Cadde Muuse "Puntland waxaa lagu soo qaaday dagaal Siyaasadeed iyo mid amni"

0
Thursday March 17, 2016 - 10:12:48 in Wararka by
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadde Muuse "Puntland waxaa lagu soo qaaday dagaal Siyaasadeed iyo mid amni"

    Waxaa sii kordhaya walaaca Maamulka Puntland ay ka muujinayaan ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo gaaray deeganada Maamulka Puntland, halkaasi oo ay kula dagaalamayaan ciidamada Maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhaya walaaca Maamulka Puntland ay ka muujinayaan ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo gaaray deeganada Maamulka Puntland, halkaasi oo ay kula dagaalamayaan ciidamada Maamulkaasi.

Cadde Muuse Xersi Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, ayaa sheegay dagaalka lagu soo qaaday Maamulka Puntland inuu yahay mid siyaasadeed iyo mid amniga Puntland lagu wiiqayo oo shacabka nabadda ku nool lagu qalqalgelinaayo.

Waxa uu sheegay inay jiraan qorshooyin kala duwan oo ka dambeeya dagaalka lagu qaaday Deeganada Puntland, isaga oo sheegay shacabka Puntland in laga doonaayo u istaagida dagaalkaasi iyo sidii ay isaga difaaci lahaayeen.

"Puntland waxaa lagu soo qaaday dagaal Siyaasadeed iyo mid amni, waxaana loo baahan yahay shacabku inay hubkooda qaataan oo ay ka hortagaan cadowga dhulkooda soo weeraray Waligayb kuma fekerin Puntland ayaa cadow qabsan karaa, laakiin waxaa hubaal in gacmo shisheeye ay ka shaqeynayaan inay Puntland burburto.” Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland.

General Cadde Muuse, ayaa tilmaamay Puntland inay isaga filan tahay sida uu yiri 1,000 Wiil oo la soo qalday oo lagu yiri Puntland ka dagaalama waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda Maamulka Puntland ayaa jeedinaya eedeymo aanan sal iyo raad laheyn oo ku aadan dagaalka Shabaabka ay ku qaadeen Deegano ka tirsan Gobolka Nugaal.

Al Shabaab ayaanan aheyn markii ugu horeysay oo ay gaaraan Deeganada Puntland, sababtoo ah Shabaab waxa ay ku sugan yihiin oo ay ka dagaalamaan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip