Madaxweyne Gaas "Waxa aan aqbalnay 4.5 maaha"

0
Monday April 04, 2016 - 10:00:43 in Wararka by
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Gaas "Waxa aan aqbalnay 4.5 maaha"

    C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa wuxuu sheegay inaysan Puntland aqbalin ku dhaqanka hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5, balse ay aqbashay wadadii looga gudbi lahaa hannaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa wuxuu sheegay inaysan Puntland aqbalin ku dhaqanka hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5, balse ay aqbashay wadadii looga gudbi lahaa hannaankaasi.

"Waxaan rabaa markale inaan ku celiyo dadka Puntland-na u sheego waxa aan aqbalnay 4.5 maaha, waxa aan aqbalay waxaa weeye habkii looga bixi lahaa afar dhibic shan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaayay madashii xalay lagu saxiixay heshiiskii Garoowe, ayaa sheegay in diidmadii iyo doodii Puntland ee 4.5 ay tahay aragti oo qura, oo ah sidii loo heli lahaa damaanad-qaad ku aadan in laga gudbo hannaanka 4.5.

"Wada hadalkayagu iyo doodii dheereed ee Puntland ujeedada laga lahaa hal bay ahayd, waxay ahayd in la cadeeyo, la adkeeyo damaanad-qaad loo helo inaysan dib dambe u soo laaban waxa la yiraahdo afar dhibic shan, taas weeye tan caawa aanu meesha ku saxiixnay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

C/weli Gaas, ayaa ku faanay in dadka reer Puntland ay yihiin dad wadaniyiin ah, wadaniguna uu yahay mid dulqaad badan, hase ahaatee uu markaan dulqaadkii ka dhammaaday, sida uu yiri.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip