Wuxuu tilmaamay Dowladda Somaliya inay u gudbiyeen dhowr mar waxa ay ka cabanayaan Odayaasha reer Hiiraan, balse Dowladda arintaasi aysan siinin ahmiyad badan oo waxba ayan ka qaban.
"Shirka ka furmay Jowhar anaga wax arin ah oo aan ku leenahay malahan wax talo ah oo aan ku leenahay ma lahan, hadii Shirkii Jowhar ay ka fureen anagana Shirka waa noo furan yahay Dowladda sidii ay isku waafajin laheyd labada Shir iyadaa lagaa rabaa Gobolka Hiiraan wuxuu ka mid yahay 18-kii Gobol marna ma qaadaneyno in la hoosgeeyo Shabelaha Dhexe, horay waan u cadeynay hadana waan cadeynaynaa.” Ayuu yiri Ugaas Cali Ugaas Muxumad Ugaas Shafeec oo la hadlay BBC.
Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inay dadaal badan ku bixinayaan sidii ay u keeni lahaayeen Odayaasha ka maqan Shirka Jowhar ee ku sugan Magaalada Baledweyne.
Odayaasha ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in iyadoo aanan la dhameystirin Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Gobolka dega inaysan suuragal aheyn in loo gudbo Shir maamul lagu sameynaay



0 



Ugaas Cali "Hiiraan in la hoosgeeyo Sh.dhexe marna ma qaadanayno"
Odayaasha reer Hiiraan ee ka maqan ka qaybgalka Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe ee ka socda Magaalada Jowhar ayaa sheegay marnaba inaysan qaadaneyn in Gobolka Hiiraan la hoosgeeyo Shabelaha Dhexe.