Kenya oo sheegtay inay Fashiliyeen Weerar Shabaabku ku qaadi rabeen Fariisin Ciidamadooda ku leeyihiin Af-Madow.
Colonel David Obonyo Afhayeenka Ciiddanka Kenya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab xalay saqdii dhexe ku soo qaadi lahaayeen xero ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Afmadow ee Gobalka J/hoose.
Afhayeenka wuxuu sheegay inay ugu yaraan 19 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen iska horimaadkaasi, isla markaana ay Al-Shabaab ka furteen hub fara badan, isagoo sheegay inay ciidamadooda si awood leh ku jabiyeen Al-Shabaab.
"Ciiddankeenna oo ilaalo ku jira ayaa arkay Dagaalyahano Al-Shabaab, kadibna waxaa dhacay iska horimaad oo aan ku dilnay 19 Al-Shabaab, kuna gubeen gaari Tekniko ah” ayuu Afhayeenka u sheegay Suxufiyiin uu kula hadlay Nairobi.
Afhayeenka ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka qabsadeen 10 qoryaha fudud ee AK47 iyo Saddex Baasuuke, mana sheegin khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray Iska horimaadkaasi oo dhacay Abaarihii 1:00 Habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.
Dhanka kale iska horimaadkaas ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu horreeyey ee Ciiddanka Kenya iyo Al-Shabaab dhex mara, tan iyo 15-kii bishii Janaayo ee sannadkan, xilligaasi oo ay Al-Shabaab ku durduriyeen Ciiddan Kenyan ah oo ku sugnaa Xero ku taallo Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

0 