Danjire: Salaad Cali Jeelle !!!.

0
Tuesday December 22, 2020 - 12:29:19 in Wararka by
  • Visits: 2201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire: Salaad Cali Jeelle !!!.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

             Arrin lala yaabo ma ahan in Md. Salaad Cali jeelle uu noqdo Danjire. Salaad waxaan aqaan Muddo dheer, Dhacdooyin Badan ayaan iskula soo joognay. tan iigu darneeyd waxa ey aheeyd:

       Galab ayaan u imid isga oo Darbi fadhiyo kaligii, waxa uu igu yiri: aan is cafino u maleeyn maayo in aan sii noolaan doono 5ta daqiiqo ee soo socoto, sida aan dareemayo.
 
            Haddalkiisu waxa uu u ekaa wax sidaa loo qaadan karo, Salaad dhinac ayaa Xabbadu uga dhacday, kama bixin waxa ey dhaxtiil xabadkiisa, Gudaha waxaa buuxiyay Dhiig, Sambabadiisu ma helin meel ey ku dhaq dhaqaaqaan, neeftuna waa sii yaraaneeysay, isbitaalkiina waa laga soo saaray.
 
Niyadda ayaa u dhisay, waxaan ku iri: Xaalkaagu waa fududyahay, shir khayr leh ayaan kulanay, i sug. Gaari gacan noo dhawaa ayaa Sakiin ka soo iibsaday, waxaan ku soo celiyay isbitaalkii , ” isaga oo aan socon karin Anna kor uma qaadi karin, sababta waad dareemi kartaa”. Miis ayaan seexiyay, Gabar kalkaalisaa ayaan u yeertay, Feeraha dhaxdooda ayaan ka duleelinay, Tubo ayaan ka galiyay, dhiig badan oo ka soo hooray Dhalo dhulka tiil ayaan ku shubay. Salaad oo sii ogaal beelayay ayaa hadalay mar qura,Haddalkii ugu horeeyay ee ka soo baxo waxa uu ahaa, Yaxye waan noolahay waan noolahay, markii dhiigii guduhu ka baxay ee uu bilaabay in uu neefsan karo, Dibadda ayaan u soo saaray, Daawo ayaan uga iibiyay Tabakaayo banaanka ku tiil. sidii ayuu ku bogsooday, welina Xabbaddii waa ku jirtaa Jirkiisa sidii aan ku ogaa.
 
              Ogoow Annigu Dhakhtar ma aheyn,intaa waxaan ka bartay bukaan aan caawin jiray, wax kale oo aan qaban karana ma jirin Xaaladdaa, Salaad ma noqon Abaal laawe arrintaa mar kasta waa iiga mahad celiyaa, kadibna waxa uu iga codsaday in aan ka caawiyo sidii uu u baran lahaa Af Ingriiska. isagaba weeydii wixii faahfaahin ah ee Arrimahaa la xiriiro iyo waaya badan oo aan is naqiin.
 
            Salaad xaq waa u leeyhay in uu Safiir Noqdo, hore waxa uu u soo noqday wasiir xigeen, waa Jaamici.
 
waxaa laga yaabaa in i saga oo kaliya aad taqaan, ee Safiirada kale ma taqaan?. qaar badan ayaa laga yaabaa in Aqoon iyo Dadnimo uu dheer yahay, waxa aad ku dhaliilee, kaligii gaar uma ahan ee Danjirayaal badan ayaa la qabo.


 
        Annigu Siyaasad ahaan waan ka soo hor jeedaa waxa uu aaminsan yahay, iyo Sida uu ku muteeystay Xilkaan ama waddada uu u maray. Laakin ma inkirayo in ka Muwaadin ahaan uu xaq u leeyahay, sida kuwa badan oo la mid ah oo Diblomaasiyadda aan ku matali karin Qaranka, khibrad ahaan iyo waaya aragnimo Xil Arrima dibadeed.
 
               Ogoow, weligeey uguma Abaal sheegan wixii aan u qabtay, isaguna Abaal laawe ma noqon, mar kasta waa iiga mahadcelin jiran, mana ahan in aan Adiga kuugu faanayo, wanaaga qaar waxaa la sheegaa si la isagu daysado oo kaliya.
 
Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax.
 

Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip