Xasan C/qaadir Muudey, ayaa sheegay inaanay Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyaduba iska wareysan xuquuqda dadka ku nool Gobolka Banaadir.
"Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada iskama wareysan xuquuqda Gobolka Banaadir, haddii aan si kale u dhahana waa xuquuqda dadka ku nool Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey oo la hadlay Warbaahinta gudaha.
Xasan C/qaadir, ayaa yiri "Waxaan ka warqabnaa in Magalaada Muqdisho ay ku nool yihiin dad ku dhow saddex milyan. Tiradaas waxay ka badan tahay inta ku nool Maamul Goboleedyada saxiixay qodobada laga soo saaray shirka lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.”
Muudey, ayaa hoosta ka xariiqay in Magaalada Muqdisho ay ku nool yihiin dad aan saamiyo ku lahayn gobolada kale ee dalka, sidaasi daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in dadkaasi la siiyo xuquuqdooda.
"Dadka Muqdisho waa dad muddo badan ku noollaa samir iyo dulqaad, iyagoo hadana marti-gelinaaya Hay’adaha Dowladda Dhexe ka kooban tahay, mana ahan wax qurux badan, abaalna looga dhigo in maqaamkoodii la duudsiiyo. Muqdisho waa magaalo ay ka soo jeedaaan dad aan xuquuq u raadsan karin, isla-markaana aan ku lahayn Maamul Goboleedyada. Lagama gudbi karo marxaladda habraaca kala guurka, iyadoo cadaalad darro lagu samaynaayo dadkaasi.” Ayuu yiri Muudey.
Sidoo kale waxaa uu Madaxda Somalida uu ugu baaqay dib inay ugu laabtaan qodobada ay ka soo saareen shirkii ugu soo gaba gaboobay Magaalada Muqdisho.
"Arrintani waa mid u baahan in dib loogu laabto, waxaana ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada bal inay dib ugu laabtaan dadka ay xuquuqdoodu duudsiiyeen.” Ayuu yiri Ina Muudey.
XIGASHO:-DHACDO.COM



0 


Xasan Muudey "Lagama gudbi karo xilliga kala guurka, iyadoo cadaalad darro lagu samaynaayo reer Muqdisho"
Xasan C/qaadir Muudey oo ka mid ah xubnaha sida dhow ula shaqeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ka horyimid qodobada laga soo saaray shirkii saddexda maalmood Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada