Faroole "Waxaan ka digayaa Baarlamaanka cusub ee Somaliya inaysan soo xulin rag Musharaxiin ah"

0
Tuesday April 12, 2016 - 10:09:57 in Wararka by
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faroole "Waxaan ka digayaa Baarlamaanka cusub ee Somaliya inaysan soo xulin rag Musharaxiin ah"

    C/raxmaan Sheekh Maxamed "Faroole" Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland hadana ah Musharax u taagan qabashada hogaanka dalka Somaliya ayaa ka digay in qof musharax ah uu soo xulo Baarlamaanka cusub ee imaan doona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/raxmaan Sheekh Maxamed "Faroole" Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland hadana ah Musharax u taagan qabashada hogaanka dalka Somaliya ayaa ka digay in qof musharax ah uu soo xulo Baarlamaanka cusub ee imaan doona.

Faroole wuxuu sheegay hadii la doonaayo in Somaliya ay yeelato Baarlamaan wanaagsan oo u shaqeeya Bulshada Somaliyed in Isimida Somalida loo daayo soo xulista Baarlamaanka cusub ee imaan doona.

”Waxaan ka digayaa hadii la rabo Baarlamaan wanaagsan oo Bulshada u adeega gaarsiiya dawladnimo rasmi ah in aan la aqbalin in musharaxiin aysan soo xulin balse loo daayo Isimada Soomaaliyeed” Ayuu Yiri Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

Shacabka Somaliyeed ayuu ugu baaqay in ay go’aan wanaagsan qaataan oo door ay ku yeesheen Baarlamaanka Cusub kaas oo Ummadda u horseedi kara dawladnimo rasmi ah.

”Anigu Murashax waan ahay, waxaana ku kalsoonahay in wax laga badalo sidii ayaantii hore wax loo xulay, waxaana ku kalsoonahay in dadku soo xulaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya ay yeelanayso Agoosto 2016-ka.

Hadalka ka soo yeeray C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku soo aadaya, iyadoo aanan weli si toos ah loo shaacin qaabka loo soo xuli doono Baarlamaanka cusub ee dalka uu yeelanayo.

Warmurtiyeedka la filaayo in laga soo saaro Shirka Madaxda u dhaxeeya ayaa la filayaa in lagu cadeeyo arimaha ku aadan qaabka loo soo xulaayo Baarlamaanka cusub ee Somaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip