HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 11-3-2021

0
Thursday March 11, 2021 - 12:11:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 11-3-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMALIYA CALI MAHDI MAXAMED OO GEERIYOODAY

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaal M/Nayrobi ku geeriyooday Mad axwey nihii hore ee Somaaliya Cali Mahdi Maxamed. Geerida Cali Mahdi ayaa waxaa xa qiiji yey xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugan M/Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheega ya in Cali Mahdi uu maalmihii u gu dam beeyey ku xanuunsanaa M/Muqdisho, arrimo caafimaadna uu u tagay M/Nayrobi maa lmoka hor, halkaasoo uu Habeenhore ku geer iyooday.

TAARIIKH NOLOLEEDKA CALI MAHDI OO KOOBAN;

Cali Mahdi Maxamed wuxuu ku dhashay tuu lada cadow-uul oo ka tirsan Sh/Dhexe sannad ku markuu ahaa 1938 , Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuulaadkii Xamar ka jiray. Cali Mah di 1959 ayaa Qaahira u aaday waxbarasho . Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo baarlamaanka Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu dhalinyaraa ee xubin ka noqda baarlamaanka Soomaliyeed.

Ka dib markii uu dhacay inqilaabkii Dawladda shicibka aheyd ee wad anka la wareegay Xooga Dalka Somaliyeed, Cali Mahdi wuxuu dib ugu la abtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, hal kaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wux uuna u wareegay ganacsi.

Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 197 7-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsa tada ugu waaweeyn ee wadanka soomaliyeed.

Sanadahii 80’s Cali Mahdi iyo aqoonyahaano Soomaliyeed aya waxaa asaasay urur odoyaal ah "Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u di ray madaxweeynihii wadanka ee markaas Max amed Siyaad Barre.

Kadib burburkii Dawladda Maxamed Siyaad Barre, sanadka markuu ahaa 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Sooma aliya. Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dag aal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdishu oo ay isaga hor yimaadeen qeybo raacsan Ma xamed Farax Caydiid kaasoo diidanaa madaxw eynenimada Cali Mahdi iyo kuwo difaacay Cali Mahdi.

Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Car ta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000. Marxuum Cali Mahdi ayaa ku dhintay da’ ada 83-Sano.

Ma Corona ayuu u geeriyooday madaxweyne Cali Mahdi?

Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Dorraad ku geeriyooday isbitaal ku yaalla M/ Nay robi ee dalka Kenya.

Yaxya Caamir oo kamid ah dadka aadka ugu dhawaa madaxweynaha ayaa BBC-da u sheeg ay in Cali Mahdi ilaa 4 Cisho ka hor la keenay M/ Nayrobi kadib markii isaga iyo xaaskiisaba ay xanuunsadeen.

"Afar ama shan cisho ka hor ayuu xanuun ku soo booday isaga iyo xaaskiisa, Isbitaalka Nairobi hospital ayaa la geeyay, marka hore wa xaan uga shakinay cudurka corona balse dhaqtarka wuxuu inoo sheegay in labaduba uu san heynin corona", ayuu yiri Yaxye Caamir.

Waxaa kale oo uu sheegay in neefta ay ku dhageysay, dhaqtarkuna uu ka deyriyay xaaladi isa saacadihii lasoo dhaafay.

Isbitaalka la geeyay ayuu sheegay in uusan ahayn mid la geeyo bukaanada feyraska qaba Corona. Yaxye waxaa kale oo uu sheegay in xa aska Cali Mahdi ay wali ku jirto isbitaalka. Geeri da Cali Mahdi ayaa waxaa ka tacsideeyay mas 'uuliyiin hore iyo kuwa hadda xil haya dalka.

Mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Soom aaliya ayaa ka tacsiyadaysay geeridii ku timid Allaha unaxariistee madaxweynihii hore ee Soo maaliya Cali Mahdi Maxamed.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in muddo sed ax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iya doo calanka Soomaaliyana hoos loo dhigi doo no si loo muujiyo murugada geerida madaxwey nihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale dowladdu waxaa ay sheegtay in loo saarayo guddi ka shaqeeya aas -qaran oo loo sameynayo marxuumka. Cali Mahdi wuxuu xilka madaxweynaha qabtay kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991-kii.

Mar kale ayaa loo aqoonsaday in uu xilkaas sii hayo, waxaana ugu dambeyn sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii Hore Ee Dalka

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qa raabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliye ed ee uu ka baxay Alle ha u naxar iistee Mad axweynihii hore ee dal ka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriy

ooday dalka Kenya. Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wa da dareemeen shac abka iyo dowladda Soom aaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnima da dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay u ga go'nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dad aal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhig aynaa Calanka Jamhuuri yadda si aan u muuji nno murugada geeridan ku timid Madax weynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuum ka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dal ka iyo dadka Soomaaliyeed.

Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ah aan D/Somaliyeed ee uu ka geeriyoday.

DHAMMAA

Baroordiiq 3 Cisho Ah Oo Loo Sameey Nayo Madaxweynihii Hore Ee Sooma Aliya Cali Mah Di Maxame

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mah dixweynihii hore ee Soo maaliya Cali Mahdi Dowladda Soom aaliya ayaa ka tacsiyadaysay ge eridii ku timid Allaha u naxariistee mad axweyn ihii hore ee Soomaali ya Cali Ma hdi oo Habeen hore ku geeriyo oday M/Nairobi ee caasimadda dalka ke nya, oo xaalad caafi maad markii ho re loo geeyay .Dowladdu waxaa ay sheegtay in mud do sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iyadoo calanka Soomaaliya hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxwey nihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale dowladdu waxaa ay sheegtay in loo saarayo guddi ka sha qeeya aas -qaran oo loo sameynayo marxuumka.

Qoraalka ay soo saaraty Madaxtooyada So omaaliya ayaa sidaan u qornaa.

Midowga Musharaxiinta oo ka tacsiyee yay gaarida ku timid Madaxweynihii hore ee dalka

Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Mido wga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Dorraad ku geeriyooday M/Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Mad axwe ynihii hore ee dalka uu ahaa hog gaamiye ku sifoobay nabadoon imo, dadaal badan ku bixiyay in Soomaaliya ay hagaagto.

War kasoo baxay Shariif ayaa sidaan u qornaa:

INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan murugada la qaybsanayaa guud a haan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey.

Wuxuu dalka usoo shaqeeyey xilli adag isa goo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshii siineed oo Soomaalida gudaha iyo banana kaba loogu qabtay.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskii sa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo.

Musharax Daahir Geelle "Cali Mahdi wuxuu ahaa maqaam siyaasadeed oo mug wayn”

Hoggaamiyaha xisbiga Dan Qaran Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa umadda Soom aaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Mad axweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Md.Daahir Maxamuud Geelle oo si doo kale Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed uu ka baxay hoggaamiye leh miisaan siyaasa deed oo xoogan.

Waaa uu tacsi u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay.

War uu soo saaray hoggaamiye Daahir ayaa sid aan u qornaa:

"إنالله وإناإليه راجعون”

Waxaan murugada la qaybsanayaa ummad da Soomaaliyeed gaar ahaan ehellada geerida ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Abti Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo kaalin wayn kulahaa dib yagle elidda Soomaaliya xilligii burburka. Soomaaliya Dorraad waxay wayday tiir siyaasadeed, lama su ureysan karo isu-soo noqoshadi Soomaaliya Cali Mahdi la’aantiis.

Cali Mahdi wuxuu ahaa maqaam siyaasad eed oo mug wayn. Si gaar ah ayaan tacsi ugu dirayaa qoyska uu ka geeriyooday madaxweyne Cali Mahdi oo uu naga dhexeeyo xiriir qota dhe er iyo ehelnimo, waxaana leeyahay sabar iyo iimaan Allaha naga siiyo dhammaanteen.


Dowladda Soomaaliya'' Weerarkii Dorraad ee Xalane wuxuu ahaa mid fuleynimo ah

Dowladda Soomaaliya ayaa weerar fulayn imo ah ku tilmaamtay madaafiicdii Dorraad lagu tuuray xarunta Xalane oo ay degan yi hiin hay' addaha Qarramada Midoo bey iyo wakiilada shisheeye ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Qoraal Habeen hore ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri '' Weerarkan fuleyn imada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageera da muuqata ee bulshada caalam ka iyo dada alkooda ku aaddan dhismaha nabad da iyo xasi lloonida Soomaaliya.

Weerarka hoobiyeyaasha ah ayaa cadey naya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleya asha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaar ka binu aadantinimo, kaddib markii ay u midoob een dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.

Qorsheyaasha mideysan ee geesinimada leh ee shacabka iyo Dowladda Federaalka Soo maaliya ay ku wajahayaan argagixisada laguma weecin doono ficilladan fuleynimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu, sidoo kale kama niyad jabinayaan walaalaha iyo saaxiibada Soo maaliya inay sii wadaan taageerada iyo iskaa shiga ay la leeyihiin dalkeenna.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya wa xa ay kor u qaadday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa wee rarkan hoobiyayaasha ah ee argagixisadu soo qaadday iyo duruufaha amni ee ku xeeran weer arkan.

Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino bulshada caalamka iyo shaqaalaha samafalka in dowlada ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaley aasha caalamiga.

Madaafiicda lagu weeraray Dorraad xarunta Xa lane ayaa dhinaca kale lagu soo beegay xili ley sku diyaarinayo shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaa oo looga hadlay arrimaha doora shooyinka dalka

Kheyre oo hoygiisa ugu tegay Madoobe Maxaa looga hadlay kulankooda?

Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa Dorraad hoyga uu ka dag an yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’ iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khe yre oo kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Labada mas’uul ay aa ka wada-hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo dad aalka xal ka gaarista do orashada oo uu madaxweynaha Jubbaland u yi mid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaansha ha arimaha Doorashada ka taagan, wuxuuna ka qeyb-galaya shir ka dhacaya gudaha xerada Xalane.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala du wan oo uu sii gooni-gooni ah madaxweynaha Jubbaland ula qaadanayo madaxda mucaaridka iyo saaxiibada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Juba land Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wa fdi uu hogaaminayo ayaa maalintii Dorraad soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb gal aan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabso omo todobaadkaan.

Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro he shiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.

Xildhibaan Ka Tirsanaa Bf Soomaaliya Oo Geeriyooday

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa Shalay ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Eng. Maxamed Maxamu ud Boonow oo ka tirsanaa mudana yaasha golaha shacabka ee baarlam aanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambe eyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehallad aasi.

Marxuumka ayaa xilal kala duwan kasoo qa btay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baa rlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirs anaa tan iyo sanadkiii 2012-kii.

Allaha u naxariistee waxaa geerida ku timid xildhibaanka ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha xilka sii haha & guddoonka golaha shacabka Soomaaliya.

Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sok ow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si we yn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galb eed Soomaaliya

Maamulka G/Banaadir oo amarro ganaax lac ageed wata kusoo rogay shacabka

Mamulka Gobolka Banaadir ayaa Dorraad soo saaray go’aano la xiriira ka hortagga faafida cudurka Coronavirus ee dalka ku soo laba kac leeyay, kuwaasi oo ku socda shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Kulan ay isugu yimaad een guddoonka sarre ee ma amulka gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay gudd oomiyaha gobolka Banaadir ayaa looga hadlay xaaladihii u dambeeyay cud urka Coronavirus.

Afhayeen maamulka Gobolka Banaadir Saa lax Xassan Cumar oo kulanka ka dib war baahinta la hadlay ayaa sheegay in cidii aan xi ran Af-xirka (Mask) in laga qaadi doono ganaax lacageed.

"Dadka dhaqan gobolka Banaadir markasta oo ay ka soo baxayaan gurigooda waa iney xirt aan Af-xirka, ruuxii aan xiran waxaa la ganaax ayaa ganaax lacageed oo dhan 5 Dollar, waxa ana looga qaadayaa goobta lagu qabtay, had duu diidana saldhiga u dhow” ayuu yiri afha yeenka

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri "Goobaha gan acsiga iyo mehradaha la isugu yimaado cid ka sta oo soo gasha af xirasho la’aan, waxaa la ga naaxayaa ruuxa leh mehradaasi, waxaana qof kiiba lagu ganaaxayaa lacag dhan 50 Dollar”

Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan ee laga helo kiisaska la xiriira xanuunka Coron avirus ee dalka ku soo laba kacleeyay

Midowga Musharaxiinta oo qoraal cusub ka soo saaray xaaladda dalka (Aqriso)

Midowga musharaxiinta ayaa soo saaray qor aal cusub oo ay kaga hadlayaan xaalado badan oo dalka ka jira, ayna ka mid tahay arrimaha am niga, shirka la filayo inuu ka qabsoomo Muq disho iyo xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Qoraalka ay soo saareen oo dhinacyo badan looga hadlay, waxey qeyb ka mid ah kaga eed eeyeen madaxweynaha mud do xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farma ajo inuu dalka u horseeday amni xumo isla markaana ay taasi keento in la gu kalsoonaan waayo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxey soo dhaweeyeen shirka ay yeelanayaan dowladda federaalka iyo dow ladaha xubnaha ka ah, taasoo la rabo in xal lo oga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Shirka ay xubnahaas isugu imaanayaan wuxuu ka qabsoomi doonaa teendhada Afisyo oni oo ah halkii lagu qabtay doorashadii uu ku soo baxay FARMAAJO, waxaana kalsooni da rrada ka dhalatay wixii dhacay 19-ka February loo baahday in xubnaha beesha caalamka ay damaanad qaadaan hirgalinta wixii kasoo baxa iyo amniga goobta lagu shirayo.

Dhanka kale Midowga musharaxiinta waxey hay’adaha amniga ku eedeeyeen ka gaabinta hawlahooda, dhanka tabaabushaha, falcelinta iyo baaritaanada, iyagoo tusaale usoo qaatay weerarkii lagu qaaday maqaayadda Luul Yam ani dhawaan.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Kasoo Baxay


Madaxweynaha Uganda oo waraaqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kag uta Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo Do rraad ka gudoomay Safiirka cusub ee Jamhuu riyadda Federaalka u fadhin do ono Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Ca gabaruur).

Safiirka J. F. Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa gudo onsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal ha mbalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uga nda, middaas oo ugu hambalyeenayay muna asabadda dib loogu doortay Madaxweyne Mus eveni.

Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cag abaruur) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi ka soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.

safiirka soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay madaxweymaha Uganda

ICJ oo soo saartay jadwalka dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee mar ka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan ICJ ayaa shaacisay jadwal ku aadan dhageysiga dacwadda badda eedhexeysa wadamada Soo maaliya iyo Kenya.Qoraal kasoo baxay maxka madda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dac wadda uu si toos ah u bilaaban doono 15-ka bi shan March, wa xa a na dooda ku horreyn Soomaa liya. Sidoo kale ICJ ayaa shaaca ka qaaday in wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda uu soc on doono 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sanadka 2021-ka.

Jadwalka ayaa sidoo kale lagu mu ujiyey in wareera 2aad ee dacwad da dib la’isugu soo noqon doono 22-ka, islama rkaana ay doodo so con doonto illaa 24-ka bish an March.

Wareega Koowaad

Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)

Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)

Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)

Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya).

Wareega Labaad

Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)

Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya).

Si kastaba Soomaaliya ayaa dirsatay gudd iga gaar ah oo u qaabilsan dhageysiga dacwad da, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Ha gue, waxaana hoggaaminayo sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Faahfaahin ka soo baxaysa qaraxyo Dorraad ka dhacay Muqdisho

Qaaxyo 2 goor ka kala dhacay magaalada muqdisho xaafado ka mid ah ayaa sheegaya in qaaxa 1aad uu Hal ruux ku geeriyooday labo kal ena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax qabsaday gaari ay wateen shaqaalaha wacyigal inta cudurka COVID19 ee dawladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn xarunta degmada Kaaraan, waxana gaa riga ay wateen shaqaalaha wacyigalinta cudur ka COVID19 ku xirnaa cod baahiyayaal dadka loogu sheegayo inay ka taxadaraan cudurka.

Dhinaca kale Qaax 2aad ayaa isla Dorraad ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa lagu war amayaa in lala eegtay gaari uu leeyahay guddo omiye ku--xigeenka degmada Yaaqshiid.

Qaraxan oo ka dhacay isla gudaha degmada Yaaqshiid ayaa la sheegay inuu ka dhashay kha saare dhimasho iyo dhaawacba lehoo soo gaa ray dad shacab iyo askar isugu jira.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulsha da degmada Yaaqshiid oo lagu magaca abo Cabdullaahi Shiiloow ayaa lagu waramayaa in uusan xiligaa la socon gaariga la bartilmaameed saday. Qaraxan ayaa imaanaya kaddib mar kii galinkii hore ee Dorraad qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen koox caafimaad oo dadka ka wacyigalisa khatarta cudurka Covid 19, wax aana ku dhintay qaraxaasi Darawalkii waday ga ariga. Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Go bolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Kaaraan oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay gaari ay la socdeen shaqaalaha Wacyi-gelinta Cudurka COVID-19 ee Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooy inka Gobolka ka bilaabay olole dadka looga wac yi-gelinayo Cudurka, isla markaana waxaa deg mooyinka Gobolka dhex wareega gaadiid ay ku xiran yihiin Mikaroofano, waxaana markii ugu ho rreeysay ee Muqdisho lagu qarxiyo gaari wacyi-gelin wada.

Waxaa beyahaan ku soo badanaya qaaxy ada iyo dilalka ka dhacay magaalda muqdisho

Dahabshiil Group oo ka jawaabtay baaqii DF, kuna wareejisay Oxygen

Shirkadda Dahabshil Group oo ka jawaabe ysay baaqii wasaarada caafimaadka Soomaa liya, ayaa Oxygen gaarsiisay qaar ka mid ah isb itaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ri tay cudurka COVID-19, sida lagu sheegay qor aal kasoo baxay. Hoos ka aqriso war-saxa fa deedka.

Warsaxaafadeed

Shirkadda Dahabshil Group oo u damqanee ysa bulshada Soomaaliyeed ayaa ka jawaabtay baaqii wasaarada caafimaadka, kaa soo ahaa in si degdeg ah loo soo gaarsiiyo Oxygen isbitaala da lagu baxnaani yo bukaan ada uu soo ritay caabuqa Co vid 19. Waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu danbee yay Oxygen yari ay ka jirtay isbitaalada lagu dab iibayo bukaanada qaba Covid 19. Taasoo si siman looga dareemay go’naanta Oxygen-ta guud ahaan isbitaalada dowlada & kuwa gaarka loo leeyahay.Waxaa Oxygen la’aan darted u geeriyooday boq olaal bukaan kuwaasoo u baahnaa gargaar degdeg ah in loo fidiyo islamarkaana lala garo Oxygen bukaanada Covid 19 si ay neef la’aan ugu dhiman.

Shirkadda Dahabshil Group oo si degdeg ah uga soo jawaabtay baaqii dowlada soomaal iya, sidoo kale ahmiyad gaar ah siisay baahida ay qabaan shacabka soomaaliyeed xiligaan ad ag ee lagu jiro iyadooo bulshadu isugu darsan tay Coovid 19 mowjadiisii 2aad, abaaro & biyo la’aan ku habsaday gobolada koonfurta & bart amaha soomaaliya qaarkood.

Dahabshil Group ayaa ugu deeqday wasaa rada caafimaadka & isbtaalka martini warshad dhalisa Oxygn-ta, taasoo ay ka faa’ideysan kara an malin kasta ilaa 250 bukaaan.

Shirkadda dahabshil Group ayaa xal la tab an karo u heshay mushkiladii oxygen-la’ aanta ka jirtay isbitaalada lagu daweeyo bukaanada uu soo ritay Cudurkaan Halist ah ee Covid 19.

Dahabshil Group ayaa balanqaaday Qarasha ku baxaya rakibida (PSA Oxygen System) & Hab sami usocodka shaqooyinka maalinlaha uu Ma chine-kaan qabanaayo Waxaa intaas dheer ci lad bixintiisa hadii ey cilad ku timaado.

Sidoo kale shirkadda dahabshil Group ayaa waxa ay haatan olole biyo dhaamin ka wadaa gobalka Gedo oo laga soo sheegayo abaar ba ahsan & biyo yari saameeyay dadka iyo duu nyada intaba.Horaantii sanadkii tagay ayey ah eyd markii ay Dahabshil Group ugu deeqday ga ari Ambul ance Hyundai casri ah (Zero Mile) ka asoo ka qe ybqaatay ololaha gurmadka bukaa nadii uu hale elay caabuqa Covid 19 Heerkiisii 1aad ee sanadka 2020.

Xildhibaankii 2-aad oo ka tirsan BF Somalia oo 24 saac gudahood geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa caawa dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa geeridiisa waxaa xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, oo katirsan Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Wadanka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga Facebook ee madaxtooyada Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Alla ha u Naxariistii Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, waxaa uu kamid ahaa aas aasayaa shii Jubaland, isagoo wakhtigiisa iyo naft iisaba u huray dhismaha Jubaland. Madaxweyn ahu wuxuu tacsi u dirayaa dhaammaan Shacabka Jubaland, iyo gaar ahaan qoyskii, qaraabadii, iyo Saxiibadii uu marxuumku ka baxay.”

Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo maanta ka baxay golaha shacabka, waxaana maanta magaalada Baydhaba ku geeriyooday Xildhiba an Maxamed Maxamuud Boonow.

Xildhibaan Boonow ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi.

Xildhibaan Boonow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii.

Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya


Queen Elizabeth oo sheegtay inay ka naxday eedihii Amiir Harry iyo Meghan

Boqortooyada UK ayaa Talaadadi Dorraad sheegtay, in eedaha la xiriira midab-takoorka ee ay horraanti todobaadkaan amiir Harry iyo xaas kiisa Meghan sheegeen in lagula kacay, ay yi hiin kuwo laga walaaco, isla markaana boqo rtooyada ay arrintan si khaas ah ay u xallin do onto.

Bayaan kasoo baxay xarunta looga taliyo boqortooyada UK ee Buckingham Palace, isla markaana ku saxiixneyd boqoradda, Queen Elizabeth-ka labaad ayaa lagu sheegay, in dhammaan xubnaha qoyska boqortooyada ay ka naxeen dhibta ay sannadki tagay muteen Harry iyo Meghan, gaar ahaan arrinta la xiriira isir-takorka.

Wareysi ay horraanti todobaadkaan amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan Markle siiyeen sax afiyadda caanka ah ee dalka Mareykanka Oprah Winfrey, ayay ku sheegeen, in boqort ooyada ay ku guuldarreysatay in ay difaacdo oo ay caawiso Meghan marki ay caloosha ku sid day wiilkeeda Archie.

Meghan ayaa sidoo kale shaaca ka qaa dday, in xubin ka tirsan qoyska boqortooyada oo aysan magac-dhabin, uu wax iska-weydiiyay midabka uu yeelan doono wiilkeeda oo ay markaasi caloosha ku sidday. Wareysigan oo aad u dheeraa ayaa habeenkii Axadda laga daa waday Mareykanka, halka Isniintiina laga baahi yay UK. Amir Harry ayaa ah mid ka mid ah wiil asha uu dhalay dhaxal-sugahaya boqortooyada Britain, Amiir Char les. Sannadki 2018-ki ayay isaga iyo xaaski isa go’aansadeen in ay wareejiyaan xilka boqortooyada, kaddi na u guureen Cana da, balse ugu danbey nti waxay u xuubsiib teen dalkaan Marey kanka oo ay hadda ku noolyihiin.

Xisbiyo ka tirsan gobolka Oromada oo ku dhawaaqay inay qaadaceen doorashada Itoobiya

Laba xisbi oo kamid ah kuwa ugu waaweyn deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyay inay qaada ceen doorashada guud ee dalka Itoobiya lagu wado inay ka dhacdo horraa

nti bisha June ee sanadkan.

Xisbiga OLF ayaa sheegay in dowladda ay dhibaato joogta ah ku hayso madaxdiisa, isla markaana aanay xilligan u suuragali karin inay ka qeyb qaataan doorashada dalka oo ula muu qata mid aan ku dhici doonin jawi xor ah. Doorashada Itoobiya ayaa dib uga dhacday xilli gii loo asteeyay oo ahaa August 2020.

Piers Morgan oo shaqadiisa ku waayay hadal ka dhan ah Meghan Markle

Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Ingiriiska ayaa ka tegay shaqaduu u hayay barnaamijka Good Mo rning Britain ee tilefishin ka ITV, kadib muran ka dha shay faallo uu ka bixiyay xa aska amiir Harry, Meghan Ma rkle.

Weriyaha ayaa barnaam ijkaas daadihinayay muddo 6 sano ah.

Telefishinka ITV ayaa shaaciyay go'aanka uu shaqada uga tagayo Piers Morgan, kadib markii in ka badan 41,000 dacwadood laga gudbiyay faalladiisa ku aaddan Meghan.

Barnaamij uu tebinayay Isniintii ayuu Morgan ku sheegay in "uusan hal kalmad ka rumaysan" waraysigii ay Meghan siisay Oprah Winfrey ee ay uga hadashay dhibaatada maskaxeed ee soo wajahday.

Maamulka ITV ayaa u sheegay BBC in bixi taanka Morgan uu saameyn ku yeelan doono barnaamijkaas subixii la sii daayo, balse waxa ay ka gaabsadeen inay sheegaan cidda la war eegaysa kaalinta uu baneeyay.

Piers Morgan iyo Alex Beresford oo saadaa sha hawada u tebiya ITV ayaa isku qabtay faal lada ka dhanka ah Meghan, waxaana Beresford uu ku dhaliilay Morgan inuu "sii wado magac-dil ka" ka dhanka ah xaaska amiir Harry.

Dood kulul kadib, Morgan ayaa isaga baxay barnaamijka uu waday, inkastoo uu dib hawada ugu soo laabtay 10 daqiiqo kadib.

Madaxa ITV, Dame Carolyn McCall, ayaa sheeg tay inay "rumaysan tahay waxa ay sheegtay Me ghan," iyadoo intaa raacisay in telefishinka uu garawsan yahay dhibaatada xanuunnada dhimir ka.

Muxuu yiri Piers Morgan?

Barnaamijka Good Morning Britain ee baxay Isniintii ayaa Morgan waxa uu ku soo qaatay eedeyn ay jeedisay Meghan Markle oo ahayd in caawinaad ay ka weyday sarkaal sare oo ka tirsan qasriga Buckingham Palace, ayna ka fek ertay inay is disho.

"Qofkee ayaad u tagtay? Maxay ku yiraahd een? Waan ka xumahay, ma rumaysan karo kal mad ay sheegtay Meghan Markle. Ma rumays anayo xitaa haddii ay ii akhriso wararka saada asha hawada," ayuu yiri Morgan.

"Waxaan ceeb weyn u arkaa in ay weerar in taa dhan ku qaado qoyskeena Boqortooyada," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kadib markii ay dad badan caro ka muujiy een faallada Morgan, ayaa waxa uu sheegay in "weli uu walaac badan ka qabo waxa ay sheeg tay Meghan".

In ka badan 41,015 dacwadood oo ka dhan ah Piers Morgan ayaa loo gudbiyay hay'adda kor-joogteysa warbaahinta ee Ofcom maalmihii Isniinta iyo Talaadada.

Waa dacwaddii labaad ee dad intaa dhan ay u gudbiyaan Ofcom 17-kii sano ee ay hay'ada asi jirtay. Waxaa kaalinta koobaad weli ku jirta dacwadii laga gudbiyay Jade Goody iyo Shilpa Shetty oo qeyb ka ahaa barnaamijkii Celebrity Big Brother ee 2007. 44,500 oo dacwadood aya lagu gudbiyay maalmo gudahood. Piers Morgan ayaa horay looga eryay war baahinta ay ka mid tahay Mirror, kadib markii 2004 uu ansixiyay daabicidda sawir been abuur ah oo muujinaya askar British ah oo si xun ula dhaqmaya maxaabiis Ciraaq u dhashay.

Kylie Moore-Gilbert: Intii ay ku xirnayd Iran 'waxaa laga dalbaday in ay jaajuus noqoto'

Aqoonyahanad haysata dhalashada dalalka Britain iyo Australia, oo Iran ugu xirnayd jaaju usnimo, ayaa sheegtay in dowladda dalkaas ay ka dalbatay in ay basaas u noqoto, intii ay ku xirneyd Tehran.

Kylie Moore-Gilb ert ayaa sidoo kale muddo 7 bilood ah lagu hayey xarun gaar ah oo loogu gaystay "jirdil" taas oo ku kaliftay in ay ka fikirti inay is disho.

Waxaa lagu xiray Iran bishii Sebtember, san nadkii 2018-kii xilligaas oo lagu xukumay 10 sa no oo xarig ah.

Balse waxaa lagu sii daayay qorshe maxaab iis lagu kala wareegsaday bishii November ee sannadkii la soo dhaafay.

Wareysi ay siisay Sky News Australia, Mo ore-Gilbert waxay ku sheegtay in ciidamada ila alada kacaanka ee Iran ay "marar badan isku dayeen inay u noqdo jaajuus" si ay xoriyadeeda u hesho.

"Waan ogaa in sababta aysan wax wada xaajood ah oo macno leh ula galin Australia ee ku saabsan siideynteyda ay ahayd in ay doo nayeen inaan u noqdo basaas, waxay doona yeen in aan ugu shaqeeyo iyaga jaajuus aha an," ayay u sheegtay Sky News Australia.

Waxay sidoo kale sharaxaad ka bixisay sidii ay dareemeysay intii ay ku xirnayd meel cidlo ah. "Waa jirdil dhanka maskaxda ah. Gebi ahaa nba waad waalanaysaa. Waa wax aad u xun," ayay tiri.

"Waxaan dareemay haddii aan u adkaysto maalmo kale. Waad ogtahay haddii aan awoodi lahaa in aan isdili lahaa. Laakiin dabcan weligay iskuma dayin, waligayna ma qaadin tallaa badaas," ayay raacisay.

Markii ugu horeysay ee ay hadasho, waxay sheegtay in ay ka fiirsaneysay inay xabsiga ka baxsato, laakiin waxay tilmaamtay inay go'aan satay joojinta fikirkaas maadaama ay ku labi sanayd dharka xabsiga. Waxayna ka baqeysay cawaaqibka ka dhalan kara haddii la qabto.

Iran, sanadihii la soo dhaafay waxay xirtay tiro dad ah oo ajaaniib ah, kuwaas oo badanko oda lagu eedeeyay dambiyo jaajuusnimo ah.

Kooxaha xuquuqda aadanaha iyo dowlado ayaa xukuumadda tehran ku eedeeyay inay kiisaska u adeegsaneyso sidii ay uga faa'iidey san laheyd tanaasul ka imaaneysa dalal kale.

Qof ahaa Shaqaale samafal oo u dhashay Britain, asal ahaanna ka soo jeeda Iiran, Naza nin Zaghari-Ratcliffe, ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu soo oogay dacwado basaasni mo, sanadkii 2016-kii.

Horraantii toddobaadkan, waxaa laga qaa day xukunkeedii shanta sano ahaa, in kastoo maxkamadeyn hor leh oo cusub loo qorsheeyay Axadda soo socota.

Xigasho:bbc



MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE INGIRIISKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay sal aan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farm aajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Sooma aliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi

AMNESTY;”MAAMULKA PUNTLAND WAA IN UU JOOJIYO XARIGGA IYO TACADDIYADA KA DHANKA AH WERIYEYAASHA”

Ha’yadda caalamiga ah ee arrimaha xuquuqul insaanka ee Amnesty ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu weerar ku hayo weriyeyaasha isla markaana handdadaad iyo tacaddiyo u geystay qaar kamid ah weri yeyaasha ka howlgala deegaanadaas.Amnesty waxay sheegtay in afar weriye labadii bilood ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Waxay walaac ka muujisay dhibaatada lagu hayo saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha maamulka Puntland. "Arrinta sare u kaceyso ee ku saabsan weriyeyaasha lagu xirayo Puntland waxay muujineysaa inay socdaan howlgallada ka dhan ah saxaafadda madaxabanaan, xiritaankan wuxuu saameynayaa shaqada weriyaha ee xilliggan doorashada” ayaa la gu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Amnesty.

Ha’yadda Amnesty ayaa ugu baaqday maamulka Puntland in uu jooj iyo xarigga iyo tacaddiyada ka dhanka ah weriyeyaasha ka howlgala halkaas.

"Mas’uuliyiinta waa inay qaddariyaan, dhowraan, kuna dadaalaan ilaal inta xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda madaxabanaan”

Dhowaan ayaa maxkamad ku taal magaalada Garowe waxa ay ku xukunt ay saddex bil oo xarig ah Kilwe Aadan oo ka mid ah weriyaasha ka howl gala Puntland.


DOWLADDA XAGEEDA WAAN KA DHINTAY’ MAXAY HAWEENEYDAN UGU DAGAALLAMEYSAA SI AY U CADEYSO IN AY NOOSHAHAY?


Dhibaatada i haysata waxay tahay in la shaaciyay geeridayda aniga oo nool," Ayey tiri, Jeanne Pouchain. Waxay u muuqan kartaa arrin aan caadi aheyn balse taasi waa sida saxda ah ee ku dhacday haweeneydan 58 sano jirka ah oo ku nool meel u dhow magaalada Lyon ee dalka Faransii ska. Sidaas darteed, kaarkeedii aqoonsiga iyo liisanka gaariga ayaa u shaqayn waayay, waxaana dhamaan qadka laga saarayay warqadihii aqoonsiga iyo kuwii caymiskaba ee ay haysatay.

"Waan dhintay!. Maxkamadaha, hay'adaha dawlada, dhankooda waan ka dhintay"

Iyadoo la hadlaysay mid ka mid ah TV-yada maxalliga ah waxay inta as ku dartay: "Waxaan dareemayaa in aan kujiro cadaab."

"Banaanka uma baxo sababtoo ah ma garanayo waxa dhici kara had dii la i xiro, haddii aan dhibaato aan la kulmo. Haddii aan u baahdo inaan wax iibsado, madaxayga ayaan hoos u dhigaa ama waxaan aada xilliga la xiraayo dukaamada, si dhakhso ahna waan uga soo baxaa."

"Ninkayga ayaa adeegga doono. Kuma dhiiran karo in aan aado, sidii aan horay u samayn jiray oo kale. Waxaan toosaa subaxii mana sugi karo inta maalinta ay iga dhammaaneyso."

Tani maahan dhibaato dhowaan dhacday, Jeanne waxa si rasmi ah loo shaaciyay geerideeda seddex sano ka hor.

Geeri ama nolol

Jeanne Pouchain

Markii ay ogaatay in aysan sharci ahaan noolayn, waxay ahayd, sida aad qiyaasi kartaba arrin naxdin ah.

Dhibaatada haweenaydan ayaa billaabatay markii ay dacwaysay qof sha qaale hore ka ahaa meeshii ay ka shaqeyneysay.

Jeanne waxay ka shaqeyn jirtey shirkad nadaafadda qaabilsan. Qof ka shaqeyn jiray shirkaddaas, ku dhowaad 20 sano ka hor, ayaa dalbatay magdhow.

Kiiskan ayaa sanado badan soo jiitamayay, tan iyo markii maxkamad ku taal Lyon ay xukuntay 2017-kii in magdhowga la bixiyo.Jeanne ayaa sheegtay in waligeed aan looga yeerin dhageysiga dacwadda sidaa dart edna aysan awoodin inay bixiso magdhawgii ay maxkamaddu amar tay.Markii ay hortagi wayday maxkamadda, waxaa loo diiwaan geliyay in ay dhimatay, balse ninkeeda iyo wiilkeeda ayaa loo sheegay inay bixi yaan $17,000 oo magdhow ah.

Saamaynta xukunka wuxuu isu beddelay mid ka badan dhaqaalaha.

"Wax walba waa sidii xarun dagaal," ayay tiri.

"Waxan joojiyay inaan banaanka u baxo, guriga ayaan iska joogay mar walba.

"Marka uu qof garaaco albaabka, waan isqariyaa sababta oo ah waan baqayaa. Ma garanayo wararka kale ee xun ee soo socda," ayey tiri.

Laba jeer uun baad nooshahayJeanne Pouchain

In ka badan seddex sano Jeanne waxay isku dayeysay in ay ku qanciso maamulka Faransiiska in sharciyadeeda iyo warqadaha aqoonsiga ay dib ugu soo celiyaan."Waxaan rabaa in aqoonsigeyga dib la iigu soo celiyo. Aqoonsigayga waa la iga qaatay. Waxaan rabaa in aan nolosheyda dib u helo, qoyskeyga dib u helo, ninkayga, wiilkeyga iyo asxaabtayda." Toddo baadkii la soo dhaafay, maxkamad ayaa dhageysatay qareenkeeda wuxuuna u soo gudbiyay sheegasho ah in rikoor been ah laga qabtay garsoorka Faransiiska. Kooxda u doodaysa Jeanne waa in ay cadeeyaan sax ahaanshaha dukumintiga maxkamada ee sheegaya in ay dhimatay si ay u rogto xukunkii hore ee ku tilmaamayay in ay dhimatay.

"Arrinta ugu muhiimsan waa in la caddeeyo in aan noolahay; in la caddeeyo in aan ahay qof jiro," ayay tiri.

Mustaqbalka

Qofna ma sheegi karo sida dhabta ah ee xaaladdu ku timid.

Qareenka Jeanne Sylvain Cormier, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, wuxuu ku doodayay: "In shaqaalihii hore ee dacweeyay ay tiri Mrs Pouchain way dhimatay, iyada oo aan keenin wax caddeyn ah, cid walbana way aamintay".

Balse qareenkeeda wuxuu ku eedeynayaa Jeanne in ay gacan ku leeda hay dhimashada been abuurka ah.

Waxay ku doodaysaa in ay been abuur samaysay si ay uga fogaato dacwadda, oo ay ka mid tahay in ay diiday inay ka jawaabto waraaqaha maxkamadda. Labada dhinacba midba midka kale wuxuu ku eedeynayaa qaabka ay wax u dhaceen.

Cid kasta oo eedda lehba, hal arrin ayaa muuqata oo ah mid cad, Jeanne ma aysan dhimanin.Xigasho:bbc

Xildhibaankii 2-aad oo ka tirsan BF Somalia oo 24 saac gudahood geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa Xalay dalka Turkiga ku geeriyooday Xil dhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shac abka ee baarlamaanka Soomaaliya Marxuumka oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa geeridiisa waxaa xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxwey naha Jubbaland Axmed Madoobe.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxa med Islaam, waxaa uu ka tacsiyayna yaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxa riistee Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, oo kat irsan Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Wad anka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baa hiyey bogga Face book ee madaxtooyada Jubba land.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Alla ha u Nax ariistii Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray dhismaha Jubaland. Madax weynahu wuxuu tacsi u dirayaa dhaammaan Shacabka Jubaland, iyo gaar ahaan qoyskii, qaraabadii, iyo Saxiibadii uu marxu umku ka baxay.”

Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo maanta ka baxay golaha shacabka, waxaana maanta magaalada Bay dhaba ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow.

Xildhibaan Boonow ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi.

Xildhibaan Boonow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowla dihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Sha riif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee l BFS ka soo tirsanaa tan iyo sanadkii 2012-kii.

Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galb eed Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip