TOOS:- Meydka madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi oo laga soo dejiyay Muqdisho.

1
Friday March 12, 2021 - 11:29:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TOOS:- Meydka madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi oo laga soo dejiyay Muqdisho.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Diyaarad siday meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa goor dhow ka soo cago dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa waxaa ku sugan Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxdii hore ee dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumka.

Meydka Madaxweynihii hore ee dalka ayaa Salaadda Janaasada lagula tukan doonnaa Garoonka Aadan Cadde, iyadoona ka dib loo qaadi doono goobta la qorsheeyay in lagu aaso.

Allaha u naxariistee marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasoo maalmo ka hor arrimo caafimaad loogu qaaday, ka dib markii uu ku xanuunsaday Magaalada Muqdisho.

Cali Mahdi ayaa sanadkii 1991-kii loo magacaabay Madaxweynaha Somaliya, ka dib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe.



blob:https://www.facebook.com/6e065561-0eac-4d52-aeb9-b693d6439c19


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip