Shacabka ayaa ah kuwo lugeynaya, waxaana dadka qaar ay kuu sheegayaan in ay ku soo talagaleen saaka in goobahooda ganacsiga iyo waxbarashada ay lug ku tagaan.
"Annaga maanta waan kusoo talagalnay in la lugeynayo sababtoo ah 12ka April in ciidanka xoogga dalka dabaaldegayaan waan ognahay waddooyinkana la xirayo, sanadkii hore ayaa sidaan oo kale loo xiray waddooyinka marka xalay ayaanba ku seexannay in gaadiid la helaynin” sidaasi waxaa inoo sheegay mid ka mid ah dadka ku lugeynayey magaalada Muqdisho.
Ciidamada Milatariga ayaa inta badan ku sugan waddooyinkan xiran waxayna dadka u ogolaanayaan oo kaliya inay maraan waddooyinka yar yar ee ku dhow laamiyada.
Sababta wadooyinka Magaalada Muqdisho ay u xiran yihiin ayaa maanta oo ku beegan 12-ka April oo ah maalintii la aas-aasay ciidamada Xooga dalka Somaliyed oo ay ka soo wareegatay 56-sano.
Wadooyinka Muqdisho oo saaka qaarkood xiran, ciidamo badana lagu arkaayo
Waxaa saaka xiran wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.