WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 17-KA MAARSO 2016-KA

0
Thursday March 17, 2016 - 08:56:57 in Wararka by
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 17-KA MAARSO 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHALAY LA KULMAY KU XIGEENKA MADAXWEYNAHA BURUNDI .. Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho kula kulmay shalay madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Burundi, Gaston Sindimwo oo shalay b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHALAY LA KULMAY KU XIGEENKA MADAXWEYNAHA BURUNDI .. Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho kula kulmay shalay madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Burundi, Gaston Sindimwo oo shalay boo qasho laba maalmood ah ku yimid Somalia.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn ka mahadceliyay doorka nafhurnimada leh ee dowladda Buru ndi ay ka Qaadanayso sidii nabad waarta loogu soo Dabaali lahaa Soomaaliya, isagoo dhinaca kale xusay in labada waddan ay dhinacyo badan iskakaashan karaan.

"Burundi waa dal aynu walaalo nahay oo taageerada ay na siiyeen qayb ka noqon doonta taari ikhda Soomaaliya. Dib u soo kabashada Soomaaliya kaalin weyn ayay ka qaadatay Burundi, waxa ana rajeynayaa inaan ka wadashaqeyn doono iskaashi buuxa oo labada dal dhex mara,” ayuu yiri ma daxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Somalia ay kalsooni ku qabto hoggaanka dal ka Burundi iyo shacabkiisaba inay xalin karaan xurguftii yareyd ee dhinaca siyaasadda ah ee dhowa an dalka Burundi ka dhacdey, Soomaaliyana ay taageersan tahay mowqfika Burundi ee xalinta xurgu ftaasi.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Burundi Sindimwo ayaa isagana sheegay in ku faraxsan yahay imaanshaha Somalia, isagoo xusay in booqashadiisa ay la xiriirto martiqaad horay ay ugu fidiyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.

"Ujeeddada ugu weyn ee safarkeena waa sidii loo dhisi lahaa guddi labada dal ka socda oo ha wshoodu noqon doonto fulinta heshiisyadii labada dal ay horay ugu gaareen Bujumbura, markii uu bo oqday RW Somalia. Waxaana ka wadashaqeyn doonnaa sidii labada waddan ay wadajir Argagixi sada uga tirtiri lahaayeen Qaaradda Afrika,’’ ayuu yiri Sindimwo.

Heshiisyada ay labada waddan ay gaareen ee la doonayo in la fuliyo ayaa waxaa ka mid ah gaashaandhigga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo in xogta dhinaca amniga ah la isweydaarsado.

Wafdiga Burundi ka socda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in ciidamada Somalia ee millateriga iyo booliiska tababarro lagu siiyo kulliyadda ciidamada Burundi, isla markaana ay fursado waxbarasho u fidiyaan ciidamada Soomaaliya.

Dalka Burundi oo ay hadda xiisado colaadeed ka taagan yihiin, ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia, iyadoo dhowr jeer oo hore ay Somalia booqasho ugu yimaadeen madaxda sare ee waddanka Burundi.

Ugu dambeyntii, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa kusimaha RW Somalia, ahna wasiirka cadaalada, C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Cali Kadiye iyo xubno kale oo ka socday labada dal.

DOWLADDA FEDERAALKA OO WAX LAGA XUMAADO KU TILMAAMTAY HADALKII PUNTLAND

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hadalkii ka soo yeeray Maamulka Puntland ee ahaa in dowladda Dhexe wax ka ogtahay duulaanka lagu soo Pun tland, markii dagaalyahano la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin AlShabaab ay Isniintii ka dageen xeebaha deegaanka Garacad.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo wareysi sii yay Laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa sheegay dagaalyahanada gaaray Puntland ay yihiin ku wo meel ka tagay, meel kalena u guuray.

"Waa ka xumahay in Furun cusub inay tageen, hadii la wada shaqeeyo meel waa looga soo wada jeesan karaa, aniga waxaa oran karaa waa kuwo meel ka guuray meel kalena u guuray, marka waa in meel uga soo wada jeesanaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in aanay jirin wax ka dhaxeyn kara iyaga iyo AlShabaab, isagoo xusay inuu ka xun yahay in Mas’uuliyiinta Puntland ay hadalka sidaas u dhigaan.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay in dowladda Federaalka wax ka ogtahay dagaalyahanada soo gaaray Xeebaha Puntland, isla markaana arrintan sabab u tahay diid madii Puntland ee 4.5

Dadka odorasa arrimaha argagixisada iyo kobaca kooxaha jihaaddoonka ayaa sheegaya in dagaalyahanada cusub ee gaaray deegaanada xeebaha Puntland uu qorshahooda ugu weyn yahay sidii ay u geli lahaayeen Buuraleyda silsiladaha leh ee Golis, si ay aag cusub oo dagaal ugaga furaan gobolada waqooyi bari Soomaaliya.

INDHA CADDE "SADDEX ARRIMOOD AYAY ALSHABAAB PUNTLAND U TAGEEN, WAXAY DOONAYAAN…”

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo horay u soo noqday Wasiiru dowlihii Gaashaan dhigga ayaa ka hadlay sababaha xilligan ku soo beegay in AlShabaab ay gaaraan deegaanada xeeb aha ee ka tirsan Maamulka Puntland.

Indha Cadde ayaa sheegay in qorshaha Shabaab ee tagitaanka Puntland uu yahay saddex arrimood oo uu ku kala sheegay inay tahay in marka hore Amniga Puntland qal qal ku geliyaan, aag cusubna ku furaan, tagitaanka buuraleyda Galagala, si ay u xoojiyaan saaxibadood halkaas jooga iyo inay doonayaan inay xoog ku soo furtaan maxaabiis muhiim ah oo u xiran Puntland sida uu yir.

"Maadaama Gobolada Koofureed lagu jabiyay oo Mareykanka uu ku duqeeyay waxay doonay aan qorshe ah inay Puntland tagaan oo buuraha wareegsan ku dhuuntaan, halkaas ay amniga Puntl and ku qal qal geliyaan”ayuu yiri Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa ka hadlay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Amniga Puntland ee ah aa in dowladda Federaalka gacan ku leedahay Shabaabka ku soo duulay xeebaha Puntland, waxaa uu xusay in hadalkaas aan xilligan loo baahneyn, isla markaana Puntland iyo dowladda isku riix riixin hadalo ceynkaas ah, taasna ay dhiira gelin u tahay AlShabaab.

"Waxyaabaha qaar in la isku riix riixo ma ahan, waa maqlayay hadalka Wasiirka Amniga Pu ntland, waxay cadawga u noqoneysaa gacan iyo gar, Shabaab dowladda Soomaaliyeed waa lay een, dadka Koofureedna waa laayeen, Puntland asxaan uma hayaan, waa in meel looga soo wada jeesto.Mr Indha Cadde ayaa sheegay in Maamulada dalka ka jira ay isku mid u yihiin AlShabaab, waxaana uu ku baaqday in laga shaqeeyo, sidii looga hortagi lahaa, waxaana si gaar ah Puntland ugu baaqay in Galmudug oo deris la ah ay iska kaashadaan la dagaalanka Shabaab.

Dagaalyahano gaaraya boqolaal oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin AlShabaab ayaa maalin ka hor ka degay xeebta deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, kadib markii ay doonyo ka soo raaceen degmada Xarardheere iyo deegaano kale, waxaana dagaalyahanadan ay haatan lug ku marayaan deegaano dhowr ah oo ay doonayaan inay uga sii gudbaan Buuraha Galgala.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA” WAXAAN QAADEYNAA TALLAABO WALIBA OO LAGU QANCINAYO ODAYAASHII KA CAROODAY SHIRKII JOWHAR”

Wasiirk Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odo waa ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha gudaha ay ku dadaaleyso sidii loo Qancin lahaa dham maan Beelaha wada dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu magaalada Beledweyne kula qaatay xubnaha beelaha dhaliilsan shirka laga furay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe islamarkaana u jeedkiisu uu ahaa sidii ay usoo bixi laheyd waddo ay ku qanci karaan beelaha.

Wasiirka wuxuu sheegay iney qaadayaan tallaabo waliba oo ay ku qancayaan odayaashii ka Carooday shirka magaalada Jowhar.

Odawaa Wuxuu intaasi ku daray in wax ka badal lagu sameynayo qaabka wasaaradda Arr imaha gudaha marka hore ugu talo gashay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

XILDHIBAANNADA HAWEENKA AH EE BAARLAMANKA SOOMAALIYA OO TABABAR LOOGU SOO XIRAY NAIROBI,,,

Tababarkani xildhibaanada haweenka ee baarlamanka Soomaaliya loogu soo xiray Magal aada Nairobi ayaa waxa uu ku saabsanaa la xisaabtanka qeybaha kala duwan ee hay,adaha dowla da,sidii ay xuquudoooda ku heli lahaayeein haweenka Soomaliyeed iyo horumarinta tayada xildhiba nada haweenka ee ku jira baarlamaanka.

Tababarkan oo uu soo qaba qaabiyay baarlamanka yurub ee AWEPA ayaa waxaa loo qabtay xildhibaano isugu jira 21 haweeen ah iyo 6xildhiban oo ah la taliyayaal.

Xiritaanka Tababarkani ayaa waxaa goob jog ka ahaa ku simaha Safiirka ahna safiir ku xigeen ka iyo Xubno ka socday AWEPA oo soo qaba qaabisay Tababarkani.

Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed oo ah gudoomiyaha haweenka ku jira baarlamanka Soomaa liya ayaa waxay ugu horeyn ka warbixisay Muhimada Tababarkani uu u leeyahay Xildhibanada hawe enka ah.

"Waxaa la xqiijiyay in aan heli karno %30,laakiin anaga shaki ayaa noogu jira maxaa yeelay mar walba xaqeena ayaa lagu tuntaa,marka waxaan rabnaa in aan helno xaqeena oo sharciyeysan oo dastuurka ku qoran ma aha in qoraal lagu soo saaro oo kaliya aan ku qaadano”Ayey tiri xildhibaan Biibi.

Ku simaha Safiirka ahna ku xigeenka safiirka Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo si rasmi ah u soo xiray tababarka ayaa waxa uu bogaadiyay dowrka haweenka ay ku leeyihiin siyaasada dalka.

"Dumarka Soomaaliyeed waa ugu horeeyaan siyaasada dalka iyo ka qeyb qaadashadeeda, waxayna muujineysaaa awooda ay gabadhuhu ku leedahay in ay matasho bulshadeeda,waxaana raj eynayaa inay sii korodho tiradiina marwalba oo ay aqoonta badato waxaa dhaceysa in doorkiina uu muuqdo maxa yeelay mujtamaca soomaaliyeed waligood dhibaato kama jirin qeybta haweenka ay ku laayeen dowladihii hore,waxaan rajeynayaa dadaalada socda maalmahan danbe inay miro dhal noqon doonaan waana mahadsantihiin” Ayuu yiri ku simaha safiirka.

Tababarkani ayaa waxa uu qeyb ka yahay tababarro dhowr ah oo looga hadlayay dowrka ay haweenka ee siyaasada soomaaliya iyo sare u qaadida aqoonta haweenka ku jira baarlamaanka Soo maaliya.

FARMAAJO OO DHALIILAY DOWLADDA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Ra’iisal Wasaarihii hore Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa uu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed C/laahi Maxamed, ayaa wuxuu Madaxweynaha Somaliya uu ku eedee yay inaanay Dowladiisu lahayn siyaasad sal fadhiso, isagoona ku sifeeyay dowlad uun guur guur ku jirta.

"Wax la taaban karo oo ay gaartay Dowladda malaha, saddex Raiisal Wasaare ayaa la bedelay, saddex Gudoomiye Gobolka Banaadir ayaa la bedelay. Siyaasadda dowladda waxaad moodda inaysan fadhin, marba guur guur ayay ku jirtaa. Siyaasad sal fadhiso maba lahan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaarihii Somaliya.

Wuxuu soo hadalqaaday amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay haddii dhaqaalaha ugu badan ee Dowladda Somaliya soo galaa aan lagu bix in Ciidamada Qalabka Sida, aan la heli doonin nabadgelyada la doonaayo.

"Dhaqaalaha ugu badan ee dowladda soo gala, haddii aan lagu bixin ciidanka, lama gaaraayo in la helo ammaanka loo baahan yahay. Askariga wuu dhimanayaa, wuu dhaawacmayaa, dhibaatadaa soo gaareyso, waana in laga warqabaa.” Ayuu yiri Max amed C/laahi oo la hadlay Radio Goobjoog.

Farmaajo wuxuu kaloo sheegay in Dowladda Somaliya uu masuul ka saaran yahay daryeelka Ciidamada Qalabka Sida, ayna ka warqabto qoyska askariga u dhima naaya Qaranka.

"Masuuliyadda Dowladda saaran waxaa weeye askariga daryeelkiisa wax kasta oo ku yimaada askariga waa masuuliyad saaran Dowladda. Dowladda waxaa laga ra baa inay daryeesho qoyska askariga dhimanaayo.” Ayuu yiri Farmaajo.

PUNTLAND OO LA WAREEGTAY DEEGAANKA GARMAAL KANA HADASHAY KHASAARIHII KA DHASHAY DAGAALKA

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka qabasadeen deegaanka Garmaal oo ku dhow de gmada Eyl ee gobolka Nugaal ciidammo Alshabaab ka tirsan oo habeen hore qabsaday.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in dagaalkii shalayy dhacay ay ciidamada Puntland ku dileen 13dagaalyahan oo Alshabaab ka tirsan, ayna deegaanka ka qabsadeen, isagoo xusay in xoo gaggii Alshabaab ay aadeeen dhinaca badda.

"Waxay ciidamada Puntland dileen 13 xubnood oo Alshabaab ka tirsan, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kasoo gaaray dagaalka,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka oo aan sheegin khasaaraha dagaalkaas kasoo gaaray dhanka ciidamada Puntland ee dagaalka la galay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in xoogaggii Alshabaab ee ay la galeen shal ay dagaalka ay tiradoodu gaaraysay 250 ruux, ayna ka adkaadeen, wuxuuna hadalkiisa ku daray in ay deegaanno kale kusii wajahan yihiin ciidanka Puntland.

Dhanka kale, Xoogaggii Alshabaab ayaa weli ku sugan deegaan ku dhow Garacad oo ka tir asn gobolka Nugaal, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 400qof , laakiin ay ku wajahan yihiin ciida mada Puntland oo shalayy u dhaqaaqay deegaankaas.

QARAMADA MIDOOBE OO GANAAX DUL DHIGTAY TENNISYAHANNADA MARIA SHARAPOVA

Qaramada Midoobe ayaa ganaax dul dhigtay tennisyahannada Maria Sharapova, taasi oo aheyd safiir sharafeed kadib markii la ogaaday inay isticmaasho doroogada.

Maria Sharapovaoo 28sanno jir ah ayaa lagu dhawaaqay hortaantii bishaan inlagu helay daroogada Meldonium la yiraahdo, intii lagulaguda jiray bishii January tartanka Australian Open.

Dhanka kale Xiriirka caalamiga ee Tenniska ayaa xaqiijiyay in Sharapova, laga mamnuucay cayaaraha tenniska in ay ciyaarto.

Dhanka kale Qaramadda Midoobe, ayaa shalay ku dhawaaqday inganaax ay dul dhigtay tennisyahannada Maria Sharapova oo Qaramada Midoobe ku biirtay sannadkii 2007.

SHIRKII DIB U EEGISTA ARRIMAHA DASTUURKA EE KA FURMAY BAYDHABO OO MAALINTII LABAAD GALAY

Shirkii Dib u eegista Arrimaha Dastuurka ee daraad si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo ayaa maalintii labaad galay, waxaana shirkan soo agaasimay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka shalay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Guddiyada Arrimaha Dastuurka, Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed oo uu horkacayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa shirka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, isagoo ka hadlay muhiimada ay leedahay in Baarlamaanka Koofur Galbeed ay la socdaan, isla markaana ay talooyin ka dhiibtaan hanaanka dib u eegista arrimaha dastuurka, maadaama ay yihiin golihii sharci dejinta si loo dastuuri ah oo loo wada dhan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen ayaa soo hadal qaaday howlaha ugu waa weyn ee u yaalla labada gole heer federaal iyo heer gobolba, isagoo tilmaamay in Dastuurka uu noqon karo mid Soomaali leedahay oo loo dhan yahay,

"Dhamaan Umadda Soomaaliyeed waa ka wada qeyb qaadanayaan sidii ay talooyin ugu ye elan lahaayeen dastuurkan, si uu u noqdo mid Soomaali oo dhan ay leedahay”ayuu yiri Wasiirka Arri maha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen oo intaa ku daray in Baarlamaanada Maamul goboleedyada ay udub dhexaad u yihiin geeddi socodka dib u eegista dastuurka, maadaama ay mat alaan shacabka.

Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo arrimaha dastuurka Koofur Galbeed C/qaadir Nuur Caraale oo isna ka hadlay ayaa sheegay muhiimad ay tahay in dastuurka haatan lagu wado dib u eegis, isagoo soo dhoweeyay habka loo wado dib u eegista, waxaana uu bogaadiyay dadaalka ay wado Was aaradda Arrimaha Dastuurka.

Ugu dambeyn khudbadaha kadib ayaa waxaa ka qeyb galayaasha waxaa loo qeybiyay illaa sa ddex kooxood, waxaana koox kasta ay isugu jireen Xildhibaanada heer Federaal iyo heer maamul go boleed, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay isku dubariday fududeynta iyo doodaha kooxaha.

Arrimaha laga doodayay waxaa ka mid ah:

1. Waa maxay Dastuur?

2. Maxay muhiim u tahay in Soomaliya Dastuur yeelato?

3. Maxay lagama maarmaan u tahay in dhammaan Muwaadiniinta

Soomaaliyeed ugu lug yeeshaan waxna uga ogaadaan Dastuurkooda?

4. Maxaad jeceshahay in dastuurka laguugu daro?

5. Sidee lagu heli karaa dastuur Soomaaliya leedahay loona wada dhanyahay?

MADAXWEYNE OBAMA OO KU DHAWAAQAY GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE MAREYKANKA ..

Madaxweyne Barack Obama ayaa xaakim ka tirsan maxkamadda racfaanka federaalka Marey kanka oo lagu magacaabo Merrick Garland u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka, isaga oo beddelaya Antonin Scalia oo geeriyooday bishii tagtay.

Isaga oo dhawaqan ka sameynaya beerta Rose ee aqalka cad, ayaa madaxweyne Obama waxa uu sheegay in Garland uu yahay "mid ka mid ah dadka ugu maskaxda fiican dhinaca sharciga”.

Obama waxa uu xusay in Garland uu ammaan buuxda ka helay intii uu xaakimka ahaa dhina cyada kala duwan ee Mareykanka.

Garland oo ah 63 jir loo arko inuu yahay dhex dhexaad ayaa iminka ah xaakimka ugu sarreeya maxkamadda racfaanka ee degmada Washington DC.

7 ka mid ah xubnaha aqalka Senateka Mareykanka ayaa u codeeyey markii maxkamadda Wa shington DC loo magacaabay sanaddii 1997kii, hase yeeshee Senateka oo iminka ay maamulaan xubnaha jamhuuriga, waxa ay sheegeyn inaysan xitaa cod u qaadi doonin.

Waxa ay ku doodayaan in madaxweynaha beddelaya Obama uu soo magacaabo qofka bedd elaya Antonin Scalia

TAHNIYAD AROOS CAWA IYO AYAAN LEH

Hooyo Aamino Maxamed Macow Hooyo Seeynab C/llaahi Xuseen Aabe Xasan cusmaan Cali Abti Cali Maxamed Macow,Aboowe C/Raxmaan Axmed Abuukar,Aboowe Nuur Axmed abuukar,Aboowe Maxamuud Axmed Abuukar,Aboowe Maxamed Axmed Abuukar,Abaayo Faadumo axmed abuukarAxmed AbuukarAbaayo Yusro Axmed Abuukar,Abaayo Xamdi Axmed Abuukar,Abaayo Farxiyo Cali Garasoow,Abaayo Aamino Cali Qasaay,Aboowe Xasan Yuusuf Maxamed,Aboowe Muuse Yuusuf Maxamed,Aboowe Cumar Yuusuf Maxamed,Aboowe C/raxmaan Yuusuf Mmaxamed,Aboowe xmed Yuusuf Mmaxamed,AbooweCc/llaahi Yuusuf Maxamed,Aboowe Cismaan Yuusuf Maxamed,Axmed C/qaadir Gaawana,Yuusuf Maxamed Cali,Yuusuf Maxamed Maxamuud,Maxamed C/raxmaan Cali, C/raxmaan Cali Warsame,C/llaahi Cali Dhaqane,C/casiis Baddal,Abaayo Nuurto Cismaan Culusoow , Abaayo Maryan Geedi Xasan,Abaayo deeqo xasan Cismaan ,Abaayo Sacdiyo Xasan Cismaan,Nadiifo Cismaan Maxamed,Xamdi Cismaan Maxamed,Farxiyo Muuse Muxudiin,Fartuun Muuse Muxudiin, C/salaan Muuse Muxudiin,Aadan Muuse Muxudiin,Maxamed Muuse Muxudiin, Xaawo Muuse Muxudiin, Aamino Muuse Muxudiin,Hani Maxamed Maxamuud,Fardowsa Xasan Macloow,Cismaan Xasan Macloow, Fowsiyo Shiikh Xasan , Axmed C/naasir Cali ,Yusro C/naasir Cali,Xasan C/naasir Cali, C/raxmaan C/naasir Cali,Yasmiin C/naasir Cali,Kheerto Cali Maxamed,C/Najiib Axmed C/qaadir,Nuur Axmed C/qaadir,Madiino Axmed C/qaadir,Deeqo luul Axmed C/qaadir,C/risaaq Axmed C/qaadir iyo Cadd eey Cali Ciise Dhammaan Dadkaani waxeyTAHNIYO AROOSKAu DirayaanAROOSKAIYO AROOSADAkala ah:- {C/LLAAHI XASAN CISMAAN IYO FARTUUN AXMED ABUUKAR}oo dhawaan ku aqal galay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Gaawo Godeey ee Dagmadda Dharkeynleey waxeyna leeyi hii Alle ha Idinka Dhigo kuwii kala hello Ubad Qeyr QaboAamiin Aamiin Aamiin

BOGGA CIYAARAHA

DIEGO COSTA OO SPAIN KU LAABANAYA, MAN UNITED OO BEDELKA DE GEA KA HESHAY BARCELONA IYO WARARKII KALE EE AY QOREEN WARGEYSYADA INGARIISKA SHALAY OO ARBACO AH.

Maalin wanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharatfa leh meel kastoo aad joogtaan iyo si waliba oo aad ula socotaan bogeena Laacib.net kuna soo dhawaada markale barnaamijkeena wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda

West Ham ayaa dooneysa inay la soo wareegto Christian Benteke si ay u xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka danbe laakiin Liverpool ayay tahay inay wax ka bixiso mushaharka xiddiga reer Belgium ee 120ka kun ginni isbuucii.

Leicester ayaa baqdin ka qabta in Claudio Ranieri uu isaga jeebkiisa ka bixiyo lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo uu ku biiro koox weyn oo Yurub ah.

Chelsea ayaa lagu eedeeyay inay la’ dahay aqoon iyo akhlaaq ka dib markii Antonio Conte uu ku dhawaaqay inuu isaga tagayo shaqada xulka qaranka Talyaaniga ka dib Euro 2016.

daily mirror

Diego Costa auaa u sheegay asxaabtiisii hore ee Atletico Madrid inuu doonayo inuu ku soo laabto kooxda Diego Simeone.

Liverpool ayaa wajaheysa suurtogalnimada ah inay beeso bixiso si uu Christian Benteke uga ciyaaro meelo kale haddii ay doonayaan inay iska diraan xagaaga.

Manchester United aya au calaamadeysatay goolhaye Barcelona MarcAndre ter Stegen bedelka macquulka ah ee David de Gea haddii uu ka tago Old Trafford xagaa gan.

Da’ yarka Chelsea Kenedy ayaa si lama filaan ah waxa uu diirada ugu saaran ya hay Barce lona.

the sun

Antonio Conte is ready to kick off his reign as Chelsea boss before Euro 2016.

Barcelona have stunned UEFA and FIFA by appearing to back a new European Super League.

Riyad Mahrez’s agent has failed to rule out listening to offers from other clubs when the seas on ends.

Daily starAntonio Conte ayaa u sheegay Chelsea inuu xalin karo dhibaatooyink ooda isagoo la soo wareegaya daafaca Juventus Leonardo Bonucci, xiddiga khadka dhexe ee Roma Radja Nianggo lan iyo xiddiga Bayern Munich Arturo Vidal.

daily express

Xiriirka tababarayaasha Iatly ninka u madaxda ah Renzo Ulivieiri ayaa sheegay in Chelsea ay xiriirka kubada cagta Talyaaniga u dib u martay soo xerogelinta Antonio Conte.

Manchester United ayaa kula dagaalameysa Chelsea saxiixa xiddiga kooxda Ro ma Aless andro Florenze.

daily mail

Manchester United waxa ay ciyaartaa kubad aan la aqbali karin, waana in Ryan Giggs uu bed elo Louis van Gaal, sidaasi waxaa ku taliyay Dwight Yorke.

Mauricio Pochettino ayaa ku dhow inuu saxiixo heshiis cusub oo uu sannadkii ku qaadanayo 3.5 Milyan ginni si uu u sii joogo Tottenham.

the independent

Macalinka xulka Chile Jorge Sampaoli ayaa sheegay in sababta kaliya ee uu ku waayay sha qada Chelsea inay tahay in Ingariiskiisu uusan fiicneyn.

Da ily telegraph

Ryan Giggs ayaa diyaar u ah inuu shaqada Manchester United kala wareego Louis van Gaal sidaasi waxaa sheegay Bryan Robson.

ANDERSON OO FARRIIN CAD U DIRAY MAN UNITED , MA U SOO SOCDAA MISE

Bartilmaameedka Manchester United Felipe Anderson ayaa dib u celiyay warar ka sheegaya in uu ku biirayo kooxda ka dhisan Premier League.

Weeraryahanka Lazio ayaa aad loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo England ka dib markii uu dhaliyay 10 gool oo Serie A xagaagii hore, iyada oo United ay ku raadi ne yso ciyaaryahankaasi £35 Million in ay kusoo iibsato bisha January ee soo aadan.

Ciyaaryahanka ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Old Trafford, Sikastaba, Ander son ayaa she egay in uusan baahi u qabin inuu ka tago Rome, waxaana uu tilmaa may in kooxdiisa uu ka caawin doono sida ay xagaaga dambe meel wanaagsan u hii gsan laheyd.

Anderson ayaa Fox Sports Brazil ku yiri. "Jaraa’idyadda bes ayaa qora macquul nimada in aan u dhaqaaqo England, balse aniga waxaan ahay ciyaaryahan Lazio ah waxaana doonayaa in aan halkan waxbadan ka sameeyo.

"Hadii aan si wanaagsan halka uga ciyaaro waxaa leyga yeeri doonaa xulkeyga qaranka, taasi ayaana ah hadafkeyga.

"Waxaa jira tartan adag oo booska Olympics ah, waxaan doonayaa koox wana agsan si aan xulka u hiigsado.

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSOHEY’ADDA UNICEF

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project




INVITATION TO (BID)

LRPS-2016-9122429 17February. 2016

UNITED NATIONS CHILDREN’S FUND(UNICEF)

Wishes to Purchase

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

[SEALED] offers should be sent to Physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central, Somalia

LRPS- 2016-9122429

Attenion: Gerard Magbity (Supply and Logistics Speciallist CSZ)

Or

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145,00100,Nairobi,Kenya.

LRPS-2016-9122429

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

The ReferenceLRPS- 2016-9122429 must be shown on the envelope containing the the offer.

Bid form and schedule(s) must be used when replying to this invitation. You are welcome to

encloseyour own [specifications / terms of references] etc., if necessary.

Offers must be received by latest 14:00 am 22 Marsh.2016 and will be publicly opened at

14:30 on the 22Marsh, 2016at both the two addresses indicated above. Bids receivied after the

stipulated date and time will be invalidated. Bids received after the stipulated date and time will

be invalidated.

It is important that you read all the provisions of bid, to ansure that you

understand UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them.

Note that failure to provide compllant offers may result in invalidadtion of bid.

THIS INVITATION TO BID HAS BEEN:-

Prepared by Giogio Figus







PLEASE PICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOCUMENTS FOR THE

 OFFICES INDICATED ABOCE

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip