Isbitaal ku yaala Masar oo beerka kala baxay hooyo Soomaaliyeed iyo labadeeda canug + Sawirro

0
Tuesday April 05, 2016 - 11:16:30 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbitaal ku yaala Masar oo beerka kala baxay hooyo Soomaaliyeed iyo labadeeda canug + Sawirro

    Isbitaal ku yaala magaalada Alexandaria ee dalka Masar ayaa beerka kala baxay Allaha u naxariistee hooyo Soomaaliyeed iyo labadeeda canug oo ciidamada Badda ee dalkaasi ku dhaawaceen gudaha xeebaha Masar xilli ay u si tahriibayeen dalka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbitaal ku yaala magaalada Alexandaria ee dalka Masar ayaa beerka kala baxay Allaha u naxariistee hooyo Soomaaliyeed iyo labadeeda canug oo ciidamada Badda ee dalkaasi ku dhaawaceen gudaha xeebaha Masar xilli ay u si tahriibayeen dalka Talyaaniga.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Badda Masar ay geeyeen isbitaalka, kaddibna halkii la filayay in la daweeyo lagala baxay beerka iyo kelyaha, iyadoo la sheegay in meydka hooyadaasi Soomaaliyeed iyo laba caruur oo ay iyadu dhashay ay yaalaan isbitaalka ku yaala bartamaha magaalada Alexandaria.

Falkaan lagula kacay hooyada Soomaaliyeed iyo labadeeda caruurta ah oo ilaa iyo iminka aanay ka hadlin amaba waxba ka qaban safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa waxaa si weyn uga xummaaday jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Masar iyo kuwa ku nool adduunka dacaladiisa.

Waa dhacdadii ugu horeysay oo Soomaalida loogu geysto dalka Masar oo xiriir dhow la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo horay shacabka Soomaaliyeed tacadiyo kala duwan loogu geystay wadanka Masar.

123

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip