DOWLADDA IL CAREYSAN AYAAN KU FIIRINEYNAA! 'MILICSO MASAFADII SHEEKH AXMED GABYOW'

0
Saturday October 10, 2015 - 11:34:25 in Wararka by
  • Visits: 1128
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DOWLADDA IL CAREYSAN AYAAN KU FIIRINEYNAA! 'MILICSO MASAFADII SHEEKH AXMED GABYOW'

    Farxadii aan Doowlada u heynay waxaa beddelay Foolkaduud waxaana ku fiirineynaa il careysan Afrikaanku aduunyada inteeda kale dib ayeey uga dhaceen Soomaaliya Afrikada kale dib ayeey uga dhacady.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farxadii aan Doowlada u heynay waxaa beddelay Foolkaduud waxaana ku fiirineynaa il careysan Afrikaanku aduunyada inteeda kale dib ayeey uga dhaceen Soomaaliya Afrikada kale dib ayeey uga dhacady. Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan Soomaalida inteeda kale dib ayeey uga dhaceen saas daraadeed Doowlada Soomaaliya waxaanu ku eegeynaa Il careeysan, dadka dega Shabeelaha dhexe Hiiraan iyo Banaadir waxey u baahan yihiin maamul loo sameeyo si deg deg ah sababtoo ah waxay wax la qeybsan lahaayeen Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka codsaneynaa madaxda Dowlada ugu sareysa iyo dhamaan inta aay quseeyso dhismaha maamulkaan hadey ahaan lahaayeen waxgaradka Culumaadu diinka Haweeynka, Odayaasha , Ugaas, Imaam, Malaaq iyo dhamaan inta taladu ka go’do waxaan soo jedineynaa in lagu dhaqsado hirgilinta Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.


Ugu dambey Gudoomiyaasha 2da Gobal Mudane Cali Guudlaawe iyo Mudane Cadifitaax waxaan leeyahay waxaad meteshaan dadka deegaanka Soomaalidu waxay tiraahdaa "Waari meeyside war hakaaharo” bal aan idin xasuusiyo Masafadii Sheekh Axmad Gabyoow oo ee eheed sidatan:

qasqas carmaa iyo qaabid caanood

midba markoo la qasmaan sahaayee

Quudka hadii la karshow qabow yahay

inta qurmaa mar la soo qubaayee

Geenya qurxoon iyo Qayl Dameeraad

ninba midkiisu laqaal banaayee

Rati qawaariyo qaalin juuclaa

midba markoo qalab saarahaynaa

Qash karisoy iyo naagta qaafaa

maharka loo wada qaybihaayee

Qaran hadii marba qoon u soo koco

wixii qadiim ah la quursahaayee

Ugu dambayn anoo ku hadlaayo magaceyga magaca Dhalinyarada Shabeel.dhexe iyo Hiiraan waxaan leenahay labada Gudoomiye Guudlaawe iyo cabdifitax dadkiina iyo dalkiina wax dhaxalgal ah uga taga oo aan idinku xasuusano isu tanaasulna sameeyaya Wabillahi Toowfiiq

Waxa diyariyay Gudoomiyaha Dhallinyarada Qurba joogta Shabeel.dhexe iyo Hiiraan,,

Eng, Sayid Hassan Ali

E mail,,, abdisamedd@hotmail.com

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip