Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaha Dowlad Goboledyada ka socday ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Puntland ku dhexmaray Magaalada Garowe, heshiikaasi oo Puntland lagu qanciyay in Doorashada sanadkan lagu saleeyo 4.5 inay ogolaadaan.
Madasha Hogaanka Qaran ayaa la isla gartay inaan mudada loo kordhin doonin mudada Xil haynta Golaha shacabka iyo Madaxda Dowladda Federalka Somaliya.
MADASHA HOGGAANKA QARAN WAR MURTIYEED:-
1.Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan Magaalada Muqdisho 9-ka ilaa 11 ka bisha Abriile 2016-.
2.Madaweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md.Xasan Sh. Maxamuud,Ra'iisalwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sahar-maarke,Ra'iisalwasaare ku xigeenka Dowaladda Federaalka Md.Maxamed CuamrCarte, Madaxweynaha Puntlnad Md.C/Wali Maxamed Cali,Madaxweynaha Jubbaland Md.Axmed Maxamed Islaan,Madaxweynaha K/Galbeed Md. Shariif Xasan Sh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Md. C/kariin Xuseen Guuleed.
3.Madasha Hoogaanka Qarnka waxaay mar kale ku celisay Ballanqaadka ah in aan loo kordhin doonin muddada xil heynta Golaha Shacabka iyop Dowladda Federalka,
Madasha waxaay sisoo kale ugu yeertay qeybaha kala geddisan ee ay khuseyso in ay hubiyaan u diyaargaroowga iyo hirgelinta doorashada 2016 mudada loo cayimay.
4. waxa kale oo ay ka codsadeen bulshada caalmka in ay ka caawiyaan fulinta howshaas, sidaa daraadeed, madasha hoggaanka qaran waxaay isku raaceen hannaanka iyo qaab dhismeedka so socda:-
HABKA IYO QAAB-DHISMEEDKA DOORASHADA:
A.Hannaanka Doorashada 2016 wuxuu noqon doonaa mid dalka uga hirgala si isku mid ah, waxaa la dhisi doonaa laba guddi doorasho oo kala ah: guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee heer Qaran iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Gooboleed, Guddidu waxaa ka kala imaan doonaan: Dowladda Federaalka ah, Dowladaha Xubnaha ka ah kuwa sameysmi doono
B.Guddiga Doorasho ee Heer Qaran wuxuu ka koobnaan doonaa 17Xubnood, kuwaas oo ay 5Xubnood ka soo Magacaabeyso Dowladda Federaalka halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay mid kasta soo magacaabi doonto 2 Xubnood.
C.Guddiga Doorasho ee Heer Dowlaad Goboleed midkiiba wuxuu ka koobnaan doonaa 11 Xubnood, 8 ka mid ah waxaa soo magacaabayo Dowladaha xunaha ka ah Dowladda Federaalka, 3 Xubnoodna waxaa soo Magacaabaya Dowladda Federaalka.
D.Guddiga Doorasho heer Qaran iyo Guddiga Doorasho Heer Dowlad goboleed waxaa loo soo dhisi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan,waxaayna guda geli doonaan dhammaan howlaha diyaargarowga iyo fulinta doorashooyinka, madaxda hoggaanka madasha qaran ayaa labada guddi u sameeyn doona hab raac shaqo
E.Madaxda Hoggaanka Qaran waxaa dhsi doonaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka 2016.
GEEDDI SOCODKA :-
AQALKA SARE:
f.Dhismaha Aaqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran wuxuu ka horreyn doonaa Doorashooyinka Aqalka Hoose
G.30%kuraasta Aaqalka Sare ee Dowlad Goboleedyada iyo kuwa dhismiya waxaa si gaar ah loogu qoondeeyay Haweenka Tartamaya
H.Golaha fulintaee Dolwad goboleedyada waxaa kueaasta u soo magacaabayaan ugu yaraan labo musharrax oo tartamaya, Baarlamaannada Dowlad goboleedyada ayaana u codeyn doona kursi kasta gaarkiisa .
I. Dowlad Goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxaay sameysanayaan qaab ay kuraasta ugu qeybiyaan beelaha,dadkyowga ama deegannada, qaabkaas oo ah mid isku dheellitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinaayo in dadka laga tirada badan yahay ay helaan metelaad ku filan.
j.Codeynta Xubanah Aqalka Sare Golaha Shacabka ee Qaran waxaa si siman isku maalin ah uga dhaceyaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda federaalka
K.Madaxweynayaasha Dowladaha Xubanaha ka ah ayaa si Rasmi ah u soo Saxixi doona Liiska Xubanah Aqalka Sare ee Golaha Shacabka Qaran ee ka imaan doona Dowlad Goboleedyadooda ka dib marka guddigyada doorasho ay u soo gudbiyaan soona xaqiijiyaann natiijada kama danbeysta ah ee Musharraxiinta guuleysatay.
AQALKA HOOSE:
A.Liiska Odya Dhaqmeedyada 135ka ah ayaa saldhig u noqonaya hannanka doorashada Aaqalka Hoos, Liiska Oday dhaqameeydada dib baa loo eegayaa, madaxwda Dahqameedyada dhinttay waa la beddeli doonaa kuwa muranka ku jiro waa la sixi doonaa.
B.Liiska kama dabeysta ah ee Oday dhaqameedyada {135} ee la isku raacay ayaa soo xuli doona ergada doorasho iyagoo la tashanaya nabadoonnada ay khusyso ee Besha Xubinta ku leh.
C. Musharrax kasta oo u taagan Aaqalka Hoose waxaa dooranaya Ergo Doorasho oo ka kooban 50 cod bixiye, wadarta ergad ee doorashada waxaay noqneysaa 275X50= 13,750.
D.Xubnaha Ergada Doorasho waxaa laga soo xulayaa Jilibyada Beesha Kursiu ka dhexeeyo, waxayna meteli doonaan qeybaha kala duwan ee mujtamaca oo ay ku jiraan dhallinyarada iyo Bulshada Reydka ah ergo kasta ee doorasho waa in ay ugu yaraan30% noqdaan Haween.
E.Codbiixntu waxaay ka dhici doontaa Magaalo Madaxyada ama goobaha Fadhiga u ah Dowlad Goboleedyada hadda jira ama dhismayo iyo Muqdisho, iyadoo loo fiirinaayo habka sida Joqoraafi ahaan loo kala leeyahay kuraasta
F.Madaxweyneyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah u soo saxiixi dooa Liiska Xubanah Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Qaran ee ka iman doona Dowlad Goboleedyadooda ka dib markii guddiyada doorasho ay soo gudbiyaan soona xaiiqjiyaan natiijada kama danbeysta ah ee musharraiinta guuletsay.
G. Maadaam ay Somalilnad ka maqan tahay ka qeyb galka Hannaanka doorashada Xubanah Aaqalka Hoose ee mataleya Somalilnad waxaa lagu dooran doonaa goobta ay isku raacaan madaxda dhaqameydii somaliland ugu jira 135-ka.
H.Waxaa la isku raacay in qeybinta 275ka xubnood ee Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka lagu saleeyo Beelaha /Deeaamada qeybta ka ahaa dhismihii dowladGoboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo kuwa dhismi doona.
GOOBAHA DOORASHADA IYO ARRIMO KALE :
Doorashada iyo Hannaannaankeeduba waxaa ay ka dhici doonaan magaalo madaxyada dowladaha xubanah ka ah Dowlad Federalka ama Xaruumaha Ku Meel Gaarka ah.
MADAXYADA MADASHA HOGGAANKA QARAN WAXAY KALOO GO;AANSADEEN:
1-InGaroowe lagu Qabto Shirka Dastuurka Qaran 10-20 2016. waxaa qabashada shirka dastuurka qaran ka horeeyn doona kulan ay yeelan doonaan Madaxda Madasha ShirkaQaran oo laga hadli doono, loogana heshiin doono arrimaha siyaasadeed ee dastuuriga ah ee khilaafku ka jiro si loo dardar geliyo dib u eegista dastuurka.
2-DowladFederaalka waxaay la wadaagtay Madaxda Dowlad Goboleedyada Siyasadda Amniga Qarnak, waxaayna soo dhaweysay in kulamo wada tashi ka dhacaan gobollada dalka si loo hormariyo hirgelinta siyaasadaas.
3-Madashu waxaay mahadcelin u soo jeedisay caalmka iyo deeq bixiyayaasha taageeradooda joogtada ah ee ku aaddanhannaanka doorashada.
4Madashu waxaay dareen xoog leh ka muujisay hab-dhaqanka iyo ficillada SEMG{Somalia Eratrea, Monitoring Group; gaar ahaan sida ay u beegsanayaan muwadiniinta soomaaliyeed, una hor istaagayaan geeddi- socodka hannaanka dhismah Dowladeed ee Soomaaliya.
5-Hannaanka Doorashada 2016-ka iyo qaabka loo filinayaba waxaa la horgeyn doonaa Golaha Shacabka ee Federaalka si ay u ayidaan
Muqdisho.12-ka Abriil 2016.
WARMURTIYEEDKA OO DIB AAN U SOO QORNAY WAA QEYBTA SARE ISAGOO WARAAQIHIISU SAWIR YIHIIN WAA KAN HOOSE




0 




Shirkii looga hadlaayay arimaha Doorashooyinka oo Muqdisho lagu soo gunaanuday iyo Warmurtiyeed laga soo saaray
Waxaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayay arimaha Doorashooyinka, iyadoo Shirkani laga soo saaray Warmurtiyeed.