
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 13-KA ABRIILE 2016-KA
MADASHA HOGGAANKA QARAN WAR MURTIYEED:-
1.Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan Magaalada Muqdisho 9ka ilaa 11 ka bisha Abriile 2016.
2.Madaweynaha jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya, Md.Xasan Sh. Maxamu ud,Ra'iisalw asaa raha Dowladda Federaa lka Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid Cali Saharmaarke,Ra'iisalwasaare ku xig eenka Dowaladda Federaalka Md. Maxa med CuamrCarte, Madaxweynaha Puntl nad Md.C/Wali Maxamed Cali ,Madaxwe ynaha Jubbaland Md.Axmed Maxamed Isl aan,Madaxweynaha K/Galbeed Md. Shariif Xasan Sh Aadan iyo Madaxweyna ha Galmudug Md. C/kariin Xuseen Guule ed.
3..Madasha Hoogaanka Qarnka wax aay mar kale ku celisay Ballanqaadka ah in aan loo kordhin doonin muddada xil heynta Golaha Shacabka iyop Dowladda Federalka,
Madasha waxaay sisoo kale ugu yee rtay qeybaha kala geddisan ee ay khuse yso in ay hubiyaan u diyaargaroowga iyo hirgelinta doorashada 2016 mudada loo cayimay.
4.waxa kale oo ay ka codsadeen bul shada caalmka in ay ka caawiyaan fulinta howshaas, sidaa daraadeed, madasha ho ggaanka qaran waxaay isku raaceen han naanka iyo qaab dhismeedka so socda:
HABKA IYO QAABDHISMEEDKA DOORASHADA:
A.Hannaanka Doorashada 2016 wuxuu noqon doonaa mid dalka uga hirgala si Is ku mid ah, waxaa la dhisi doonaa laba gu ddi doorasho oo kala ah: guddiga Hirgel inta Doorashooyinka ee heer Qaran iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Gooboleed, Guddidu waxaa ka kala imaan doonaan: Dowladda Federaa lka ah, Dowladaha Xubnaha ka ah kuwa sameysmi doono
B.Guddiga Doorasho ee Heer Qaran wuxuu ka koobnaan doonaa 17Xubnood, kuwaas oo ay 5 Xubnood ka soo Magacaa beyso Dowladda Federaalka halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowla dda Federaalka ay mid kasta soo magacaabi doonto 2 Xubnood.
C.Guddiga Doorasho ee Heer Dowla ad Goboleed midkiiba wuxuu ka koobna an doonaa 11 Xub nood, 8 ka mid ah wax aa soo magacaabayo Dowladaha xunaha ka ah Dowladda Federaalka, 3 Xubnood na waxaa soo Magacaabaya Dowladda Federaalka.
D.Guddiga Doorasho heer Qaran iyo Guddiga Doorasho Heer Dowlad gobole ed waxaa loo soo dhisi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan,waxaayna guda geli doonaan dhammaan howlaha diya argaro wga iyo fulinta doorashooyinka, madaxda hoggaanka madasha qaran ayaa labada guddi u sameeyn doona hab raac shaqo E.Madaxda Hoggaanka Qaran waxaa dhsi doonaan Guddiga Xallinta Khilaafaad ka Doorashooyinka 2016.
GEEDDI SOCODKA :AQALKA SARE:
F.Dhismaha Aaqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran wuxuu ka horreyn doo naa Doorashooyin ka Aqalka Hoose
G.30%kuraasta Aaqalka Sare ee Dowlad Goboleedyada iyo kuwa dhismiya waxaa si gaar ah loogu qoondeeyay Haweenka Tartamaya
H.Golaha fulintaee Dolwad goboleedyada waxaa kueaasta u soo magacaabayaan u gu yaraan labo musharrax oo tartamaya, Baarlamaannada Dowlad goboleedyada ayaana u codeyn doona kursi kasta gaark iisa .
I. Dowlad Goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxaay sameysanayaan qaab ay kuraasta ugu qeybiyaan beel aha ,dadkyowga ama deegannada, qaabkaas oo ah mid isku dheellitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinaayo in dad ka laga tirada badan yahay ay helaan met elaad ku filan.
J.Codeynta Xubanah Aqalka Sare Gol aha Shacabka ee Qaran waxaa si siman isku maalin ah uga dhaceyaan Dowlada ha Xubnaha ka ah Dowladda federaalka
K.Madaxweynayaasha Dowladaha Xuban aha ka ah ayaa si Rasmi ah u soo Saxixi doona Liiska Xubanah Aqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran ee ka imaan do ona Dowlad Goboleedyadooda ka dib marka guddigyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaann natiijada ka ma danbeys ta ah ee Musharraxiinta guul eysatay.
AQALKA HOOSE:
A.Liiska Odya Dhaqmeedyada 135ka ah ayaa saldhig u noqonaya hannanka do orashada Aaqalka Hoos, Liiska Oday dha qameeydada dib baa loo eegayaa, mada xwda Dahqameedyada dhinttay waa la beddeli doonaa kuwa muranka ku jiro waa la sixi doonaa.
B.Liiska kama dabeysta ah ee Oday dhaqameedyada {135} ee la isku raacay ayaa soo xuli doona ergada doorasho iya goo la tashanaya nabadoonnada ay khu syso ee Besha Xubinta ku leh.
C. Musharrax kasta oo u taagan Aaq alka Hoose waxaa dooranaya Ergo Doora sho oo ka kooban 50 cod bixiye, wadarta ergad ee doorashada waxaay noqneysaa 275X50= 13,750.
D.Xubnaha Ergada Doorasho waxaa laga soo xulayaa Jilibyada Beesha Kursiu ka dhexeeyo, waxayna meteli doonaan qeybaha kala duwan ee mujtamaca oo ay ku jiraan dhallinyarada iyo Bulshada Rey dka ah ergo kasta ee doorasho waa in ay ugu yaraan30% noqdaan Haween.
E.Codbiixntu waxaay ka dhici doontaa Ma gaalo Madaxyada ama goobaha Fadhiga u ah Dowlad Goboleedyada hadda jira a ma dhismayo iyo Muqdisho, iyadoo loo fii rinaayo habka sida Joqoraafi ahaan loo kala leeyahay kuraasta
F.Madaxweyneyaasha Dowladaha xu bnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah u soo saxiixi dooa Liiska Xu banah Aqalka Hoose ee Golaha Shacab ka Qaran ee ka iman doona Dowlad Gob oleedyadooda ka dib markii guddiyadado orasho ay soo gudbiyaan soona xaiiqjiya an natiijada kama danbeysta ah ee mush arraiinta guuletsay.
G. Maadaam ay Somalilnad ka maq an tahay ka qeyb galka Hannaanka doora shada Xubanah Aaqalka Hoose ee mata leya Somalilnad waxaa lagu dooran doon aa goobta ay isku raacaan madaxda dhaq ameydii somaliland ugu jira 135ka.
H.Waxaa la isku raacay in qeybinta 275ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Go laha Shacabka lagu saleeyo Beelaha /De egaamada qeybta ka ahaa dhismihii dowl ad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowla dda Federaalka iyo kuwa dhismi doona.
GOOBAHA DOORASHADA IYO ARRIMO KALE :
Doorashada iyo Hannaannaankeed uba waxaa ay ka dhici doonaan magaalo madaxyada dowladaha xubanah ka ah Dowlad Federalka ama Xaruumaha Ku Meel Gaarka ah.
MADAXYADA MADASHA HOGGAANKA QARAN WAXAY KALOO
GO;AANSADEEN:
1-InGaroowe lagu Qabto Shirka Dast uurka Qaran 1020 2016. waxaa qabash ada shirka dastuurka qaran ka horeeyn doona kulan ay yeelan doonaan Madaxda Madasha ShirkaQaran oo laga hadli doo no, loogana heshiin doono arrimaha siya asadeed ee dastuuriga ah ee khilaafku ka jiro si loo dardar geliyo dib u eegista das tuurka.
2-DowladFederaalka waxaay la wada agtay Madaxda Dowlad Goboleedyada Si yasadda Amniga Qarnak, waxaayna soo dhaweysay in kulamo wada tashi ka dha caan gobollada dalka si loo hormariyo hirgelinta siyaasadaas.
3-Madashu waxaay mahadcelin u soo jeedisay caalmka iyo deeq bixiyayaasha taageeradooda joogtada ah ee ku aadd anhannaanka doorashada.
4-Madashu waxaay dareen xoog leh ka muujisay habdhaqanka iyo ficillada SEMG{Somalia Eratrea, Monitoring Gro up;gaar ahaan sida ay u beegsanayaan muwadiniinta soomaaliyeed, una hor ista agayaan geeddi socodka hannaanka dhi smah Dowladeed ee Soomaaliya.
5-Hannaanka Doorashada 2016ka iyo qaabka loo filinayaba waxaa la horgeyn doonaa Golaha Shacabka ee Federaalka si ay u ayidaan.
Muqdisho.12-ka Abriil 2016.
MADAXWEYNAHA "WAXAA NAGA GO’AN FULINTA QODOBADA
MUHIIMKA
AH EE KU XUSAN WARMURTIYEEDKA MADASHA”
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay si rasmi ah u soo xiray Madasha Ho ggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo magaalada Muqdisho ka socday intii u dhexeysay 10ka ilaa 12ka bishan April ee sannadka 2016.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xiritaanka madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horray u dhaqaaqday, kulankan intii uu socdayna ay madaxda muujiyeen dulqaad, tanaasul iyo rabi taan la xiriira in Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadkan.
"Waxaan anigoo ku hadlaya magaca dhammaan hoggaamiyeyaasha ku jira madashan aan soo dhoweynayaa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkeenii saddexda maalmood socday. ‘’Waxaa na ga go’an fulinta qodobada muhiimka ah ee ku xusan warmurtiyeedkan’’.
Madaxweynaha ayaa intaa ku darey in si tartib tartiib ah waddanka loogu diyaarinayo inay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo sida warmurtiyeedka ka muuqdana ay ku dhowaad 14,000 oo qof ka qeyb qaadanayaan xulista xubnaha baarlamaanka soo socda.
"Waxaan filayaa in doorashada soo socota ee 2020ka ay malaayiin qof codkooda dhiiban doo naan, markaas oo aan ku rajo weynahay inaan qaban doono doorashooyin dimoqraadiyadeed oo toos ah. Sannadkan ayay ahayd inaan shacabka u horseedno qabsoomidda doorashooyin toos ah, laakiin duruufo jira awgood ayaan dib ugu heshiinay inaan nidaamka beelaha ee 4.5 wax ku qeybs ano’’.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey beesha caalamka taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay, waxaana uu xusuusiyay in waqtiga uu aad muhiim u yahay, muddada la hays to oo yar awgeedna ay dardar geliyaan taageerada ay bixiyaan si ay u fududadaan hawlaha door ashada sannadkan 2016ka.
Madaxweynaha ka hor waxaa munaasabadda xiritaanka madasha ka hadley KuXigeenka Wa kiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Raisedon Zenenga, iyo Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira, wa xayna labaduba ku bogaadiyeen madaxda Soomaaliyeed tallaabadan muhiimka ah ee ay horray u qaadeen, iyagoo dhanka kalena ballanqaaday taageero buuxda ee hannaanka siyaasadda ee dalka.
FURITAANKA WAJIGA LABAAD EE SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SH/DHEXE
Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si rasmi ah u furay wajiga 2aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiraan.
Shirkan oo muddo labo bilood ah hakad ku jirey ayaa ugu dambeyntii waxaa shalay ku sug naa madasha shirk lagu furayay inta badan hogaamiyaasha dhaqanka bulshada ku nool labada gob ol.
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa furitaanka wajiga 2aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirada Dowlada Federalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo ka hadla yay furitaanka shirkan ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay dowlada Federalka dhismaha maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in dowlada ay muddo dheer u soo adkeysanaysay in shirkan uu hakad ku yimaado, haatana ay ku wareejisay in ay shirka hormuud ka noqdaan duuba bka dhaqanka.
"Dowlada waxaa ka go’an in maamulka labada gobol uu ahaado sidii hore uu madaxweynaha uga soo saaray dikreetada xarunta maamulka labada gobolna ay tahay BuuloBurte oo aan soo diy aarinay xaruntii maamulku ku shaqeyn lahaa.”ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Odowaa.
Odowaa ayaa xusay in Madaxweynaha maamulka labada gobol uu yeelanayo uu yahay mid doorasho ku imanayso,isagoo meesha ka saaray in dowladu ay wadato cid gaar ah oo ay Mada xweyne ka dhigeyso.
Munaasabada furitaanka wajiga 2aad ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Oday dhaqameedyo ay ka mid ahaayeen Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Cabdullaahi, Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuc eyb,Ugaas C/xakiim Ugaas Maxaad iyo Nabadoon Maxamuud Xasan Xalane oo ku hadlay magaca duubabka.
Sidoo kale waxaa munaasbadan ka hadlay guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Shiikh Xuseen Cismaan Cali kuwaasoo ku hadlayay magaca maamulada ka jira labada gobol.
Wasiirada shalay gaaray magaalada Jowhay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Qar anka,Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyradka Badda,Wasiirka Batroolka,Wasiiru Dowladaha Maaliya da,Wasiiru Dowlaha Arrimaha gudaha,Wasiiru dowlaha madaxtooyada,
Shirka maamul u sameynta labada gobol ayaa waxaa weli ka maqan qaar ka mid ah oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Hiiraan.
BRAZIL OO GASHAY XAALAD SIYAASADEED IYO MOOSHIN LAGA GUDBIYAY MADAXWEYNAHA
Brazil ayaa gashay xaalad siyaasadeed, kadib markii Madaxweynaha dalkaas Haweeneyda lagu magacaabo Dilma Rouseff ku soo baxday fadeexad, kadib markii ay ka been sheegtay dhaqa alaha dalkaas.
Guddi ka tirsan aqalka Congresska Brazil ayaa mooshin ka dhan ah Madaxweynaha ka gud biyay, iyadoo lagu wado in Baarlamaanka uu maalmaha soo socda u qaadi doono cod kalsooni kala labasho ah.
Qaar ka mid ah Guddiga Congresska ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Madaxweyne Rouseff, waxaana kulan uu yeeshay Baarlamaanka hareeyay buuq fara badan.
Madaxweynaha Brazil ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajaheysay mucaarado, kadib markii Madaxweynihii hore ee dalkaas Lula da Silva ay u magacawday xilka Madaxa shaqaalaha.
Kumanaan ruux ayaa ka dibad baxay tallaabadaas, waxaana ka soo horjeestay kooxaha muc aaradka oo u arkayay magacaabidaas mid looga horistaagayo dacwada musuq maasuq ee ku soo baxday madaxweynihii hore ee Brazil.
CIIDAMADA NABAD SUGIDA GALMUDUG OO GACANTA KU DHIGAY NIN LAGU SHEEGAY GACAN KU DHIIGLE ..
Ciidamada Nabad Sugida maamulka Galmudug ayaa shalay gacanta ku dhigay Nin la she egay in uu ahaa Gacan ku dhiigle fal dil iyo dhaawac isugu jira ka geystay duleedka degmada Cada ado.
Ninkaan ayaa la sheegay in uu 1 qof ku dilay mid kalana uu ka dhaacay deegaan qiyaastii 40 Km u jira degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Taliyaha Nabad Sugida Galmudug Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in ay ka soo qabteen Ninkani deegaanka Mire Xeyleey oo falka dilka iyo dhaawaca isugu jira uu ka geystay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ninkaas ay Ciidamadu soo qabteen la geeyay Saldhig ku yaalla degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
FANAANADA MARWO CABDI OO XALAY KU GEERIYOOTAY MUQDISHO
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootay fanaanada Marwo Ca bdi Axmed oo kamid aheyd fanaaniinta hobalada qaranka ee Waaberi sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay agaasimha kooxda Waaberi Maxamed Xasan Barow.
Agaasimaha Waaberi ayaa intaa ku daray in fanaanada ay caafimaad qabtay maalmalahan isla markaana mar qura xanuun uu ku soo booday ugu dambeyntiina xalay maqrabadii ay ku gee riyootay gurigeeda ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Xasan Barow, agaasimaha kooxda fanka ee Waaberi ayaa ka tacsiyeeyay geerida fanaanada isagoo tacsi u direy dhamaan ehelada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka jogaan.
Sidoo kalena geerida fanaanada waxaa ka tacsiyeeyay qaar kamid ah fanaaniinta Soomaal iyeed.
Fanaanada,Marwo Cabdi Axmed, ayaa kooxda fanka ee Waaberi kamid aheyd tan iyo 1980 meeyadii iyadoo qeyb ka aheyd jiliyaashii ruwaayadii caanka aheyd ee "Waa maadeys aduunyadu dadkuna waa ay matalayaan”.
MAREYKANKA OO XAQIIJIYAY IN DUQEYN UU KU DILAY 12 KA TIRSAN AL SHABAB..
Saraakiil ka tirsan wasaarada gaashandhigga Mareykanka oo aan magacyadooda la shaacin ayaa u xaqiijiyay VOA in Mareykanka uu duqeyn la eegtay xero Al Shabab ay ku leeyihiin deegaan ka Yontoy oo 20 KM dhinaca waqooyi kaga beegan Kismaayo.
Duqeynta ayaa dhacday Shalay oo Talaado ahayd iyo Isniintii daraad sida laga soo xigtay Saraakiisha wasaarada gaashandhigga Mareykanka.
Dadka deegaanka waxa ay sheegen in duqeynta ay dhacday balse aysan xaqiijin karin khasaaraha ay geysatay.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 12kii April sanadkii 1960kii iyagoo do or firfircoon oo lama iloobaan ah ka qaaatay difaacidda dhulka,berriga,badda,cirka , iyo badbaadinta danaha iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.
DUQEYN KA DHACDAY DULEEDKA KISMAAYO IYO GUDDOOMIYIHII BELEDXAAWO OO DIL KA BADBAADAY
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in duqeyn habeen hore ka dhacd ay deegaanka Yoontoy ay ku dhinteen illaa 8ruux oo shan ka mid ah ay yihiin AlShabaab.
Deegaanka weerarka ka dhacay ayaa qiyaastii 25Km u jira Kismaayo, waxaana la sheegay in diyaarado aan la aqoon dalalka laga leeyahay ay duqeeyeen deegaanka Yoontoy.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen jug xoogan oo aheyd duqeyn cirka aheyd.
Weerarada ay geysanayaan diyaaradaha aanay cidna wadin ee loo yaqaano Drone iyo diyaar adaha qumaatiga u kaca ayaa weeraro is daba joog ah ka geysanayay deegaanada ay ka taliyaan AlShabaab.
Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed Kaante ayaa ka bad baaday isku day dil, markii gaari uu la socday lala eegtay qarax.
Guddoomiyaha Beledxaawo ayaa sheegay inuu badqabo, isla markaana aanay wax dhibaato ah soo gaarin.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah labo askari oo ahaa ilaalada Guddoom iyaha Beledxaawo.
YUUSUF KAANTI OO SHALAY KA BADBAADAY DIL
Gudoomiyaha Degmada Beled Xaawo, Yuusuf Maxamed C/qaadir (Kaanti), ayaa wuxuu shalay ka badbaaday isku day lagu doonaayay in lagu qaarajiyo.
Iyadoo Gudoomiyaha uu la socday gaarigiisii gaarka ahaa, ayaa waxaa lala beegsaday qarax miino oo wadada hareeraheeda lagu aasay, iyadoona uu si dirqi leh kaga badbaaday qaraxu.
Qaraxa oo qabsaday gaariga, ayaa waxaa ku dhaawacantay laba nin oo ilaalo u ahayd Gudo omiyaha Degmada Beled Xaawo, waxaana kol dambe goobtaasi gaaray laamaha ammaanka.
Laamaha ammaanka oo aan ka hadlin hawlgal ay halkaasi ka sameeyeen, ayaa waxaa dhan ka kale jirin dad la sheegay inay u soo qab qabteen qaraxaasi.
Yuusuf Maxamed C/qaadir, ayaa waxaa qaraxaan lagula beegsaday xaafadda Buurta, halkaa soo uu ku booqday aabihii, xilli saddex cisho ka hor uun uu ka soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Yuusuf Kaanti oo ka hadlay qaraxaasi, ayaa Alle kaga mahadceliyay maadaama uu ka badba aday, walow laba ka mid ihi ilaaladiisa ay ku dhaawacantay, iyadoo mid ka mid ah uu lugaha ka burburay.
FAROOLE "WAXAAN KA DIGAYAA BAARLAMAANKA CUSUB EE SOMALIYA INAYSAN SOO XULIN RAG MUSHARAXIIN AH”
C/raxmaan Sheekh Maxamed "Faroole” Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland hadana ah Musharax u taagan qabashada hogaanka dalka Somaliya ayaa ka digay in qof musharax ah uu soo xulo Baarlamaanka cusub ee imaan doona.
Faroole wuxuu sheegay hadii la doonaayo in Somaliya ay yeelato Baarlamaan wanaagsan oo u shaqeeya Bulshada Somaliyed in Isimida Somalida loo daayo soo xulista Baarlamaanka cusub ee imaan doona.
”Waxaan ka digayaa hadii la rabo Baarlamaan wanaagsan oo Bulshada u adeega gaarsiiya dawladnimo rasmi ah in aan la aqbalin in musharaxiin aysan soo xulin balse loo daayo Isimada Soomaaliyeed” Ayuu Yiri Dr. Cabdiraxmaan Faroole.
Shacabka Somaliyeed ayuu ugu baaqay in ay go’aan wanaagsan qaataan oo door ay ku yeesheen Baarlamaanka Cusub kaas oo Ummadda u horseedi kara dawladnimo rasmi ah.
”Anigu Murashax waan ahay, waxaana ku kalsoonahay in wax laga badalo sidii ayaantii hore wax loo xulay, waxaana ku kalsoonahay in dadku soo xulaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya ay yeelanayso Agoosto 2016ka.
Hadalka ka soo yeeray C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku soo aadaya, iyadoo aanan weli si toos ah loo shaacin qaabka loo soo xuli doono Baarlamaanka cusub ee dalka uu yeelanayo.
Warmurtiyeedka la filaayo in laga soo saaro Shirka Madaxda u dhaxeeya ayaa la filayaa in la gu cadeeyo arimaha ku aadan qaabka loo soo xulaayo Baarlamaanka cusub ee Somaliya.
SAFAARADDA SOOMAALIYA EE TALYAANIGA OO U HAMBALYAYSAY CXD SOOMAALIYEED…
Safaaradda Somalia ee dalka Talyaaniga ayaa hambalyo ku aaddan xuska Sanadguurada Aasaaska Ciidamada Xoogga Somalia, u dirtay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Danjiraha Somalia ee Taliyaaniga, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa warbixin uu shalay ka soo saaray xarunta safaaradda Somalia ee Roma, wuxuu ugu horreyn ugu hambalyeeyay ciidamada iyo saraakiisha xoogga dalka Somalia, dabaaldegga maalinta la aasaasay ciidanka xoogga dalka.
"Aaad ayaan ugu faraxsanahay inaan shalay inaggoo joognna Safaaradda Somalia ee dalka Talyaaniga la Qaybsanno faraxadda iyo dabaaldegga saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidanka xoogga dalka Somalia. waxaan leeyahay hambalyo, sidoo kale anigoo ku hadlaya magiceyga iyo midka Halwadeennada Safaaradda waxaan Ammaan u jeedinayaa dadaalka iyo Horummarrada ay ciidanka xoogga Soomaaliya qaybahooda kala duwani ka sameeyeen hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah sida Alshabaab," ayuu yiri Danjire Muuse Xasan Cabdulle.
Sidoo kale, Safiirka ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Dowladda Federaalka, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka in ay ilgaar ah ku hayaan Qoysaska Askartii naftooda u huray Xorreynta Waddanka iyo Ladagaallanka kooxaha nabadda kasoo horjeeda.
Ugu dambeyn, Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa waxaa la aasaasay 12kii Abriil, 1960kii, iya goo door firfircoon oo lama illaawaan ah ka qaaatay difaacidda dhulka, badda, cirka iyo badbaadinta danaha iyo midnimada Qaranka.
RIEK MACHAR OO DALKIISA KU LAABTAY
Khilaafka u dhexeeya Riek Machar iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa dhaliyay dagaalka sokeeye ee South Sudan.
Hogaamiyaha mucaaradka ee South Sudan, Riek Machar, ayaa dalkiisa kusoo laabtay si uu ula wareego jagada cusub ee ah madaxweyne ku xigeenka.
Tani ayaa ah tallaabo wanaagsan oo lagu dhaqangelin karo heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Khilaafka u dhexeeya Mr Machar iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa sababay in bishii Dec ember ee 2013 uu dalkaasi ka bilowdo dagaal sokeeye, kaasoo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayna ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.
Afhayeen u hadlay Riek Machar ayaa BBCda u xaqiijiyay in hogaamiyaha mucaaradka uu kusoo labtay dalkiisa.
Mr Machar ayaa hadda ku sugan xarunta mucaaradka ay ku leeyihiin bariga South Sudan, ga ar ahaan soohdinta uu dalkaasi la wadaago Itoobiya.
Waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah uu gaaro caasimadda Juba oo ay ugu dambeysay laba sano ka hor.
Beesha Caalamka ayaa xoogga saartay sidii ay labada dhinac u meelmarin lahaayeen he shiiskii ay gaareen bishii August ee lasoo dhaafay.
Todobaadkii lasoo dhaafay, in ka badan 1300 oo ah xooggaga mucaaradka ayaa la geeyay Juba, taaso oo qeyb ka ah qodobada heshiiska.
Askartaasi ayaa la filayaa in ay sugaan ammaanka Mr Machar, ka dib markii uu sidaa codsaday.
Waxaa dhowr jeer ooh ore burburay heshiis ay labada dhinac gaareen.
BOGGA CAYAARAHA
REAL IYO CITY OO GAARAY NUS DHAMMAADKA UCL
Manchester City ayaa markii ugu horreysay u gubtay nus dhammaadka horyaalka Yurub.
Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda gaartay nus dhammaadka tartanka horyaalka Yurub, ka dib markii ay xalay 10 kaga adkaatay Paris StGermain.
Goolka qura ayaa waxaa u dhaliyay laaciibkeeda dhawaan dhaawaca kasoo kacay ee Kevin de Bruyne.
Lugtii hore ee kulanka ayaa todobaadkii hore waxa ay kooxaha isla dhaafi waayeen barbaro 22 ah, waxaana ciyaartii xalay gool kulaad khasaariyay weeraryahanka Manchester City, Sergio Aguero.
Jawiga garoonka Manchester City ee Etihad ayaa ahaa mid aad u kacsan, waxaana qiiro badan ay ka muuqatay taageerayaasha xattaa ka dib markii uu kulanka dhammaaday.
Goolka Kevin de Bruyne ayaa ahaa mid si weyn ay ula dhaceen taageerayaasha City.
Dhanka kale, Cristiano Ronaldo, ayaa xalay ka fujiyay kooxdiisa Real Madrid, ka dib markii si halyaynimo ah uu ugu dhaliyay 3 gool oo ay kaga adkaatay kooxda Wolfsburg ee Jarmalka ka dhisan.
Kulanka ayaa lugtii hore ku dhammaaday 20 oo ay guusha ku raacday Wolfsburg, balse waxaa hadda 32 kusoo baxday Real Madrid.
Manchester City iyo Real ayaa sugaya labada koox ee caawa kasoo harta Atletico Madrid, Barcelona, Benfica iyo Bayern Munich.
Isku aadka kooxaha ee nus dhammaadka horyaalka Yurub ayaa la sameyn doonaa Jimcaha saacada bariga Afrika marka ay tahay 1:30 Duhurnimo.
NATIONLINK TELCOME
OGEYSIIS
QIIMO DHIMIS BALAARAN
BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO
Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay maca amiisheeda sharafta leh u sa meysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shuba shada ah ( prepaid ka)
A. Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal 140 daqiiqo Habeen iyo Maalin
B. Wicitaanada Dibada : ku shubo $1 oo ku hadal
10 daqiiqo wadamada
- USA.
- CANADA
- CHINA.
- INDIA.
- AUSTRALIA.
- BANGLADESH.
- MALAYSIA.
- PAKISTAN.
- SOUTH AFRICA
- SWEDEN
NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA
FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333


0 


WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 13-KA ABRIILE 2016-KA
AKHRISO: WARMURTIYEEDKII KASOO BAXAY SHIRKII WADATASHIGA DOORASHOOYINKA EE MUQDISHO Waxaa shalay la soo gabagabeeyay shirkii madasha wadatashiga doorash ooyinka dalka ee Muqdisho ka socday sa ddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, kaa soo u dhexeeyay