Ma igu soo bilaawdeen "Cashar muhim ah"

0
Tuesday December 29, 2020 - 11:21:33 in Wararka by
  • Visits: 2749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma igu soo bilaawdeen "Cashar muhim ah"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Merry Christmas, Christmas Eve, Christmas Tree, papa Natale iyo New year.

Dad badan ayaa ii soo diray qoraal ah, Merry Christmas, Hambalyo hor dhac ah ee Sannadka cusub, iga joojiya ayaan leeyahay, Adiguna Akhristoow iska fiiri sida laguu khaldayo.
                Ciidda Merry Christmas, waxaa markii ugu horeysay la bilaabay, xilli qaboobe ah 25 Dec 336 Ad, oo ah qiyaastii 300 Sanno Dhalashadii Nabi Ciise CS kadib.waxaa bilaabay Boqor Roman ahaa, waana Boqorkii ugu horeeyay oo kirishtaan ahaa Sannado kadib.
 
Muddo kadib ayaa Baaderigii Masiixiyada ee la dhihi jiray Julius uu yiri: Waxa eyba ku beegan tahay Maalintii Nabi Ciise CS uu dhasbay, taa lafteeda la iskuma raacsano iyaga ayaaba ku leh : Nabi Ciise CS ma dhalan 25 December ee waa Maalin laga soo qaatay Romaankii hore ee badawiyiinta ahaa oo maalintaa u yaqiin "Ciidii Satiurnalis”. Laakin dhalashada Nabi Ciise CS waa 25 March. qaar kale ayaa leh waxa uu dhashay 13-17 June. Laakin 25 December. waxa ey aheyd Maalin Qoraxda la caabudi jiray Nabi Ciise CS ka hor, maalintaa oo haddii xisaab ahaan dib loo celiyo ku beegan 17-25 December.
 
Christimas tree.
 
               Romaankii hore ee Diin laawa yaasha ahaa ayaa keenay Geedka Christmaska, kuwaa oo caabudi jiray Dhirta Keymaha qaar, waana Ciidii Satiurnalia oo loo bedelay Diin ahaan.(F.S: 1, 2 & 3aad) Taariikhda Geedkii ugu horeeyay ee Christmas Tree kan Caasiga ah waxaa lagu keydiyay Riga-Lativa ee Jarmalka Sannad kii 510.
 
              Ciidan Geedka oo Dadka lagu khaldo, waxaa la geeyay wadamo Muslim ah oo Dadkoodu iyaga oo aan ogeyn ey ka qeyb galaan Xaflada. xatta wadamada heysto Diinta "Buddaha” haddii aad tagto Bisha December waad ku arkee sida Cambodia ( F.S: 4 & 5aad) ama Thailand ( F.S: 6 & 7aad),                  wadamada Reer Galbeedkana waqtigaa December oo Qoboow jiro Meel kasta oo aad istaagto waxaa Gadaashaada ka muuqanyo Geed Caag ah oo la hardhay (F.S: 8 & 9aad).
 
               Ciidan Gaaladu waxa ey ka dhigteen halka Maalin ee qooyska isku yimaad oo haddiyado la isa siiyo. waa Maalinta ey ugu badan yihiin ee Gaaladu ey       kaniisada tagaan, Weliba Habeenka ka horeyo ee 24 December oo ey u yaqaaniin Christmas Eve. Khamiisadda ayey isagu yimaadiin si ey isagu diyaariyaan Maalinta 25 December.
 
waxa ey leeyihiin Baadariga Santa Claus oo jooga Cirifka Waqooyi ee Aduunka ( F.S: 10 & 11aad) ) ayaa sameeyo Qalabka Caruurtu ku ciyaaraan, si uu Caruurta Dunida u caawiyo.
            Cirifka Waqooyi ee Dulka meel la leeyahy waa dhagaxii ugu dambeeyay Dhulka ( the end of the world) Anigaaba tagay kumana arag Odayga beenta ah oo ey sheegayaan (F.S: 12,13 & 14aad).
 
waxa ey odaygaa u bixiyeen "papa Natale”.sida ey leeyihiin waa Nin u eg Talyaani ama Badariga la yiraa: Santa Claus oo wato Dhar casaan ah, yaan laguugu khaldin, xatta Madaxda Caalamka ayaa xayeesiin u sameeyo ( F.S: 15aad), ha ku dayan kuwaa Alle ku caasiyay iyo kuwa ku sakhraamay iyaga oo iska dhigaayo papa Natale.( F.S 16aad)
Maryama RC.


 
           Merry Christmas, waxa ey ka wadaan Maryama RC, Nabi Ciise CS Hooyadii oo ey leeyihiin waan ku xuseeynaa.
 
Maryama RC, Allaah ayaa sharfay oo Amaanay, waa Haweeneyda kaliya ee Magaceeda lagu sheegay Qur’aanka. looguna magac daray suurad Qur’aanka ka mid ah. Ma jirto Haween kale oo Magaceeda lagu sheegay Qur’aanka xatta Hooyooyinka Ambiyadii kale, Xaasaskoodii, Caruurtoodii ama Haween  kale midna. in kasta oo Haweenkaa kale Qisas koodii naloogu sheegay, Magacooda Laguma Xusin Qur’aanka. Taa ayaana Maryama RC ugu filan Sharaf iyo Amaan ee Geed Caag ah oo Gaalo Nalal ku soo xirxireen Sharaf ma ahan.
 
waan hubaa in Somali Badan iyo Muslimiin kaleba lagu khaldi doono,Xaflado la leeyahay waa Sannadka Cusub, fiiri inta Muslimiin ah ee Habeenkaa ka qeyb gali doonto Xafladda Sannadka Cusub iyo isla Habeenkaa inta Salaad Subax u soo toostidoonto ( F.S 17aad)
is jir Adiguna Ciid Diineed Gaalo leedahay yaan lagaaga dhigin ilbaxnimo, Adiga oo ilbaxnimo beena raadianyo yaan lagu Ajarin, Beenta iyo khiyaanada Gaalada ee ilbaxnimo iska yeelka ah, Cadaabna lagu muteeysan karo Allaah ha naga Badbaadiyo.
FG: wixii aan ka khalday iga sax,wixii ka dhimanna ku dar.
 
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip