
Taliye Cusmaan Xaadoole oo soo saaray digniin culus
Qoraalka ka soo baxay taliyaha ayaa lagu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Markab kasta oo arrintaan isku daya ama hadda ku howlan, iyadoo loogu baaqay in ay dhaqso u raadsadaan shatiga maamulka.
"Waxaa sii kordhaya Maraakiibta Kalluumeysi ee xeebaha Maamulka HirShabeelle ku sugan islamarkaana aan heysan fasax maamulka ah, iyagoo xeebaha ka wata howlo ballaaran, haddaba wixii ka dambeeyo lama aqbali doono,” ayaa lagu yiri qoraal taliska ka soo baxay oo ay heshay Caasimada Online.
"Waxaan rabaa inan ku celiyo in dhammaan dadka jabiyay sharciga in la xiri karo oo dacwad lagu soo oogi karo ayagoon lasiinin digniin hore, waxayna la kulmi doonaan ciqaab dambiyeed haddii lagu helo dambi,” ayuu yiri Cusmaan Xaadoole.
Hoos ka aqriso qoraalka ka soo baxay taliska ilaalada xeebaha ee Maamulka HirShabeelle.



0 



Taliye Cusmaan Xaadoole oo soo saaray digniin culus
.