi Widaaca.
Sifooyinka lagu garto sayga saalixa ah waxaa ka mid ah:
1-In marka uu gurigiisa soo galaya uu ku soo galayo bashaashnimo iyo farx,lagumana arkayo in guriga uu ku soo galo weji macbuus,yacni weji caro ka muuqata,Sayga suuban wuxuu marwadiisa ku garab istaaga dhinac kasta iyo howl kasta oo guriga laga qabanayo, haddii ay noqon lahayd la korinta carruurta (waa haddii ay carruur jiraan),la shaqaynta jikada (madbakha) iyo wixii la mid ah,sariirta marka la aadaayana oo la raaxaysanayo wuu is carfiyaa sida iyaduba laga doonayo in ay is carfiso,Bukhaari saxiixiisa lambar 676,waxaa ku xusan in saxaabiga la yiraahdo Al-Aswad uu yiri:waxaan Caa’isha Allaha ka raalli noqdee weydiiyay,waxa uu nebiga sallallaahu caleyhi wasa llama ka qaban jiray marka uu aqalka joogo,waxay ku jawaabtay Caa´isha: wuxuu rasuulku sallall aahu caleyhi wasallama ahaa nin gurigiisa u gargaara,marka ay salaadda soo gashana wuxuu aadi jiray salaadda.
2-In uu ku taagan yahay dhaacada Allah,markuu dadka la joogo iyo markuu keligiis yahayba, Allah wuxuu yiri:addoon mu’min ah wuu ka khayr badan yahay qof mushrik ah xataa hadduu ku cajab geliyo (suuradda Al-Baqara, aayad lambar 221),waxaana xaqiiqo ah:ninka diinta leh hadduu xaas kiisa jeclaado wuu dhowraya,hadduu nacana ma dulminayo,sidaas daraadeed ruuxa diinta leh, hadduu caroodo marwadiisa ma dulmiyo,sabab la’aana ugama haajiro guriga, mana xumeeyo la dhaqanka marwadiisa,sababna uma noqdo in uu ehelkiisa ku fidneeyo guriga sida u fasaxidda gur iga waxaayabaha munkarka ah sida:dhegaysiga heesaha,muusikada iyo sawirada oo guriga lagu sharxo iyo inay guriga iska dhex fadhiistaan niman qaraabo la ah marwadiisa ama sayguba isagiina uu guriga ka maqan yahay.
3-Waa nin akhlaaq leh oo aan dhib lahayn hadalladiisana aan caro ka muuqan,dhaqanna uma laha aflagaaddoo iyo ku hadal hadallo ku tiri ku teen ah,carruurta hortooduna kuma caayo, yacni kuma aflagaaddeeyo marwadiisa,marka ay keligeed tahayna sidoo kale.
4-Wuxuu ku dadaala barashada cilmiga sharciga ah,marwadiisana wuu baraa,gurigana wuxuu ka dhigaa guri qur´aan iyo muxaadarooyin diini ah lagu dhegaysto.
5-Waa nin ku dayasho mudan,qowlkiisa iyo ficilkiisana is waafaqsan yihiin,marwadiisana been uma sheego mana garaaco,waqtigiisa inta badana wuxuu siiyaa cibaadadiisa iyo gurigiisa,haddii laga reebo in uu yahay nin shaqo ku maqan ama nin waxbarasho ku maqan.
6-Wuxuu markasta marwadiisa siiya jacayl iyo naxariis,wuxuuna ku garab istaaga dhib kasta oo soo gaara, wuuna qaddariyaa dareenkeeda iyo shucuurteeda,raallina ugama noqdo in ay ragga kula sheekaysato Paltalka ama facebooka iyo wixii la mid ah.
7-Wuxuu daneeya muuqaalkiisa iyo nadaafadiisa isagoo arrinkaasi kaga dayanayo rasuulkeena sallallaahu caleyhi wasallama.
8-Markasta wuxuu yahay say marwadiisa uga mahadceliya waajibaadka Allah saaray oo ka mid ah barbaarinta carruurta iyo cunto diyaarinta,mana ahan say ceebeeya cunto ay u sameysay ama u diyaarisay marwadiisa.
9-Haddii ay dhibaato timaado wuxuu ku dadaala in uu qoysku dejiyo,wuxuuna arrimuhu ku xaliya si xikmadaysan oo aan laab la kac lahayn, wuxuuna xalka ka raadiya kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama.
10-Sayga saalixa ah waxaa lagu gartaa in uu masjidka laasimo,asxaabtiisana ay yihiin kuwo masjidka la saaxiib ah xaaraantana ka fog.
Maxamed Xuseen
(Maxamedeyn)
Den Haag/Holland
Xigasho:- somaaliweyn
XEER-ILAALIYAHA QARANKA OO KA HADLAY QORSHAHA KENYA AY ISKU HOR-TAAGAYSO DACWADDA BADDA..
Xeer-ilaayaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa qoraal uu soo saaray shalay kaga hadlay qorshaha ay Kenya ku doonayso inay isku hor taagto dacwadda badda ee Soomaaliya ay horay ugu gudbisay Maxkamadda ICJ u gudbisay.Dr. Axmed Cali Daahir ayaa qoraalkiisa ku sheegay in guddiga xukuumadda Kenya ay u gudbiyeen maxkamadda codsi ay ku doonayaan inaan la dhageysan dacwadda badda ee Soomaaliya taasoo uu sheegay inay markhaati cad u tahay in Kenya ay aad uga walwalsan tahay saldhig la’aanta qaanuunkeeda.
HADDABA; AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA UU XEER-ILAALIYUHU ARRINTAN KASOO SAARAY:
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA OKTOOBAR 2015-KA
RA'IISUL WASAARAHA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADIB SAFARKII XARUNTA Q/MIDOOBAY Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu safar ku taga