Madaxweynaha wuxuu sheegay Amiirada Shabaabka hadii daacad ay ka tahay dagaalada ay ka wadaan Somaliya inay caruurtaasi u raaci lahaayeen furumaha dagaalka, balse aysan ka hari laheyn.
"Waalidiinta waxaan leeyahay cabsida iska daaya soo doonta wiilashiina, caruurtiina soo doonta u imaada, cunugii shalay lagaa xaday ama lagaa xoogay, maanta waa wiilkaagi Dowladaadi ayaa gacanta ku haysa u imoow, oo u keen dareenkii waalidnimo ee shalay ay ka dhumiyeen, ilmahan yar yar ee aanan qaan gaarin waxa ay u baahan yihiin qalbigii waalidinimo iyo caadifnimadii waalidnimo, waalidiinta caruurtaasi laga soo xaday waxaan leenahay caruurta u imaada arka sida ay u nool yihiin.”Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Madaxweynaha Somaliya ayaa ugu baaqay waalidiinta Somaliyed inay ogaadaan Dagaalka Shabaabka inuu yahay mid lagu marin habaabinaayo Caruurta Somaliyed, wuxuuna ka codsaday Beesha caalamka inay ka taageerto Somaliya dhaqan celinta caruurta Shabaabka ay qaldaan.
"Boqolaalka dhalinyarada ah ee la qalday dadkii diray waa fuleeyo gadaal ayuu ku ganbanayaa jiqda iyo geedaha dhexdooda, ha ogaadaan waalidiinta Somaliyed iyo walaalaha waa fuleey muu soo raaco oo uu ku dhex jiro, hadiiba caruurta uu soo lugooyay, wuxuu ku soo lugooyay uu aaminsan yahay, Dowladda Somaliya ma aysan ilaawin masuuliyadii Maamuladii gacanta ku qabtay xanaano gaar ah dadaal gaar ah iyo wacyigelin gaar ah ayeey u baahan yihiin, caalamka Somaliya ha u soo jeesto oo Somaliya haka kaalmeeyo.”
Xabsiyada Deeganada Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaa ku jira caruur badan oo lagu qabtay duulaankii Shabaab ay ku qaadeen deeganada Maamulka Puntland.



0 



Madaxweynaha "Waalidiinta cabsida iska daaya soo doonta caruurtii Shabaabka soo qaldeen ee lagu qabtay Puntland iyo Galmudug"
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay waalidiinta Somaliyed in laga doonaayo inay soo doontaan caruurtii Shabaabka ay soo qaldeen ee lagu qabtay deeganada Maamulada Galmudug iyo Puntland.