Fannaanad ka tirsaneyd Hobolada Waaberi oo xalay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday April 13, 2016 - 11:22:19 in Wararka by
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaanad ka tirsaneyd Hobolada Waaberi oo xalay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

    Allaha u naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanadda Marwo Cabdi Axmed oo ka mid ahayd Hoboladii Qaranka ee Waaberi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanadda Marwo Cabdi Axmed oo ka mid ahayd Hoboladii Qaranka ee Waaberi.

Fannaanadda oo laba cisho ka hor uu xanuun ku yimid, ayaa Maqribnimadii caawa ugu geeriyootay xaafadda Ex Fiyoore ee Degmada Wardhiigley, xilli sida la sheegay ay xaaladeedu u muuqatay mid ka soo reynaysay.

Agaasimaha Hobolada Waaberi, Maxamed Xasan Barrow, ayaa wuxuu xaqiijiyay geerida naxdinta leh ee fiidnimadii caawa ku timid Fannaanadda Marwo Cabdi Axmed.

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub), ayaa waxaa uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marwo Cabdi Axmed, oo sida uu sheegay ka mid ahayd Hoboladii Qaranka ee Waaberi.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, ayaa wuxuu xaqiijiyay in maalinta berrito ah ay marxuumadda ku aasi doonaan Magaalada Muqdisho, hadana ay qaban qaabinayaan aaskeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip