Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay khilaafka ka dhex taagan wefdigiisa iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan

0
Thursday March 17, 2016 - 09:20:18 in Wararka by
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay khilaafka ka dhex taagan wefdigiisa iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ku sugan Magaalada Baledweyne, ayaa wuxuu ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ku sugan Magaalada Baledweyne, ayaa wuxuu ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Odayaasha Dhaqanka, ayaa tan iyo Axadii diidanaa inay la fariistaan xubnaha uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, isla-markaana aanay diyaarba u ahayn inay kala hadlaan Dhismaha Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inaanay wax muqadas ah ahayn qaabkii ay ergada ugu qaybiyeen beelaha degga Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan.

"Wixii aan anagu qaybinay waxyi maaha mar walba, haddii dadku u arkayn inaysan sida saxda ahayn. Markaan anagu qaybineynay inay nala saxneydaa ku qaybinayee xumayn iyo dadka inaan dulmino kuma aanan saleynin.” Ayuu yiri Wasiirku.

Waxa kaloo uu yiri "Haddii marka ay dadka u arkaan inay la khaldanaatay inaan dib isugu wada laabano, oo aan wada akhrinaa ugu nimid, dibna loo wada hagaajiyo. Odayaashuna dabcan waxay sheegeen in ay u arkaan arrintaasi inay ayagu door ku yeeshaan.”

Wasiirka, ayaa sheegay in labada dhinac ay iminka isu hayaan sidii lagu heli lahaa Odayaashii Dhaqanka ee loo dhiibi lahaa shaqada soo xulista Ergada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanaayo Maamulkaasi cusub.

"Meesha ay sartu ka qurantay waxay tahay Odayaashii loo dhiibi lahaa shaqada, sida loo qaybsan lahaa weeye waxaba la’isku haysto, maahanee anagu maba diidanin inaan Odayaasha shaqada u dirno. Odayaasha shaqada iyagaa leh, doorkoodu wuxuu yahay inay Ergada soo xulaan, inay soo xulaan Baarlamaanka ee doorkii ka horeeyay ee ahaa Odayaasha meeqa ayay noqonayaan weeye waxa hadda leesku haystaa.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Odawaa, ayaa wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin in Odayaasha Dhaqanka lagala hadlo, khilaafka ka taagan tirada ay noqonayso Odayaasha soo xulaaya Ergada, isla-markaana soo dhisaaya Baarlamaanka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip