WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 12-KA ABRIILE 2016-KA

0
Tuesday April 12, 2016 - 09:12:19 in Wararka by
  • Visits: 1213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 12-KA ABRIILE 2016-KA

    MADAXWEYNAHA: ''XILDHIBAANADA WAXAAN KA CODSANAYAA IN KALFADHI GAN 8-AAD AY LA YIMAADAAN DADAAL DHEERI AH, WAQTI BADAN OO LA SHAQEEYO IYO DULQAAD'' Madaxweynaha JFS,Md.Xasan Sh. Maxamuud, ayaa Shalay si rasmi ah M/ Muqdisho uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA: ''XILDHIBAANADA WAXAAN KA CODSANAYAA IN KALFADHI GAN 8-AAD AY LA YIMAADAAN DADAAL DHEERI AH, WAQTI BADAN OO LA SHAQEEYO IYO DULQAAD'' Madaxweynaha JFS,Md.Xasan Sh. Maxamuud, ayaa Shalay si rasmi ah M/ Muqdisho uga furay Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka FS.Madaxweynaha ayaa u gu horeyn ugu hambalyeeyay guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, haw shii wanaagsanayd ee ay qabteen mudda da afarta sanno ku dhow ee baarlamaank an uu shaqeynayey.

 

"Waxaa sannadkan ina horyaalla hawlo culus oo doorashadu ay ka mid tahay. Wa xaan horay iskula garaney inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah. Waxaase jira nidaam kale oo aan ku heshiinay oo ah doorasho dadban. Baarl amaanka ayaan horkeenaynaa nidaamka as si sharciyad loogu sameeyo. Mabda’a aan ku shaqeyneyno waxaa uu ku saleys an yahay in aan qabsano waxa aan shal ay awoodno, isla markaana aan sharciy ad u sameyno waxa aan qabaneyno ina goo wadajirna oo is oggol’’, ayuu yiri md, xasan

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay inuu rajo badan ka qabo in Soomaaliya ay horay ugu sii dhaqaaqi doonto haddii la jogteeyo hannaanka wax isla oggolaansh aha ee haatan goleyaasha qaranka ay ku shaqeynayaan. "Sidaad wada og tihiin wa xaan ku guda jirnaan hannaanka dhisma ha dowladnimada Soomaaliya, burburki nagu dhacay kadib. Waxaan Baarlamaan ka ka codsanayaa inay waqti badan, juhdi badan iyo dulqaadba geliyaan hawlaha horyaalla kalfadhigan 8-aad ee xasaasiga ah. Waxaa mar dhow la idin soo gudbin doonaa natiijada ka soo baxda kulamada haatan Muqdisho inooga socda ee ku sa absan doorashooyinka. Waajibaadkiina in aad ka gudataan ayaan idin ka fadhinaa , idinkoo weliba eegaya duruufaha adag iyo marxaladda aan mareyno. Wixii aad u aragtaan inay sax tahay inaad nagu wa afaqi doontaan ayaan filayaa, wixii aad u aragtaan inaan dib u wada saxnana diya ar baan idin nahay’’.

Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud ay aa tilmaamay in Baarlamaankan 9-aad ee Soomaaliya uu yahay kii ugu wanaagsan aa marka loo eego baarlamaanadii wadd anka soo marey intii lagu guda jiray hann aanka dib u dhiska qaranimada Soomaal iya ee soo bilowday sannadkii 2000.

Madaxweynaha ka hor waxaa isna hal kaasi khudbad ku saabsan waxqabadkii baarlamaanka iyo hawlaha horyaalla ka jeediyay GBF,Md.Maxamed Cusmaan Ja waari.ayaa si qota dheer uga hadley qor shaha doorashada 2016-ka, dib u eegista dastuurka, dhismaha hay’adaha dowliga iyo xoojinta adeegga garsoorka.

Waxaa uu Guddoomiye Baarlamaanka ugu dambeyn sheegay in baarlamaanka uu xil iska saari doono hawlaha adag ee horyaalla ee muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.-- DHAMMAAD-

SACUUDIGA IYO MASAR OO HESHIIS KA GAARAY DHISIDA BUUNDO ISKU XIRI DOONTA AFRIKA IYO ASIA

Boqor Salmaan-ka Sacuudiga (bidix) iyo el-Sisi, madaxweynaha Masar Boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz-ka Sucuudiga ayaa sheegay inay heshiis wada gaareen wadanka Masar iyo Sacuudiga kaasoo ku saabsan dhisida buundo kormarta Badda Cas oo si toos ah isugu xireysa labad dal.

Boqortooyada ayaa arrintaan uga dhawa aqday telefishinka ka dib kulankii madaxw eynaha Masar, Cabdal Fataax el-Sisi iyo boqor Salmaan ka hor heshiiskii labada wakiil ay kukala saxiixdeen maalgashi gaa. Salmaan ayaa sheegay in heshiis wax ku ool ah uu la gaaray madax weynaha Masar.

Arrintaan ayaa sidoo kale noqotay till aabo taariikhi ah oo si toos ah laisugu xir ayo labada qaaradood ee kala dhaca Afr ika iyo Asia oo lagu wado inay sare u qaa do xirriirka ganacsiga ee dalalkaasi heshi iska gaaray iyo guud ahaanba labada qaaradood. Weli si toos looma shaacin go obta rasmiga ah ee laga taagayo buund adaasi hase yeeshee agagaarka ugu ha boon ayaa lagu sheegay koonfurta Sharm el-Sheikh ee wadanka Masar iyo Ras Alsheikh Hamid oo ku taala Sucuudiga.

Qorshaha dhisida isku xirka buundada ee kormareysa Badda Cas ayaa goobta laga galayo lagu sheegay gacanka Aqaba oo sanado dhowr ah iska ahayd dhuumo dul eela.

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay aa taageertay Mr Sisi, kadib markii uu xuk unka ka tuuray sanadkii 2013 madaxwe ynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doort ay ee Maxamed Morsi oo ka tirsanaa Uru rka Ikhwaanul Muslimiinka, kaasoo shaki badan ay ka qabtay Xukuumadda Riyadh.

XISBIGA KULMIYE OO ISKA FOGEEYAY EE DO UGA YIMID XISBIGA UCID EE MUCAAR ADKA AH

Xisbul-xaakimka Somaliland ee Kulmiye , ayaa wax lala yaabo ku tilmaamo eeddo loo soo jeediyey gudoomiyaha xisbigaasi oo la sheegay inuu ka dambeeyo khilaaf ka ka jira xisbiga UCID. Afhayeenka xisb iga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xa runta dhexe ee xisbigu ku leeyahay M/Ha rgeysa, wuxuu sheegay inaanu xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu marnaba wax shaqo ah ku lahayn xisbiga UCID oo ah xi sbi qaran oo qadarin iyo ixtiraam ka mu dan, waxaannu u soo jeediyey masuuliyi inta xisbigaasi inay xallistaan khilaafkoo da oo aanay cid kale kula galgalan.

"Xisbiga UCID waa xisbi Qaran oo leh xeerarkiisa iyo qaab-dhismeedkiisa, waa xisbi qaran oo da' weyn, ixtiraamna naga mudan haddaanu nahay xisbiga KULM IYE. Muuse Biixi waa Guddoomiyaha Xis biga KULMIYE, meel uu xisbiga UCID ka soo galanna ma ogin, hawlna tiisaa ka ba dan,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaafaadhi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, "Xisbiga UCID waxay isku hay staan ha dhamaystaan dhexdooda, tartan aan xasarad lahayna ha u soo diyaargar oobo, aflagaadadu uma wanaagsana qof doonaya inuu ummad hoggaamiyo, xilligii hanjabaadanna waa laga soo gudbay, ci ddii wax kala tirsanaysa waxay ku qurux badan tahay inay ku kala baxaan hann aanka sharciga.”

Dhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay buug la sheegay inuu yahay waxqabadka xukuumadda oo mud dooyinkii u dambeeyey lagu faafinayey ba raha bulshadu ku wada xidhiidho, waxaan nu yidhi, "Beryahan waxa baraha bulsha da qaarkood lagu arkayey buug tilmaam ayey waxqabadka xukuumadda oo galki isa sare uu ku yaalo sawirka G/Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, buugga wa xqabadka waxa soo saaristiisa iska leh xukuumadda, shaqo xisbigu ku leeyaha yna ma jirto, waxaana hoggaamiye ka ah Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ad eegayaashiisa u qaabilsan fulinta hawla ha guud.”

"Intaanu ka ognahay waa buug daab acaadiisa ay samaystay cid dano gaar ahi ka lehi,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi). Masuuliyiinta xisbiga ucid qaar ka mid ah ayaa G/xisb iga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku eedeey ey inuu ka dambeeyo khilaafka xisbiga UCID, isla markaana uu doonayo mushar ax oo dhabarka soo taabto ka soo dhex baxo xisbigaasi.

KORNEYL AXMED TAREEDISHO "DAGAALKA WAXAAN KU DILNAY 12 SARKAAL OO SHABAAB AH”

Saraakiisha ciidamada DFS ee aaga Ce elbuur ku sugan, ayaa guulo ka sheegtay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowlad da, Amisom iyo Shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan G/Galgaduud. Korne yl Axmed Maxamed Tareedisho oo ah Tal iyaha ciidamada Dowladda ee aaga Ceel buur ayaa sheegay dagaal culus oo dorr aad ka dhacay deegaanada Ula jarad iyo Diri inay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay Sarkaalkaan dagaalk aan oo dhacay dorraad in ciidamada ay dileen 12 Sarkaal oo ka tirsan Shabaab, khasaaraha dhaawacana uu intaasi ka badan yahay oo Shabaabka soo gaaray.

Dhinaca ciidamada Dowladda ayuu sheegay dagaalkaasi inuu ka soo gaaray Khasaare dhaawaca 4 Askari waa sida uu yiri, mana jirto dhimasho ciidamada soo gaartay."Dagaaladii ugu dambeeyay wa xa ay ka dhaceen meesha la yiraahdo Ula Jarad iyo Diri 12 nin oo hogaamiyeyaal ah ayaa meesha lagu dilay, anaga Afar Askari ayaa naga dhaawacantay ciidam ada waa ay sii socdaan hada waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Budbud.” Ayuu yi ri Korneyl Axmed Tareedisho. Sarkaalka an ayaa sheegay howlgalka ka socda G/ G/gaduud inuu yahay mid lagu doonaayo in Shabaab looga saaro dha maan Gobol kaasi,iyadoo laga taxadaraa yo Khasaara ha soo gaaraya C/XD Majirto ilo ka mada xbanaan CXD oo xaqiijinaya sheegasha da Saraakiisha ay shegten inay dileen 12

XOGHAYAHA JOOGTADA AH EE WASAARADA A. GUDAHA OO SHEEGAY IN DHOWAAN UU FURMAYO SHIRKA JOWHAR

Xoghayaha joogtada ah W/Ar/Gudaha iyo Ar/Federalka Proff Yaxye Sh. Ibraahi m ayaa sheegay inuu gaaray heer gabag abo ah qabanqaabada shirka Maamul u sameynta 2da gobol Sh/dhexe iyo Hiira an. Proff Yaxye oo ka hadlayay kulan ka dhacay hoolka shirarka ee M/Jowhar ay aa sheegay in dowlada ay ka go’an tahay inay dhistaan maamul 2da gobol Sh/ dhe xe iyo Hiiraan.

"Waxaa suurtogeli weysay in la doorto Madaxweyne kana qeybgalo shirka ka dhacay Turkiga balse waa ay suurtogeli weysay, waxaa kale oo nasiib darro noq otay in shirka doorashada 2016ka oo shal ay ka furmay Muqdisho uu maran yahay kursiga labada gobol” ayuu yiri Proff Yax ye isagoo ka hadlayay dib u dhaca mar walba ku imanaya shirka maamul u sam eynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xoghayaha joogtada ah oo ka hadlay ay shirka ayaa sheegay in dowlada ay do oneyso in la dhiso ; "Maamul loo dhan ya hay oo la wadaleeyahay,dadkuna ay iska dhex arkaan dowladuna aysan maquun in.”. Proff Yaxye oo soo gaaray Jowhar ay aa sheegay in uu u yimid si hordhac isaga iyo saraakiil ka socota wasaarada arrima ha gudaha in ay u gogol xaaraan sidii dib uu u bilaaban lahaa gogoshii hakatay ee maamul u sameynta labada gobol ee Sh/ dhexe iyo Hiiraan.

Xoghaye Yeyxye ayaa ka digey in had dii aan dib loo bilaabin shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan lana dhisin inta ka dhiman xilliga kala guurka in labada gobol si toos ah ay dowladu u maamuli doonto ayna ku weyn karaan wax badan maadaama aysan la mid ahayn maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka. Kulanka habeen hore ka dhacay M/Jowhar ayaa waxaa ka qeybga lay mas’uuliyiinta M/mulka G/Sh/dhexe iy o kan Hiiraan iyo qaar kamid ah duubab ka dhaqanka ee ku sugan M/Jowhar.

Shirka maamul u sameynta 2da gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ka hor timid markale dalab ay qaar ka mid ah ug aasyada G/Hiiraan hordhigeen oo ah in shirka lagu qabto M/B/weyne iyo in la qa bto shir dib u heshiisiin ah. Wararka ugu dambeeyay ee shirka ayaa sheegaya in dowlad ay haatan ka go’an tahay in dib loo bilaabo dhowaana maalmaha soo soc dana uu magaalada Jowhar soo gaarayo Madaxweyne Xasan Sheekh si uu u furo wajiga labaad ee shirka.

MADXAFKII UGU HORREEYAY OO SOOMAALI AH OO MAREYKAN LAGA FUREY

Madxafkii ugu horeeyey oo lagu keydi yo in ka badan 700 oo shey oo ay Sooma alida leedahay ayaa waxa uu ku yaalaa M/Minnepolis ee G/Minnesota halkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan dalka Maraykanka. Waxaana madxafkaa si booqday warbaahinta qaranka Soomaa liyeed oo sawiro iyo muuqaalo ka soo qaa day dhismaha madxafka Soomaalida oo ka kooban laba dabaq waxaana halkaasi ku keysan agabka ay Soomaalida isticm aasho iyo kuwo horey loo isticmaali jiray oo taariikhi ah.

Aas-aasaha Madxafkani oo lagu magic aabo, Cusmaan Cali,oo la hadlay warbaa hinta qaranka ayaa sheegay in hada ays an ahayn sida uu u malaynayey markii uu isku daygani samaynayey isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay in maanta ma dxafka Soomaalida loo soo dalxiis tago oo ay yimaadaan dad ajaanib ah oo wada mo badan ka yimaada iyagoo baranaya dhaqanka iyo hidaha dadka Soomaaliye ed.

Wariye Liibaan Xuseen oo dalka Mare ykanka ugu soo waramay warbaahinta qa ranka ayaa soo sheegay in markii aad ga sho gudaha madxafkani ayaa waxaa ku arkaysaa hidaha iyo dhaqanka Sooma aliya waxaana soo xasuusanaysaa waayo waayo waxayna arintani macno weyn u samaynaysaa dadka kalhore wadanka ka soo tagay oo markii ay arkaan si weyn u gu farxaan, waxana sidoo kale ka faa’idey sta carruurta Soomaaliyeed ee wadama da qurbaha ku dhashay kuna koray oo hal kani loo dalxiis geeyo.

Madxafkani ayaa waxaa ka shaqeeya shaqaale kala duwan oo u kala dhashay wadamo badan wuxuuna ku yaala dhex bartanka M/ganacsiga ee Minneapolis oo ah meel Soomaalida ay ku badan yihiin. W/D:-LIIBAAN XUSEEN

AXMED MADOOBE: "QOF KASTA MAS’UULIY ADDA SAARAN ISAGA AYAA LAGULA XISAAB TAMAYAA”

Md.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyay madaxda ka qeyb ga leysa shirka wada tashiga Qaran ee ka so cda M/Muqdisho. oo si toos ah ula hadlay ay ka qeyb galayaasha shirka wada tashi ga uu ka mid ahaa Madaxweynaha DF. Xasan Sh.Maxamuud ayaa sheegay in qof kasta oo shirka ka qeyb galeysa ay he yso mas’uuliyad ummadeed, isla markaa na looga baahan yahay inay cadaaladda ku maamusho.

"Qof kasta mas’uuliyadda saaran isaga ayaa lagula xisaabtamayaa maalinta aa khiro” ayuu yiri Axmed Madoobe oo shee gay in qofkii qiyaameeya mas’uuliyadii loo igmaday inay jireyso maalin aan jirin cid difaaci karta. Khudbada Axmed Madoobe oo u muuqatay mid ka duwan khudbadihii uu ka jeedin jiray kulamada noocaan ah, ayaa waxa uu kula dardaarmay madaxda inay ka dhabeeyaan qowlka iyo go’aana da laga soo saaro shirkaasi.

TARTAN AQOONEED LOO QABANAYO ISKUULA DA DEGMOOYINKA G/BANAADIR OO SHALAY LA DAAH FURAY

Mas’uuliyiinta ka tirsan M/G/Banaadir ayaa shalay daah furay Tartan aqooneed loo qabanayo Iskuulo kala matalaya 17ka degmo ee G/Banaadir, iyadoo iskuulkii ku guuleysta uu heli doono abaal marin qaali ah. Tartankan oo ka mid ah Mashruuca JPLG ayaa waxaa hir galinaysa Ururka Gargaarka iyo Hormarinta ee Kaah oo kaashanaya Mamulka G/Banaadir.Md. Muqtaar Maxamed Dhagacadde oo ah Agaasimaha Xiriirka Dagmooyinka G/Banaadir oo ka hadlayay daah furka tar tanka ayaa kula dardaarmayay Ardayada Tartanka ka qayb galeysa in si wanaags an u bartaan Taariikhda Dalka.

"Waxa lagu tartamayo waa Aqoonta iyo Taariikhda Dalka, aad ayey ii soo jiidatay inaan arko Arday ku tartameysa wax aan loogu dhigin Iskuuladooda ama aan Mana ahijtooda waxbarasho ku jirin, waa dhiiri galin wanaagsan”ayuu yiri Agaasime Dha gacade.

Mashruucan ayaa waxa uu ka mid ya hay Waxbarashada Madaniga ah ee loo gu talagalay Bulshada Gobolka Banaadir

QARAX KHASAARE NAFEED SABABAY OO KA DHACAY AGAGAARKA XARUNTA DOWLAD DA HOOSE - MUQDISHO

Ugu yaraan 5qof ayaa ku dhinteen, 7kalena way ku dhaawacmeen Qarax Ism iidaamin ah oo shalay ka dhacay agagaar ka xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ku taalla D/X/weyne, halkaasoo uu M/GBanadir ku ku shaqeeyo. Qaraxan oo Mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shaba ab ay aa ka dhacay maqaayad dhabarka dam be ee xarunta M/G/B/dir ku taalla oo lagu magacaabo Al-Hindi oo ay dad bad an ku sugnaayeen xilligaas. Afhayeenka M/G/ Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo ka hadlay Qaraxaan ayaa sheegay in lala be egsaday dad shacaba ah oo Maqa ayad ka cunteynayay, ayna halkaas ku dhinteen shan qof, sidoo kalena ay ku dhaa wacmeen toddoba qof oo kale.

"Al-shabaab ayaa ka dambeysay Qa raxa, waxayna la beegsadeen dad shac ab ah oo aan wax ay galabsadeen aysan jirin... Maqaayad ayaa lala beegsaday Qa raxa, waxaana ku dhintay 5-qof oo shac ab ah," ayuu yiri Xalane. Sidoo kale, Afha yeenka ayaa xusay in Al-shabaab ay ca adeysatay inay dadweyaha qaraxyo ula beegsato si bareer ah, ka dib markii laga hor-joogsaday inay xarumaha dowladda ay la beegsato Qaraxyo iyo falal kale oo Amni-darro ah.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheeg tay in ay Qaraxaan iyadu ka dambeysay ayna saraakiil ka tirsan Dowladda Soma liya ku bartilmaameesatay, inkastoo ays an sheegin Mas'uuliyiin ay ku dileen qa raxan ismiidaaminta ahaa. Ugu dambeyn, Qaraxaan ayaa loo adeegsaday gaari wa xyabaaha Qarxa laga soo buuxiyay, iya doo lagu soo beegay xilli shalay subaxdii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay ku toogatay Muqdisho Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Al-shabaab, kaasoo loo haystay inuu fuliyay dilal loo geystay War iyeyaal Soomaaliyeed.

SIILAANYO CASHO U SAMEEYAY WAFDIGII UK EE BOOQDAY DEEGAANADII ABAARTU SAAMEYSAY

Wafdigii ay Hoggaaminaysay Xildhibaa nka Britain, Dian Abbott, Isla markaana ah- Afhayeenka Arrimaha Horumarinta ee Xisbiga Shaqaalaha UK iyo 6-hay’adood oo islaami ah, ayaa kormeeray deegaan nada abaartu saamaysay, iyagoo si gaar ah u booqday G/Awdal oo ay ugu darn ayd abaartu.

Wafdigan xildhibaannada waxa la socd ay Dr: Hany El Banna oo gudoomiye ah hay’adaha islaamka ee Britain, Muslim Charities Forum, madaxa ururka is-ka ashiga islaamka ee OIC, Charity Right, Isl amic Relief World Wide, Human Appeal, Muslim Hands, African Relief Fun.

Weftigan wuxuu la kulmay G/G/Awdal oo ka Warbixiyay dhibaatadda Abaartu in ta gaadhsiisan tahay, waxaanay u kala ba xeen 2da dhinac oo kala ah Deegaanka Qol u jeed oo ay joogeen dad reer Miyi ah oo xoolihii ka soo dhamaadeen oo lagu ur uriyey iyo deegaanka Gaarisa oo iyana la gu ururiyey dadkii ay soo baro kiciyeen.

Xildhibaannad Diana Abbott iyo G/Da ladda Garaarka Islaamka ayaa Ballan-qa adey inay Caalamka iyo Dalka UK-ba ga adhsiin doona sidii dadkaasi loo soo kaal meyn lahaa, isla markaana xoolihii ka dha mmaaday dib loogu soo celin lahaa si noloshoodda ula jaan qaadaan.

Madaxa ururka Is-kaashiga islaamka OIC ee Somaliland iyo Soomaaliya , Max amed Iidle Samriye, ayaa isagana sheeg ay inay dadaal badan galinayaan sidii dad kani dhibaatada uga bixin lahaayeen, sidiii noloshoodiii hore ee Beeralayda iyo xoolaha ugu noqon lahaayeen, isagoo ba llan-qaaday inay fariintoodda gaadhsiin doonaan hay’adaha islaamka iyo dalalka islaamkaba.

Sidoo kale, Hay’adahan ayaa caal amka gaarsiinaya in gabi ahaan Somalia deegaanadeeda ay abaartu ka jirto wada-gaari doonaan, isla markaana in deg-deg loogu soo gurmado. Wafdigaan, ayaa ma rkii uu Hargeysa kusoo noqday waxaa Ca sho-sharaf ku Maamuusayay madaxwey naha Somaliland Axmed Maxamed Siilaa nyo oo uga mahad-naqay Taageeradda ay u muujiyeen Shacabka tabaalaysan ee abaartu saameeyeen, isagoo ugu baaqay inay deg-deg wixiii ay u tari karaan u tar aan dadkaasi.

Madaxwayne Siilaanyo oo ay fadhig aan ku Wahelinayeen - Wasiirrada Arrima ha Dibadda, Madaxtooyada, Ganacsiga, Warfaafinta iyo Maaliyada, Marwada Madaxwaynaha, Xubno ka tirsan guddida abaaraha iyo masuuliyiin ka tirsan madax tooyada, iyadoo dhinaca UK ay wehelina yeen xubno tiro badan oo ay ka mid yihiin Md. Dian Abbott iyo gudoomiyaha dalad da ururada islaamka Dr.Hani Al Bana.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadalka fur ay, ayaa Hadallo kooban oo soo dhawayn ah ka dib, wuxuu yiri. "Waxaa farxad ii ah inaan idinku soo dhaweeyo Somaliland, iy adoo labadeena dal ay ka dhaxayso cilaa qaad soo jireen ah, ku soo dhawaada dal ka, waxanan rajaynayaa in aad wax nagal qabataan dhibaatooyinka nala soo darsay ee ay ugu horreyso abaartu.”

W/Ar/Dibada Somaliland, Sacad Cali Shire oo isagna halkaasi ka hadlay ayaa yiri. "Waxaan u baahanahay caawimo, taa soo ah mid Waqtiga fog wax ka tarta Dhib aatada dhinaca cuntada ka haysata bulsh ada. Waxaanan u baahanahay dib u xoo layn dadkayaga ah iyo in nalaga caawiyo sidaanu biyahayaga u kaydsan lahayn, una joojin lahayn biyahayaga durduraya ee galaya badda, biyaha dhulka hoostiisa ku jirtana loo soo saari lahaa.”

Xildhibaanad, Dian Abbott oo iyaduna madasha ka hadashay ayaa sheegtay in aanay ahayn markii ugu dambeysay ee ay dalka booqasho ku timaado, Waxayna raacisay sidii maalintii 1aad ee ay booqa shada ku timid Somaliland, ammaan ay u jeedisay dowladda iyo Dadka Somaliland, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa. "Wa xaan Somaliland imid 2010-kii, Runtii Qal bigayga qaali ayay ku tahay, Waxaanan ka soo baxay Bariga M/London oo ay So malilanders badani ka mid ahaayeen dad kii ii doortay baarlamaanka.”

Waxayna intaas intaas ku dartay oo ay tidhi "Somaliland waa dal qani ah waxaad leedihiin ummad sidaan dibadaha ku ar kay bulsho fir-fircoon ah oo shaqaysata oo ku nool Dacallada Caalamka oo bul shadooda wax kusoo tara, wax badanna ka-qaban-kara sidii uu u horumari lahaa cagihiisana uu isugu taagi lahaa Dalk iina.” Mar ay ka hadlaysay abaarta ay in dhaheedda kusoo aragtay & sida u gaars iinayso madaxda dalkeeda, waxay tiri. "in aan Baarlamaanka Britain cod-dheer ugu sheego siday dhab ahaan wax uga qaban lahaayeen abaarta dalkan ka jirta wakhti xaadirkan, waxna ka tari lahaayeen abaar ta soo noqnoqata ee dalka dhacda”.

Dr.Hani Bana oo ahaa G/ururrada Sa mo-falka Islaamiga ah ee UK ayaa isna u Mahad-naqay soo dhoweynta loo same yey, waxaanu balanqaaday inuu ururadda islaamka gaadhsiin doono in dadkaas wa xla taro, wuxuuna yiri. "Mudane Madaxw ayne, Somaliland waxay tusaale wanaags an u tahay gobolkan ay ku taallo. Waan aragnay inay dhibaato wayn gaadhay da lkiina oo abaartu keentay oo dhinacyadii dhaqaalihiinnu ku tiirsanaa Xoolo iyo Bee raha ahaa ay naafoobeen, waxanu ku da daali doonaa inaanu gaadhsiino ururada Samo-falka iyo dawlada Ingiriiiskaba, sida ay sheegtay Miss.Diane Abbott, dalkii aa nu ka nimid ee Ingiriiska si ay u suurto ga sho in wax la idinka taro cimilada isbedel shay ee abaaraha iyo daadadka keentay, lana qodo ceelal iyo balliyo Waa-wayn, Anigoo ku talinaya in aad kaashataan qurbo joogiina hawl karka ah ee dibadaha ku nool”.

SHIR LOOGA HADLAYAY ILAALINTA HANTIDA MAALGASHADAYAASHA SOOMAALIYA OO LAGU QABTAY NAYROBI

Shirkani oo ay soo qaban qaabiyeen xaf iiska R/wasaaraha iyo wasaradda Cadda aladda isla markaana uu gacan ka geysa tay bangiga aduunka ayaa waxaa looga hadlaya arrimo dhowr ah oo ku saabsan sidii qaanuunka caalamiga ah loo waaf ajin lahaa dhexdhaxaadinta iyo xallinta qil aafaadya da soo cusba nada ee soo kala dhexg ala dowladda iyo ha’ Hey’ad da ha maal ga shiga ku sam eyna yo Soom aaliya iyadoo aan la aadin hay’ adaha sharciga. Shirka ni ka furmay M/Na yrobi oo socon doono muddo 2 maalmo od ah laguna soo gaba gabeyn doono M/Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada, wasiir ku xigeenka Caddaaladda iyo Dastuurka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka, Qareenno iyo safiirrada dalalka Caalamka u fadhiya Kenya iyo xubno kale oo ka socday be esha caalamka .

Intii uu socday kulanka ayaa xubnihii goobta ka hadlay waxa ay dhiiri galiyeen in Soomaaliya ay ku biirto dalalka si shar ciyeysan u ilaaiya hantida maalgashada yaasha isla markaana qaab sharci ah la gu xalliyo qilaafaadyada lana waafajiyo qawaaniinta caalamiga ah ee dhex dhax aadinta. Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa markii uu soo gaba gab oobay shirka waxa uu ka warbixiyay uje edka kulanka iyo muhimadda uu u leeya hay Soomaaliya.

"Arinta laga hadlayo waxa ay ku saabs antahay dhexdhaxaadinta iyadoo aa la aadin hay’adihii sharciga in lagu xaliyo qil aafka qaab dhex dhaxaadin ah ama qaab heshiis horay loosii galay,wuxuuna muhi im u yahay maadama wadanka uu hadda dib usoo noqonayo dowladnimadiisa iyo ganacsigiisa dib usoo noqonayo caalam kana uu rabo inuu maalgashi ku same yo, waxa soo dhana waxay u baahanyihiin shuruuc iyo qawaaniin lagu hago” ayuu yir Xeel Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukumadda F. S. Soomaaliya Md/Guuleed Xuseen Cabdulqadir Qaasim oo isna ka warbixiyay shirka ayaa waxa uu sheegay in shirkani uu dhiirigelinayo maalmashiga Soomaliya iyo ilaalinta han tida maalgashadayaasha.

"ula jeedadku waa labo, inaan dhiiri gel ino maalgashigii iyo horumarkii dalka iyo dadka maalgashiga ku sameynayo in dha qaalahoodii nidaam lagu raadiyo si loogu dhiiri geliyo hantidiina sharci iyo nidam ay aa ilaalinayo waa labo arimood oo is leh loona baahan yahay,waxana rajeynaynaa shirkani inay noo noqoto wadahadalkeenii 1 aad,si aan xeerkii dhaqanka ahaa inaan nidam sharci ah ka dhigno,oo ku waafa qni idaamka caalamiga ag ee Aduunka” ayuu yiri wasiirka Boostada iyo Isgaar siinta Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu wadaa in maanta la gu soo gaba gabeyo M/Muqdisho.

MADAXWEYNE XASAN OO SHEEGAY IN URURKA AL SHABAAB UU SOO XOOGEYSTAY

Xasan Sh. Maxamuud, Madaxweyna ha JS ayaa wuxuu qiray inay soo laabat ay awooddii Ururka Al Shabaab, isagoo na taasi qiil kaga dhi gay gaabis ku yimid ha wlgalkii lagula dag aalamaayay Ururka asi.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Dowladda Somaliya ay haysato la ba kala daran mid dooro, kuwaa oo kala ah inay bixiso musha araad ka Ciidama da Dowlad da iyo inay hube yso Ciid ama da, wuxuuna muujiyay inaysan Dowladdu awood u la hayn inay bixiso mu shaara adkooda, isla-markaana ay hubey so askarta.

"Dowladda Somaliya awood uma lahan inay bixiso mushaaraadka Ciidamada iyo inay u soo iibiso hub culus. Tani waa laba kala daran mid dooro, oo ah midda ina ha ysata.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo war eysi siiyay Wargeyska The Washington Post. Madaxweynaha, ayaa wuxuu qiray gaabiska ku yimid gulufkii lagula dagaal amaayay Xoogaga Al Shabaab inay ke entay dib u soo kabashada mintidiinta Shabaabka hubeysan, ee maanta ka dag aalamaaya Somaliya.

"Amisom iyo Ciidanka Qaranka Somali yeed waxay baaqi ku yihiin qalcadaha. Ha wlgaladuna waa gaabis, waana midda Al Shabaab u ogolaatay inay soo laba kac leyso.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Wuxuu muujiyay inay adag tahay in la dardar-geliyo gulufka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, maadaama sida uu horayba u sheegay ay wajahayaan laba kala daran mid dooro, hadafkooduna uu yahay inay dalka ka sifeeyaan Shabaabka.

"Sidee baan arrimahaasi oo idil isugu keeni karnaa?” Ayuu Madaxweynaha oo weydiiyay dhin acyada taageera Dowlad da Somaliya. "Shabaab ma waxay suggi doonaan inta aan ka mideynayno dhamm aan Ciidamada, si aan ugu dirno jiidaha hore ee dagaalka?” Ayuu yiri Hogaamiy aha Soma liya. W/Arr/ Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa wuxuu dhankiisu sheegay in Dowlad da Somaliya ay la timid tahay mid samaynayso aalad cusub oo diyaarad ah, ayna duulinayso.

"Cadowgu waa mid aad u caaboon, fur sadna helaaya, waxaan ku dadaaleynaa inaan xaaladda dejino. Dowladda Somali ya waxay lamid tahay iyadoo diyaarad sa maynaysa, isla-markaana duulinaysa.” Ay uu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somal iya. Ururka Al Shabaab, ayaa 9 bilood ee la soo dhaafay qaaday weeraro waaw ayn, oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, waxayna taasi horsed ayin Shabaabku ay dib u qabsadaan dhul horay looga eryay. Xigasho:-dhaco.com

SHEEKH CAAN AH OO LAGU DILAY M/ LAAS- CAANOOD

Sheekh caan ka ah M/Laascaanood ee G/Sool ayaa la khaarajiyay isagoo gac anta ka haya wiil yar oo uu isagu dhalay isla markaana sii gelayay masjid uu doon ayay inuu ku tukado salaadda cishaha. Wadaadkaan oo lagu magacaabo Sh.C/l laahi Axmed Carabey ayaa ku geeriyood ay goobtaas ka dib bastoolado ku hubeys an ay ku dhufteen dhowr xabadood oo uga dhacday qeybaha muhiimka ah ee jirkiisa halkaasina uu ku geeriyooday.

Guddoomiyaha G/Sool Mustafa Cabdi Shiine ayaa BBC-da u sheegay in lagu da ba joogo kooxihii ka dambeeyay dilka Sheekha loogu geystay M/ Laascaanood.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay M/La ascaanood ka sameeyay howlgallo iyo baaritaano la xariira raggii ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee Sheekh C/llaahi Axmed Carabey, iyadoona howlgaladaasi sidoo kale lagu xoojinayay ammaanka ma gaaladaasi.

Dhinaca kale ma jirto iminka cid shee gatay ilaa hadda inay ka dambeysay She ekha oo shalay lagu aasay M/Laascaano od, iyadoona aaskiisa ay ka qeyb galeen boqolaal ruux oo isugu jira culumaa’udiin, madax ka tirsan maamulka iyo eheladiisa.

MAXKAMADDA CIIDMADA QALABKA SIDDA OO XASAN XANAFI XAAJI CBADISALAAN SHALAY DIL TOOGASHO AH KU FULIYSAY

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay xukun dil ah ku fulisay Xas an Xanafi Xa aji oo horay u ahaa Sarkaal ka tirsan al-Shabaab qeybta Warba ahinta. Ciid amo kala duw an oo ka tirsan dowladda oo safaf ku jiray ayaa too gasho ku dilay, Xasan Xanafi oo ku xirnaa tiir ka mid ah afar tiir ku taala fagaaraha School Polizio, halkaasoo lagu fuliyo xuku nada dilka ee ay rido Maxkamadda ciida mada.

Sanadkii 2014 ayaa Ciidamada Sird oonka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya ka soo qabteen magaalada Nayr obi. Maxkamadda Ciidamada qalabka si da ayaa 3-dii bishii hore ku xukuntay dil to ogasho ah, iyadoo xukunkaas ka dib uu racfaan ka qaatay. Hase ahaatee Maxk amadda sare ee dowladda ayaa diiday ra cfaan, waxaana ay mar kale ku xukuntay dil toogasho ah 26-kii bishii hore.

Sarkaal ka tirsan Maxkamadda ciidama da qalabka sida ayaa sheegay in Xasan Xanafi loo heystay dilka shan wariye, ga ar ahaan dilkii Sheekh Nuur Abkey oo ka tirsanaa warbaahinta dowladda. Xasan Xanafi oo ahaa 30 jir waxaa uu horay u ahaa Wariye ka tirsanaa Idaaca dii Quraanka Kariimka ee M/Muqdisho, waxaana ka dib uu ka biiray Al-Shabaab.

SHIRKA MADAXDA DOWLADDA IYO MAAMUL GOBOLEDYADA OO SAAKA LA SOO GABA GABEYNAAYO

Shirkii u dhaxeeyay Madaxda DF Som aliya iyo Madaxda M/mul Goboledyada da lka ka jira, ayaa lagu wado saaka oo Tal aado ah in lagu soo gaba gabeeyo M/ Mu qdisho, lagana soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha madaxda ay ku he shiiyeen. Shirkan oo socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa looga hadlaayay arimaha ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa in dalka Doorashooyin ay ka dhacayaan iyo qaabka Doorashada ay u dhaceyso iyo sidoo kale sidii loo soo xuli lahaa lab ada Aqal ee Dowladda cusub, waa Aqal ka Sare iyo Aqalka hoose.

Doodo badan iyo isjiid jiid ka dib waxaa lagu wadaa saaka in la soo afmeero Shirk aasi oo Saxaafadda loo soo bandhigo qo dobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Shirkii u socday. Bahda Saxaafadda ayaa looga yeeray madaxtooyada Somaliya saaka saacada marka ay tahay 8:00 Subaxnimo si halkaasi loogu soo bandhigo Qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda.

Arimaha ugu waaweyn ee sida la she egayo Madaxda ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in Doorashada ay dhacdo Waqt igii loogu talo galay, xilli ay ka harsan tahay kaliya muddo Afar bilood ah.

Marka la eego Waqtiga ka harsan Doorashada iyo shaqooyin badan ee Dow ladda hor yaallo ayaa ah kuwa badan, waxaana ka mid ah Shaqooyinka culus ee Dowladda horyaal arimaha Dastuurka, ammaanka iyo arimo kale.

 

MAANTA OO KU BEEGAN MAALINTA CIIDMADA QALABKA SIDA EE 12-KA ABRIILE

Waxaa dhammaan dalka soomaaliya laga xusayaa maalinta dhidibada loo taa gay ciidmada qaranka soomaaliyeed xoogga dalka soomaaliyeed waxaana ay tah ay 12-ka abriile 2016 maalinta ay leeyihiin ciidmada oo ay ku muujiyaan awoodda waxqabad

NATIONLINK TELCOME

OGEYSIIS

 

QIIMO DHIMIS BALAARAN

BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay maca amiisheeda sharafta leh u sa meysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shuba shada ah ( prepaid ka)

A. Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal 140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B. Wicitaanada Dibada : ku shubo $1 oo ku hadal

10 daqiiqo wadamada

  • USA.
  • CANADA
  • CHINA.
  • INDIA.
  • AUSTRALIA.
  • BANGLADESH.
  • MALAYSIA.
  • PAKISTAN.
  • SOUTH AFRICA
  • SWEDEN

 

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip