C/raxmaan Abshir Faarax(Qaan-qaan) Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa sheegay 15-ka ruux inay hada xiran yihiin oo ciidamada Booliska ay gacanta ku hayaan.
"Waa jiraan rag aan soo qabanay oo direskooda wata iyo Booshashkoodi wata oo hal meel wada degan ayaan soo qabanay Ciidamada ammaanka iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaan aheyn 15 nin ayeey ahaayeen waan soo qabanay kuwa kale oo dhalinyaro ah waa ay jiraan iyagana waan ku raadjoognaa.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Nugaal.
Ciidamada Booliska ayaa la wareegay guriga lagu soo qabtay raggaasi ka tirsan Ururka Al Shabaab, maadaama horay Booliska ay awaamiir uga soo saareen in ciidamada ay la wareegi doonaan gurigii lagu qabtaa rag Shabaab ka tirsan.
Magaalooyinka Maamulka Puntland ayaa ammaankeeda si weyn loo adkeeyay, wixii ka dambeeyay markii Xoogaga Shabaab ay galeen deegaano ka tirsan Puntland oo dagaal ay ka bilaabeen.
Puntland ayaa sheegtay inay ka feejigan tahay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo Shabaabka ay ka geystaan Deeganada Maamulkaasi.



0 


Guri ku yaal Magaalada Garowe oo lagu qabtay rag Shabaab oo hubaysan
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen 15 nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo sida Booliska ay sheegeen hubaysnaa.