HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES DAIL 23 FEB 2021

0
Tuesday February 23, 2021 - 10:09:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES DAIL 23 FEB 2021

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Villa Somaliya oo soo saartay qoraal ku socda Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Shalay farriin culus u dirtay madaxda Puntland iyo Jubaland, ayado ka dalbatay inay yimaadan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb gala an shirweynaha uu Dorraad furay mad axweynaha waqtigi isu dhamaad ay, Max amed C/hi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda mar kale ugu yeerayso Madaxweyneyaasha D/G/ya da Puntland iyo Jubaland inay ku soo bii raan shirka wadatashiga ah ee lagu dham meystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhi geen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

"DFS iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan D/G/yada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socod ka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa weli ku adkeysanaya in shirkii Muqdi sho ee uu hore ugu baaqay, islamarkaana uu Dorraad furay ay soo xaadiraan mad axda ka maqan, si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada, ayada oo xaalada caa simada ay cakiran tahay.

"DFS waxaa ka go’an in dalka loo jihe eyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiis kii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda DF iyo D/ G/yada ku gaareen M/Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas”.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa iy agu ka deyrinaya xaalka dalka, gaar ahaan M/Muqdisho oo dhamaadka 7adkii hore uu iska hor-imaad ku dhexmaray ciidamada do wladda iyo Musharaxiinta mucaaridka.

DFS oo hormuud ka yahay Farmaajo ay aa Dorraad furay shir ka dhacay Madaxto oyada, kaasi oo ay ka qeyb galeen mada xweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo K/Galbeed oo iyaga lagau tiriyo hogaami yeyaal taabacsan madaxwyenaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu Habeen hore madaxweynaha Puntland sheegay in arrimo la xiriira amniga uu uga baaqsaday tagitaanka Muqdisho, lamana oga sida ay uga jawaab celin doonaan maamuladan dhawaaqan cusub ee kasoo baxay Villa Somalia.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Far riin U Diray Ciidanka Asluubta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee B/F/Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.Ca bdiraxmaan ayaa ham balyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluub ta Soomaaliyeed u dir ay sarreeyayaasha, saraakiisha,saraakiil xi geenadda,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin amniga iyo xas ilinta guud ahaan Dalka, isagoo guud aha an ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo ho gaankooda u rajeeyay horumar.

Sidoo kale Wasiirka Caddaalada XFS Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nuur ayaa isna hambalyo ku saabsan sanad guu rada 51 aad aas aaskooda u diray ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Shalay u dabaal degaya sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay Markii la aas-aas kay Ciidanka, waxaana Munaasabad loo dhigi lahaa loo baajiyay sababo la xiriira Cu durka halista ah COVID-19.

Midowga Musharaxiinta oo ku dhawa aq ay dibad-bax kale oo ka dhacaya Muqdi sho

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shalay kulan ay ku ye esheen magaalada Muqdisho uga dhawa aqay in banaanbax nabadeed ay ku qaban ayaan taalada Daljirka Dahsoon.

Midowga waxey sheegeen in banaanb axaan looga gol leeyahay iney ku dalbanay aan qabashada doorasho xor ah oo xalaal ah, uuna 26-ka Febraayo ka dhacayo taal ada Daljirka Dahsoon.

Dibadbaxn ayaa imanaya ayada oo do wladda ay horay u hor istaagtay banaanbax ay isla midowga iclaamiyeen jimcadii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id ku sheegay ineysan wali ka tanaasulin midowg ooda banaanbixii nabadeed oo ay horay u gu baaqeen, wuxuuna mar kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isugu yim aado taalada Daljirka Dahsoon ee dag mada Boondheere.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in bana anbaxa uu yahay mid dastuuri ah, qof wal bana uu xaq u leeyahay inuu si xor ah ku soo bandhigi karo aragtidiisa, wuxuuna ka digay in mar kale la hor istaago banaanb axaas. Mar kale ayuu Shariif ku celiyay in sii hay aha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka ku heysto xukun Militari, sidoo kalana wuxuu saraaki isha ciidanka ugu baaqay inaan loo ade egsan wax aan sharciga waafaqsaneyn.

Jimcadii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneed 19-ka February ayey aheyd markii ay dowladda diiday in banaanbax nabadeed lagu qabto Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu eedee yay iney weerareen hotel ay daganaaayeen laba madaxweyne hore iyo gudoomiye Baarlamaan hore, sidoo kalana waxey ras aas ku kala eryeen shacab, musharaxiiin, xi ldhibaano iyo siyaasiyiin banaanbax ku dhi gayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Lama oga tallaabada ay dowladda qaadi doonto iyadoo walaaca laga qabo xaaladda dalka, gaar ahaan Muqdisho ay tahay mid aan wanaagsaneyn.

Beesa caalamka oo caadis xoogleh saa reysa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Beesha caalamka ayaa billowday in cadaadis xoogleh saarto madaxweynayaa sha maamullada Puntland & Jubbaland oo weli ka maqan shirka wada-tashiga M/Muqd isho ee u dhexeeyo dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in wufuud ka socota beesha caalamka ay saacadihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Garo owe ee xarunta gobolka Nugaal. Wafdigan ayaa Shalay kulan gaar ah la leh Siciid Deni, iyaga oo kala hadli doono ka qeyb-gal ka shirka golaha wada-tashiga qaranka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale oo ka socda beesha caalamka ay kusii jeedaan dhanka Kisma ayo, si ay u wajahaan Axmed Madoobe oo weli si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hannaanka doo rashooyinka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa dada lkooda isugu geynaya sidii la’isugu soo dho weyn lahaa dhinacyada ka qeyb-galaya shi rka doorashooyinka, si xal loogu wada-gaaro.

Puntland & Jubbaland ayaa weli tabasho xooganka tirsanaya madaxda Villa Sooma aliya, waxaana saacaihii ugu dambeeyey hadallo kulul usoo mariyeen dhinaca war baahinta.


Muxuu James Swan ku sheegay warbi xintii uu u gudbiyey Golaha Ammaanka?

Ergayga gaarka ah ee Q/Midoobay u qa abilan Soomaalia James Swan ayaa she egay in xiisadda siyaasadda ee sii caki rm aysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay ho ru markii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

Swan waxa uu walaac ka mu ujiyey iska hormaadka, xeela daha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooar shada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaib aadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

Waxa uu sheegay in loollalnka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Waxa uu shegya inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahad allada.

Waxa uu ku celiyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab so cda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu u gu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wa da hadlaan.

Dhinaca kalena, wakiilka dawladda Mar aykaka ayaa sheegay inay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka faa ’iidaystaan fursadaha, ayna taasi tahay tan ugu degdeg badan inay nabadda ku horm ariyaan.

Waxa uu sheegay in hubanti la’aanta ka taagan dorasada ay dib u dhac ku noqotay wada-hadaladii qaran.

Wakiilka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaaqooyinka ka dhacay waddooyinka Muqdisho ay yihiin tusaale u gu dambe eyey inay ka iman karto halis ah in waddanku deganaansho la’aan galo, Waxa uu sheegay in Maraykanku ay kasoo horjeedaan gacan ka hadalka.Waxa uu ugu baaqay DFS iyo madaxda maamul goboee dyada inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo la gu xallinayo is mari waaga syaasadeed taasi oo sheegay inay halis ku tahay must aqbalka Soomaaliya

C/Raxmaan C/Shakuur "Muqdisho Maa lmo Xanuun Badan Ayaa Ku Soo Wajahan”

Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa Qoraal kasoo saaray khudbadii Habeen hore uu jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabd ullaahi Deni ee uu uga hadlayay xaaladda siyaasadeed dalka Soomaaliya iyo door ashooyinka.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in khudbada Madaxweyne Deni ay banaanka soo dhigtay xaqiiqooyin badan oo la xari iran dowladda Federaalka ee uu hogga amiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Siyaasiga ayaa sheegay in Deni uu uga duwanaa in dareenka tebineed ee khudba ddiisa Habeen hore ee ku sharaxayay shirarkii kala duwanaa ee looga hadlay han naanka doorashooyinka dalka, sababaha keenay in ay fashil ku dhammaadaan, wuxuuna C/raxmaan khudbadaas ku tilma amay mid waayo-aragnimo leh.

"Saciid wuxuu garaacay gambaleeldign iin ah kana turjumaya halista uu dalku marayo. Waxaa lagaa yabaa in qolada Xa mar joogta ay horay u yareysaneysay kha tarta Farma ajo ka imaan karta ama ay isku haleynayaan beesha Caalamka, halka in kale ay is leedahay waqtigiisii waa dhamma aday oo doorasho ayuu ku baxayaa” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa uu int aas kusii daray in Farmaajo uu tijaabiyay fa lceliska ka imaan kara weerarkii lagu qaa day Gurigiisa 17-kii Dec 2017 iyo weerarkii lagu qaaday Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo ku sugnaa Hotel Maa’idda.

"Saciid wuxuu fashiliyey shirqoolka Far maajo ee doorasho beenaadka. Farma ajana wuxuu ku qasban yahay in uu xawligii uu xukunka xoog ugu joogi lahaa sii labanla abo. Muqdisho maalmo xanuun badan ayaa ku soo wajahan, haddii in aysan barara arugin inta Farmaajo u shaqeysa ama la shaqaysata ee reer Muqdisho ah” ayuu sii racsiiyay Qoraalkiisa CC Shakuur oo ka hadlaayay khudbadii Deni uu ka jeediyay Garoowe.

Xigasho:-radiodalsan.com

Sheekh Shariif "Cid Aan U Wakiilanay Inay Codkeena Ku Hadasho Ma Jirto”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Guddoomiyaha Guddiga Musharaxiin ta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa farriin ma hadcelin ah u diray Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Pun tland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Sheekh Shariid ayaa 2da Madaxweyne ma amul Goboleed uga magadceliyay mowqif ka ay ka qaateen xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan doorashada.

Madaxweyne Deni ayuu Shariifka ku boggaadiyay khudbadii Habeen hore uu jeediyay ee ku sharaxayay arrimo badan oo la xiriira doora shooyinka iyo xogo uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo doo nayo inuu xoog ku qabsado dalka, dibna loo doorto.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif inuu sii dhimanayo heshiiskii laga gaaray doora shada dalka 17-kii September 2020 doora shada, wuxuuna Carabka ku dhuftay in aan dalka loo wadin doorasho ee la doonayo xukun Milateri lagu maamulo.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu Ciidamada dow ladda Federaalka qeybahooda kala duwan uga digay in loo adeegsado danno gaar ah oo siyaasadeed, isaga oo ugu baaqay inay ka waantooban falalka aanan wanaags aneyn.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa sha aciyay in aysan jirin cid aan ka tirsaneyn Midowga Musharaxiinta oo ku hadli karta magaca Musharaxiinta Madaxweynaha iyo afkooda intaba, isagoo u muuqday inuu ka Jawaabayay Eedeyn uga timid Dowladda Federaalka.

Hadalkaan ayaa waxaa uu kusoo aad aya, iyada oo maalmo kahor Gen. Indha-ca dde oo wata Ciidamo Milateri ah sheegay in dalka aysan ka jirin dowlad, xiligaas uu la wareegay Taalada daljirka Daahsoon oo lagu qaban lahaa banaanbixii Musharaxiin ta ay ku dhawaaqeen ee dowladda is hor ist aaga ku sameeysay.


Maxay ka wada-hadleen Cali Guudlaawe iyo Shariif?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir Shabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudl aawe) ayaa hoygiisa ku booqday madaxw eynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah gudd oomiyaha midowga musharraxiinta.

Ujeedka Cali Guudlaawe uu Habeen hore ugu tegay Sheekh Shariif Sheekh ayaa ah aa booqasho isugu jirto salaan iyo is xog-wareysi ku aadan xaaladda uu dalka marayo.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wa da-hadlay xaaladda dalka iyo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashada dal ka ee sanadkan 2021-ka.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen rab shadihii dhowaan ka dhacay magaalada Mu qdisho & dibad-baxii laga hor istaagay xub naha musharraxiinta mucaaradka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii dara ya in labada mas’uul ay ku ballameen kul amo kale oo looga arrinsayo xaaladda adag ee lagu jiro, siiba marxalada kala guurka ah.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa horey ula kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wa da-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Guudlaawe waa madaxweynihii labaad ee dowlad goboleed ee la kulma hoggaanka midowga musharraxiinta, kadib rabshadihii ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho.

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Sal dhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Halgan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu Habeen hore ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Ito obiya ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Hii raan, waxaan halkaas ka dhacay dagaal dhowr daqiiqo socday.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku war rameen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isdhaafsanayeen labada dhinac, wallow markii dambe ay istaagtay, sidoo kalena ay sheegi karin khasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii habeenkii Habeen hore aheyd dhexmaray Ciidanka Itoobiya iyo Al-shabaab, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa horey sidaan kale dhowr mar weeraro ku qaaday Saldhigyo Ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay dhexmareen daga alo khasaaro geystay.

Xukuumadda Oo Baaq U Dirtay Shacab ka M/Muqdisho

Wasiir ku-xigeenka Gadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya Xirsi Aadan Rooble ayaa ka hadlay soo laba kacleynta Cudurka halista ah ee COVID-19 oo siweyn ugu faafay gudaha dalka.

Wasiir ku-xigeenka Xirsi Aadan ayaa sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay xaalad halis ah oo aan daawo laheyn uuna dhibaato ku yahay aduunka oo dhan ah, looga baahan yahay marka hore shacabka Soomaaliyeed aaminaan inuu Cudurka jiro.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Wasiir ku-xigeenka sheegay in aysan ku baarugsaneyn halista uu leeyahay Cudurka, isla markaana uu si weyn ugu faafay gudaha Magaalada Muqdisho oo si maalinla ah kiisas badan looga diiwaan-gelinayo.

Wasiir ku-xigeenka Gadiidka iyo duulista Hawada ayaa shacabka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay ka hortegaan faafida COVID-19 oo ay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo oo ay kala fogaadan, ayna xirtaan afka, joojiyaana isku imaatinada.

Gaba-gabadii Xirsi Aadan Rooble ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlado kale ay iska kaashanayaan sidii looga hortegi lahaa soo laba kacleynta uu sameeyay xanuunka, xili Dorraad dalka ay Cudurka ugu geeriyootay 8 qof, sidoo kalena la diiwaan-geliyay in ka badan 150 kiis.

Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay Kiisas Cusub Caabuqa Covid19

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay Kiisaskii ugu dambeeyay ee caabuqa Covid19 laga helay guud ahaan dalka, waxaa na jira Kisas hor leh oo soo kordhay.

24-kii saac ee ugu damb aysay ayaa laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka 2,476 ruux, waxaana laga helay xanuunka 229 qof oo ku kala sugan Gobo lkani Banaadir iyo Gobolada Dalka.

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 2,476,– Laga Helay: 229,– Banadir: 117,– Puntland:63,– Somaliland:46,– Southwest: 2,– Jubaland: 1,– Lab: 137,– Dhedig: 92,– Dhimasho: 6– Bogsashada: 14,– Tirada Gu ud ee Laga Helay: 6,246.-Bogsashada Gu ud: 3,778, -Dhimashada Guud: 208

Al-Shabaab oo deegaanka Yaaq-bari weyne gubtay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabee laha Hoose ayaa sheegaya in dagaal yahanada kooxda Al-Shabaab ay weerar xun ku qaadeen deegaanka Yaaq-bari we yne oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Somalia.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dab qabad-siisay deegaanka, islamarkaana ay ku mareen inay isaga guuraan dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku dar aya inay bas-beeleen guryo fara badan oo ay daganayeen dad shacab ah, sida ay she egeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in arrintan ay ka dambeysay, kadib markii ay dadka deegaanku taageero u fidiyeen male eshiyaad beeleed abaabulan oo dagaal ka la hortegay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Ma jiro wax khasaare ah nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan, marka laga reebo gubashada deegaanka Yaaq-bari we yne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, ma na jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhi na ca maamulka gobolka iyo saraakiisha cii da mada dowladda oo ku aadan falkaasi.

Xigasho:casimadda.net


Ireland Oo Si Kulul Uga Hadashay Awoodii DFS U Adeegsatay Musharaxiinta

Safiirka dowladda Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee QM.Amb. Byrne Naso ayaa si kulul uga hadashay rabshadihii maalmo ka hor ka dhacay M/Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa daacad u ah Musharaxiinta.

Safiir Amb. Byrne Naso oo ka hadleysay kulankii Golaha Ammaanka xalay ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in waddooyinka Muqdisho laga maqlayay dhawaqa hub aan lagu rideyn Al-shabaab, isla markaana loo ridayay danno siyaasadeed.

DF ayey ku eedeysay Byrne Naso inay Awoon Ciidan u adeegsatay dad banaanbax ka waday M/Muqdisho oo ula jeeday banana baxayaal ay hoggaaminayeen Musharaxiinta Madaxweynaha qaarkood oo la rasaaseeyay.

"Waddooyinka Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa laga maqlayay dhawaaqa hub culus, laguma rideyn Al-Shabaab,laakiin waxaa loo ridaayay dano siyaasadeed, waxaan aragnay in DF ay ciidamo ku daadgureysay bannaan baxayaasha”ayay tiri.

Mar ay Byrne Naso la hadleysay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa tiri "Wasiir, waxaan arkaa inuu shaashadda ka baxay, waxaan aaminsanahay inaad nala socoto. Wasiir, waxaan rabaa inaan tiraahdo waa idinku raacsan nahay in rab shadahan aan la aqbali karin.

waxayna dhaawaceysaa nabada, amniga iyo xasiloonida dalkaaga, waxay halis gelineysaa dadka rayidka ah”.

Safiirka Ireland u fadhida G/Ammaanka ee QM ayaa ugu baaqday Madaxda Soomaalida inay xal ka gaaran xaaladda cakiran ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khalalaaso iyo dib u dhac, lagana shaqeeyo nabadda .

Ilhaan Cumar Oo Warbixin Kasoo Saartay Xaaladda Ka Taagan Itoobiya

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Gudida Arrimaha dibada ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan.

Xildhibaanda ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya, waxaana ay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada

Xukuumadda Itoobiya ayey fartay maxaabiista ula dhaqantao si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo.

"Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo” ayay ku tiri warbixin xafiiskeeda la soo baxday.

Waxa kale oo warbixintaa ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.

CABDIRAXMAAN CAYNTE OO SHEEGAY WAD DO ‘UU HUBO’ INUU FARMAAJO ‘QAADI DOO NO’

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal kasoo saaray xaalada cakiran ee dalka iyo dimuq uraadiyadda curdinka ee Soma liya.

CabdiraxmaanCaynte ayaa madaxweynaha waqtigiisu dha maaday, Maxamed

Cabdullaahi Farmaajo dib u xasuusiyay ‘in afar sanno ka hor Shalay oo kale loo caleemo saaray kursiga uu Shalay ka degi laayahay’.

Waxa uu sheegay in qaabkii xiligaas xilka loogu wareejiyay Farmaajo uu ahaa mid muujinaya dib usoo kabashada Soomaaliya iyo hanaqaadka nidaamka dimuquraadiga ah ee dalkeena, balse ay nasiib darro tahay inuu madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday uu hareer maro.

"Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka,” ayuu yiri Caynte.

Caynte ayaa waxa uu Farmaajo ku tilmamay mid kursi jaceylku kala qiimo batay bed-qabka dalka iyo dadka, maadama uu xaalad xasaasiya marayo dalka, ayada oo aysan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbayo xaalada taagan.

Hoos ka aqriso qoraalka Caynta;

Bismillah,

Sawirkan waa afar sano ka hor Shalay oo kale. Waa maalintii si rasmi ah loo caleema saaray mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sawirku wuxuu astaan ifeysa u ahaa sida uu u xoogeystay nidaamka dimoqraadiga ah ee dalkeenna. Maalintii xigtay, wargeysyada Africa iyo kuwa carabta ee aan waligood arag madax xilka si nabad gelyo ah isugu wareejinaya, ayaa boggooda hore sawirkaas quruxda badan kusoo qaatay.

Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka.

Ha yeeshee, waan hubaa inuu qaadi doono waddadii ay hortiis qaadeen kalital iyeyaal badan.

Wabillahi Towfiiq.




Safiirkii hore ee TURKIGA oo si lama filaan ah uga fal-celiyey khudbadii DENI

Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya sanadihii 2011-kii illaa 2014-kii Amb. Cemalettin Kani Torun ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee hadda lagu jiro.

Mr Cemalettin Kani Torun ayaa marka ka facl-celiyey khudbaddii uu Habeen hore Garoowe ka jeediyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed Deni oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed & is mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Diblomaasigan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka aya ugu baaqay xubnaha beesha caalamka inay ku baraar ugaan hadallada kasoo yeeray madaxwe yne Siciid Deni, isaga oo shaaciyey in xiligan Afrika aysan u baahneyn kaligii-taliye iyo dagaal sokeeye.

"Digniinta Deni baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka, Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay,” ayuu yiri safiirkii Turkiga ee arrimaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo uu haatan dalku ka jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana uu muddo xileedkii ka dhamaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo aan weli heshiis lagu heyn hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Shirkad Duulimaad Oo Hal Arrin Darteed U Hakisay Duulimaadyadeeda

Shirkadda duulimaadyada ee United Airlines ayaa ku dhawaaqday inay hakineyso duulimaadka 24 diyaaradood oo ah nooca Boeing 777 kadib markii mid kamid ah matoorada diyaaradahaas ay cillad ku timid waxyar un kadib markii ay duushay.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo sameyn lahaa baaritaan dheeraad ah oo la xiriira waxa sababay in uu ololo matoorka diyaaradda, loogana baaqsado in shil noocaas oo kale ah uu dhaco markale.

Hey’adda duulimaadyada ee Mareykanka FAA ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo diuyaaradaha noocoodu yahay Boeing 777 ee ay ku rakiban yihiin matoorada ay sameyso shirkadda Pratt iyo Whitney.

Baaritaan horudhac ah oo ay sameysay hey’adda qaabilsan bad-qabka gaadiidka Mareykanka ayaa sheegtay in laba kamid ah marwaaxada matoorka diyaaradda ay wax gaareen.



SOMTEL OO MUQDISHO KUSOO BANDHIGTAY ADEEGYO AAN DALKA HOREY UGA JIRIN


Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeegyo casri ah oo kala KAABE & KAYDSO Kuwaasoo ahmiyad gaar ah u leh bulshada soomaaliyeed

Munaasabada lagu soo bandhigayay adeegyada ayaa waxaa lagu qab tay hotel-ka Karmel iyadoo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiinta sare ee Somtel, Madaxda Dahabshiil group, Ururada bulshada rayidak, bahda waxbarashada, ururada dhalinyarada iyo maamulada isbitaalada muqdisho.

Adeeggga kaabe Waa adee gg u sahalaya macamii sha Somtel Inay Helaan am aah lacageed ayagoo istic ma alaya simcardka somtel kuna helaan eDahab ahaan.

Macaamiilku waxa uu ku iibs an karaa Amaah-da uu qaa tay Kaarka (Prepaid), Internet Data. Sidoo kale waxuu Amaahda waxuu u isticmaali karaa Cash ahaan.

Macamiilku waxa uu amaahan karaa lacag dhan ($1- $100) iyadoo laga doon ayo inuu mudo Todobaad ah ku bixiyo, wax khidmad oo dheeri ahna malaga qaadayo. Maca amil si aad u fuarato KAABE fadlan garaac *900#

Sidoo kale shirkaddu Waxa ay xarigga ka jartay adeegga KAYDSO oo u sahlaya macaamiisha somtel inay ku keedsadan karaan dhigaalko oda lacageed simcardkooda Som tel.Macaamiilku waxuu dooran karaa mudo dhigaalkiisa (3 bilood, 6 bilood iyo 12 bilood) asagoo aan la bixin karin dhigaalkiisa ilaa iyo laga gaaro xiliga uu doortay. Si aad u furato adeegga KAYSO fadlan garaac *232#

Labadaan adeegg ayaa wax badan ka tari doona baahida macaamisa somtel iyagoo uga faa’ideysan kara baahidooda adeegeed.

Ma ahan markii ugu horey say ee shirkadda somtel soo kordhiso adeegyo cusub Wa xaa xusid mudan in shirkaddu u tagaantahay in mar walba la wadaagto bulshada soomaliyeed adeegyo cusub oo casri ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip